Maysiga adhiga iyo manaafacaadkiisa

 

Barnaamijkii maalinta isniinta “Aqoon laawe eed maleh”, ee bogga dhugasho, waxaan ku soo qaadanaynaa maysiga dhiga.

Q.r. Af-guun

Adhigu waa maysiga labaad ee ay soomaalidu aadka u jeceshahay. Xagga dhaqashadiisa aad ayuu ugu badan yahay soomaalida, sababtuna waa xoolo ku noolaan kara meel kasta, una adkaysan kara cimilada kala duwan, inkastoy dhaxantu u daran tahay. Waa xoolo si dhib yar lagu tabcan karo ninkii u jeedsada. Lixdii biloodba mar ayuu dhalaa. sidaa darteedna wax lala yaaba ma aha hadduu ruux kasta ku dhaho adhi baan leeyahay.

Guud ahaan xoolaha marka lagu xisabtamayo:-

Marka iib ahaan loogu xisaabtamayo, xoolaha waxaa loo kala saaraa labo:-

Adhi iyo
Ishkin

Adhigu waa riyaha iyo idaha
Ishkinkuna waa Geela, Lo’da iyo Dameeraha.

Marka dhaqaale ahaan loogu xisaabtamayana labaa xoolaha loo kala saaraa:-

Geel iyo
Nugul

Geelu waa geela uun.
Nugulkuna waa Adhiga iyo Lo’da.

Marka taya ahaan xoolaha loogu xisaabtamayana waa labo:-

Rafiso iyo
Maquuno

Rafiiso: waa neef geel, Adhi, Lo’ ama dameer ah oo aan inyar oo ceeb ah habayaraatee lahayn. oon il la’ayn, oon naas la’aayn, oon jirranayn, oon aad u yarayn, waa rafiiso oo Zakadaa ku bixi karta, oo arrafadaa la qali karaa IWM.

Maquuno: waa neef iska caadi oo hadduu rabo ceebleh. tusaale, hal candhoola ah rafiiso galimayso laakiin maquunay gali, Sac tood ah oon la maali karin, sidoo kale waa maquuno.

Daajinta adhiga

Adhiga oon uga danleenahay qormadan maanta, ayaa xoolaha nugulka ah ugu adkaysi badan maxaayeelay jiilaalki wuxuu biyaha ka qadi karaa inta badan seddex bari, adhiga suubaanka gabiibta ah ku noola shan ama lix maalmood ayuu qadi karaa.

(Siloo fila ka roone) ayay soomaalidu dhahdaa iyadoo ula jeeddo ninka adhiga leh. (Ninka adhiga leh waa si loo fila ka roone), maxaa yeelay, waxaa ugu wacan, adhiga waa iska baraka badan yahay, xilliyada abaaraha ah qaarkood, haddii loo dadaalo, waxaaba laga yaabaa in uu ama neef iska shidhaysto ama neef u dhalo amaba suuqa gaysto xilli xoolaha kale aan loo hawoonaynin.
Mararka qaar waxaa dhacda abaar maahiil ah oo dad iyo duunyaba xoodhisa. Marka ay abaartan oo kale dhacdo, dadka geela leh waxay u guuraan meel biyayowga ka fog oo ayn cid kale daaqi karayn waxayna soo dhaansadaan awrta.

Dadka lo’da lehna waxay degaan meesha biyaha aadka ugu dhaw, waa ta la yidhi:

-Lo’ waa caws iyo biyo ku nool”. soomaalidu mar kale waxay tidhaahdaa:
-Sac dhaqaalkiis waa inuu lugaha dambana biyaha kula jiro lugaha horena cawska kula jiro”.
-Baadi lo’aad biyaa loo fadhiistaa”.
-Lo’ey nimaan ku horraynin yuusan kuu heesin
-Wax ayn biyo i siinin lo’ ima siinin” IWM.

Dadka adhiga lehna waxay degaan meesha u dhaxaysa geellayda iyo lo’leyda, waa meel biyaha aan aad ugu dhawayn, aadna uga fogayn, oo geeluna markuu soo aroorayo socod ku soo dhaafo, lo’duna aysan fooftaanba ku gaadhin. Marka waa meel iska yara fiican, oo adhiga saxar ku filan u leh. Wuu ku barbixi karaa, meelahaas dhexdhexaadka ah, haweenkuna dameeraha way ka soo dhaansan karaan, oo waa meel aan aad biyaha uga sii fogayn, aadna ugu sii dhawayn, sida lo’leyda. Sidaa daraadeed ayay u dheheen “Adhi nin leh waa si loo fila ka roone”.

