Waxaa la yidhi, bari bay toddoba jilib, oo isku qabiil ah, oo ka mid ah soomaalida waxay doorteen oo ay Ugaasnimo u caleemo saareen nin la odhan jiray Ina Afey, halkii lagu caleemo saarayayna toddobada jilib ee ugaaskan ku midoobay, waxay u kala tiriyeen toddoba gabay oo ay ku taageerayeen caleemasaarka ugaaska. Hase yeeshee, muddo ka dib ayaa lagu dhalliilay xilkii loo doortay Ina Afey. Haddana toddobadii jilib way gooshaasheen (Shireen), waxayna go’aansadeen in loo tiriyo toddoba gabay oo xilka lagaga qaadayo ninkan kadi. Maanta waxaan soo qaadanaynaa gabay ka mid ah gabayadaas ninka lagu ridayo.
Allaha u raxmee Saahid Qamaan ayaa ka mid ahaa, toddobada gabyaa ee maalintaas shirka ka gabyay, wuxuuna yidhi:- Ararta ka dib.
Hadba waxa mudh soo odhan adduun halaynu moogayne
Maantana maxay noqon sidii maxamed loo yaabye
Hadday muruqa geeduhu go’aan milayga jiilaalka
Mahwiga ceel hadii loo kacoo maalku ku arooro _(Mahwi; Ceel biyo badan)
Mataan waa ka qaybsada tolkii midho wadaagaaye _(Mataan; Ceel biyo badan)
Malgabyana hadaan layga siin maax la dhuranaayo _(Malgabyo; weel biyaha la darsado)
Inaan malab rag kale loo shushubi wax uga miideeyo
Meeshana aan taagnahay anoon murudna leefaynin
Oo maydhaxaan igu xidhnayn maylimada qaato
Oon waliba mood iyo salaan ula maleegnaado
Sadex magac Allee xaajadaa layma marinsiiyo
Sidi koran xiniinyaha la muday uma maloognaado
Ninki midha yar baa lagu dagaa yaan la ii muhanin
Haday sado macaan tahay ninkii maamiyaa cune’e
Nin mudmuday dhankayr hoosna maray mudhuxye shaalleeye
Miyir waxaad ku waydaan is waal kuma mahiibtaane
Muslim kuma cabiidsamo wallaan madaxa kaa goyne
Muggii weel ma dhaafee Allow mooska yaan jabinin
Masaw aabbahay iyo intaan magan ka soo gaadhay
Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi
Maso inaanu nahay oo tolnimo meerto noo tahaye
Oon waliba kaga miil caddahay miidhse diiddaniye
Masallaha ninkaan ii dhigayn midig ma saaraayo
Ninki aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho.