Q.2 Sheekadii guursataye…

 

Waa barnaamijkii Jimcaha iyo sheekooyinkii jacaylka iyo lammaanayaasha isu xishay. haddaba maanta waxaa inoo sii soconaysa sheekadii (GUURSATAYE MAXAAD UURKA U XAAQDAY).

Waxay inoo joogtay iyada oo gabadhii aroosadda ahayd cuntadeedii ducada ahayd ee arooska la cunay, iyadana ay ku duuduubnayd qolkeedii oo ay ku ooyaysay.

Waxaa qolkay gabadhu ku jirtay u soo galay dhawr haween ah oo ka socday dhanka iyo ninka lagu dari rabay, wayna salaameen, waxayna arkeen i ay murugaysan tahay, gabadhii waxay ku dheheen, “Heblay maxaad la murugsan tahay, adaaba nasiib leh, oo nin wanaagsan oo ku dhaqan kara lagu siiyeye, nin dibad ka yimid oo ku dhoofinaya, naa Alle ku xamdi, ha ooyin sidi ruux laga dhintaye, annagana na xurmee waxaa nahay xaajiga lagu siiyay qoyskiisee, oo na baro billacaylka”. Gabadhii lam aysan hadal, dumarkii sidaa ahaa, waayo niyad iyo nafba uma aysan haynin, in ay u jawaab celiso. Kadib haweenkii markay ku daaleen inanta la hadalkeedii ayay isaga dheelmadeen.

Gabadhi hooyadeed, habaryarteed iyo eeddadeed ayaa haddana u yimid waxayna ku yidhaahdeen is diyaari waxaan ku gaynaynaa goobtii cillaan saarka oo waa lagu galbinayaa caawa ee howshii maherkuna waxay ku dhamaatay wanaage. Gabadhii way qabaysatay, wayna is diyaarisay, cunto iyo caano loo keenay ayay wax yar ka cuntay, kadib ayay loo qooday dhankii cillaansaarka oon sidaas uga fogayn, waxaana loo saaray cillaan iyo waxyaabo lagu qurxinayo.

Gabdhihii cillaanka u saarayay ayaa aad u waaninayay gabadha murugaysan. Aad ayay gabdhihii u qurxiyeen gabadhi, waxayna u saareen cillaan aad u quruxsan oo farsaxamaysan, waxaana loo xidhay taajkii, waxaana la gaadhay xilligii galbiska, gabadhii waxaa u yimid habar yaraheed, iyo gabdho dariska ah, waxayna u sheegeen in ay u wehelyeelayaan
Aad ayey gabadhii ii qurxisay waxayna iisartay cilaan aad u quruxsan waxalay xiray taash waxa lagaray sacadii galbiska waxa ii imaday habaryartay iyo gabdho ka socda dhanka dariskanaga waxay ishegeen inay ii wehel yeelayaan.

Waxaa lakeenay gaariyaal badan, waxaana midkood la saaray gabadhii aroosadda ahayd iyo gabadhii malxiisadda u noqon lahayd iyo habaryarteed oo waano iyo waayo aragnimo kula talinaysa. Intaa kadib waa la soo wareejiyay, waxaana la soo gaadhay gurigii lagu soo galbinayay, waxaana wali la socda oo la dardaarmaya hooyadeed iyo habar yaraheed, gurigii waxaa albaakiisa joogay babdho kale oo aysan gabadhu aqoon, alaabtii oodkicii iyo diiqadii kala duwanayd, waxaa siday dumarkii iyada la socday, kadib buraanbur iyo mashxaraddii baa isla yeedhay. Waxaa gababadhii la soo galiyay qol loogu talo galay, waxaana ku hadhay waalidkeed, si ay u sii waaniyaan, dadkii kalena way ka soo kala tageen.

Gabadhii hooyadeed waxay siisay waanadan, “Hooyo guurku waa waxaan u wada joogno haddaynan dhiman, caawa waxaad tagaysaa guri aan keenna ahayn, waxaad la dhaqmaysaa dad aadan waligaa arag oodan aqoon, hooyo dabecadahaga ha noqdaan kuwo leh dulqad iyo dagganaan, hooyo ninkan aad hadda xaaskisa noqonayso ka dadaal u noqo nolal uu ku nasto oo uu ku dago, hooyo hadalkaaga oo wanaagsan ma ahee xumaantaada yeysan ii imaan, hooya noqo gabadh ka adkaata reerkeeda hooyo waan kuu duceeyey oo waan ku jeclahay ee noqo barriyaddaan soo koroyey, ee ii dhaga nuglayd, hooyo nolashada rernimo hanoqoto midaad ku faraxdoo ku nolaato inta nolashada ka dhiman”.