Maahmaahyada ay soomaalidu u soo qaadato adhiga iyo faa’idooyinkiisa.

Adhi niman lahayn marti xilkaskeed maaha
Nin adhi la’aan reer dhaqday adduunyo la’aan buu dhaqay
Bismilaahi la’aan adhi ma bato (Sadaqa la’aan)
Dibir ku hay oo hadi fadhiisi waa adhi habaarkiis
5. Xooxdiyo gadhoodhkaa riyaha lagu xasuustaa.

Waxay gabdhuhu adhiga ku daajiyaan heeso u gaar ah. markastana uma heesaane galabti kaliya ayay ku mayracaan xilliga barwaaqada ah. Sababta galabti loogu heeso, maxaad ka taqaanaa?
-Waa waraabaha iyo wixii cadaw ahba inuu kaga leexdo oon cidla la moodin adhiga,
-Waa in uu adhigu wehel dareemaa, si uu daaqa si fiican uga bogto, illeen xeraa sugiye,
-Si uu adhigu u xasilo, oo qorraxdu ugu dhacdo,
-Iyo gabadha heesaysa laftigeeda oo madaddaalo ka dhiganaysa, oo cajiska isaga tiraysa, iwm. Sababahaas ayaa heesta keenaysa.

Gabadh oo dhan adhiga uma heestee, waa tii fiidhoon ee suugaantana jecel oo kaliya midda ka dhex shanqadha markuu casarkii adhigu xidhadh maanyo iyo gahaydh leh dhex shabbaaxayo.

Dhawr siyaabood ayay gabdhuhu adhiga ugu heesaan markuu casarki mayracanayo: Mar waxay ku dhiirri galigalinayaan in uu si fiican u daaqo, Marna waxay gabadhu adhiga heeta ugu muujinaysaa, in ay heegan u tahay, Mar waxay u sheegaysaa in uusan xidhadhka ku kala hadhin.

1:Si uun adhigu daaqa uga bogto waxay gabadhu leedahay.

“Maydha maydhoy” hoohobobe
“Makhri bood baad” …..
“Meel u hoyaniye” …..
“Mayracoo miro” …..

2. Markan waxay tusaysaa in ay gabadhu adhiga uun heegan tahay waligeed

“Meera meeraay hoohohobe
Meeray maradii …….
meel ma dhiganine …….
Sidi maraq geel ……
Yaygu maran tahay” ……

3: Inuu ku xasilo daaqa, illeen makhrib ayuu xaroon oo sida geela ma mirtee.

waaka ay leedahay gabadhu:- iyadoo ku luuqaynaysa.

“Gahaydh maanyada” hoohohobe
“Garannuugtiyo” ……….
“Geelu kuu nacay” ………
“Ha gadhgawdhine” ………
“Aayar googoo”. ………

3: Marna si uun u kala hadhin oo xidhka uga soo wada baxo.

“Bayla bayloy” hoohohobe
“Bayloy bahalladi” …..
“Bogga hoosiyo” ……
“Bayda qaban jiray” ……
“Yayn ku boobine” ….
“iiga soo badi”. …..

Marna iyadoo u sheegaysa adhiga in uu soo gaadhay meeshii fooftaanka loogu waday oo uun halka sii dhaafi karin ayay ku caraabinaysaa inuu ku xasiyo oo uun saluugin, markaasay ku luuqaynaysaa:

“Saloola carwoy” hoohohobe
“Salool dheerey” hoohohobe
“Sadki waa kane” hoohohobe
“Ha saluugine” hoohohobe
“Salooloo sudho” hoohohobe

Marna iyadoo faaninaysa adhiga geelana waxba ka soo qaadaysa ayay ku luuqaysaa sidan;

“Markuu xagar cuno” Hoohohobe
“Xag madheedh cuno” …..
“Xumba gibillow” ……
“Geel ma xoolaa!” …..

intaas waa qayb ku saabsan maysiga adhiga.

Allaa mahadleh.