Habaryareheed iyo eeddooyinkeed ayaa iyaguna hadalo dardaaran guri ah u soo jeediyey, waxayna intabadan kula hadlayeen in aysan nixin oo guurku waa iska caadi e ku qanacdo.

Waxaa la garay sacadii la gayn lahaa gabadha gurigeedii waxa soo qaaday habaryareed iyo eeddooyinkeed oo galbinaya waxayna saareen gaarigii loogu tala galay, dadkiina wali way iska mashxaradayeen, wayna buraanburayeen, gabadhii iyo dadkii galbinahyay waxay u jahaysteen dhankaa iyo gurigii cusbaa, halkaas waxaa ku sugnaa oo ku sugayay dad farabadan oo ka qaybgalayaasha arooska ahaa.
Waxaa la soo gaadhay, gurigii gabadha aroosadda oo lagu galbin lahaa, gurigaasna waxaa aad ugu buraanburayay dadka kale oo aad u badan, waaana lagu fadhiisiyay kuraas loogu talagalay in caruuska iyo caruusadda iyo dadkii kale ay ku fadhiistaan. Halkii ayaa la wada fadhiistay, keeggii ayaa meesha lagu wada jaray, sawirradiina lagu wada galay. Kadibna arooskii waa laga kala dheelmaday, sida caadadu ahayd.

Gabadhii waxay noqotay qof aan hadlaynin oon farxadsaasa sii naynin nbinkii la siiyay, ninkii baa si kasta u la hadlay oo ku yidhi, “ Maxaa ruux aamusan kaa dhigay oodan iila hadlaynin, soo aniga xaskayga ma tihid, walaley maxaa kugu dhacayna, sidan iska baddal waayo waxaa wanaagsan qof faraxsan oo reerkeeda dhaqanaysa inaad noqoto, ilaa hadda waan qoys nahay muddo 6 bari ah, toddoba bexeenina maalin baa ka laaban, ee qof adag iska dhig, maxaa kugu dhacay”.

Waxaa la garay subaxii toddoba baxa, waxaana loo diyaar garoobay toddoba bixii waxaana imaday dad badan oo labada dhinac ah, gabadha hoyadeed iyo habaryarteedba waa u imaadeen iyo waliba walaaleheed gabdho yar yar ah, waxaana bilabmay xalfaddii Shaash_saarkii, waxaa la cunay cunooyin kala duwan oo fudud.

Gabadhii haddana waxaa si caadi ah oo waayo aragnimo ah u waaniyay waalidiinteeda, hooyadeed iyo habaryaraheeda, waxayna ku dheheen, “Reerka sidaa u dhaqo, farxad muuji, ca bsida iska saar wali kugu jirta, sidi aad reer buuxa ku noqon lahayd falkeeda gal, annaguna waan kuu soo ducaynaynaa”.

Gabadhii muddo ayay reerkii sidaa ku dhaqatay, iyadaa wax walba qabsatay, oo noqotay xaaskii guriga, si ay nolasheeda, cabsi cabsida ah wax uga badasho, waxay billawday in ay iyadu cuntada kariso, oo ay malxiisadihii iyadu markaa hawsha guriga kala wareegto. Gabadhihiina way ku farxeen oo waxa au muuqatay, in ay marwadu eegadaas firfircoonaatay.

Ninkeedii baa isbadalka gabadha aad ugu farxay, markii uu arkay iyadii oo reerkii maamulanaysa, wuxuu u sheegay, sida uu ugu faraxsan yahay, wuxuuna ku yidhi, “Gacaliso wax wanaagsan baad samaysay, marba haddaad reerkii dhaqankiisi fahantay, ood adigu gacantaada ku maamulanayso, waana ii farxad”, ayuu odaygii ku yidhi xaaskiisi. Gabadhiina waxay tiri, “waa iska caadi, aniga reerkayga iyo guurkayga umbaan iskaga qanacsanahay oon maamulanayaa”.

Kadib gabadhii si farxad leh, ayay odaygeedii, wax walba ugu muujisay, maalintii koobaad ee ay iyadu gacanteeda, qureec ugu samaysayna, aad ayuu uga sheekeeyay, wuxuuna u sheegay, in ay dadku ka dareemeen in uu wax iska baddalay, isna wuxuu ku faanay, oo yidhi, waa maalintaydii kobaad een cunay, qureec ay marwadayda cusub gacanteeda ku samaysay. Maalintaana sidii oo kale ayay gabadhii qadadii oo ay gacanteeda ku suubbisay, si farxad leh oo wada jir ah ugu wada qadeeyeen. Kadib… waa i noo qaybo kale idam Alle.