Jimce Kariim, maanta waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa, ee qaybaha sheekooyinka jacayl ee xasaasiga ahaa iyo qayb kale oo la socota “sheekadii guursataye maxaad uurka u xaaqday”, eed kala socoteen boggan Dhugasho.
Gabadhii iyo ninkeedii si sharaf leh ayay xaaladdoodii reereed iyo waajibaadkoodiiba wax uga baddaleen, odaygii wuxuu muujiyay, farxad xad dhaaf ah, wuxuu gabadhii maalin ay si fiican u wada qadeeyeen, ku yidhi ina mari oo qolkaa jiifka ina gee wax baan ku guddoonsiine, gabadhii way soo kacday, markii qolka la yimid, wuxuu ka xidhay in dhaha, kadib gabadhii oo aan arkaynin, wuxuu u xidhay, katiin dahab ah, dhega-dhego dahab ah iyo faraantigii, kadib wuxuu soo hor istaajiyay muraayad, indhihii ayuu ka furay maradii, waxayna is aragtay iayada oo wada dahab ah, intay farxad la kala badbadatay, ayay odaygii habsiisay, isagana waa uu ku farxay marka uu arkay farxadda gabadha ka muuqata, wuxuuna u sheegay in caawa ay huteel u casha tagayaan.
Makhribkii ka dib ayay gaadhi qaateen, waxayna tageen huteelkii ugu qaalisanaa magaalada ay joogeen, waxaana loo soo dhaweeyay si aysan waligood arag oo marti loo soo dhaweeyo. Waxaa la geeyay fadhi iyo miis u gaar ah, oo aad mooddo in loo sii diyaariyay mar hore. Run aahntiina wuxuu ahaa huteel uu subaxnimadii hore ee saaka odaygu sii war galiyay in isaga iyo jacaylkiisa ay imanayaan, sidaa darteedna, wax walba oo raalli galiya laga sii shaqeeyay.
Aad ayay qoosku ula cajabeen sida deeggan ee loogu adeegay iyo nasashada wanaagsan ee ay la kulmeen. Way cunteeyeen, cababarna way wada sheekaysteen, kadib waxay ka wada tashadeen aayaha iyo talada mustaqbal ee qoyska, odayga oo talada la quman u soo jeediyay marwada iyo iyada oo ku jawaabtay way ila qummantahay sida adiga kula qumman. Odaygu waxa uu yidhi, waxaan rabaa in aan qurbaha ka soo wareego, oon magaaladan soo dego, oon ganacsi wayn ka sameeyo halkaan ayaan rabaa, adigaana madax ka noqonayo maaddama aad tahay qof wax baratay. Muddo badan kuma maqnaanayo qurbaha ee laba sano kaliya ayaan hawlahaas ku soo gabagabaynayaa si uusan reerku iiga baylihin, adna aadan u dhibtoon waan soo dhaqsanayaa.
Kadib xoogaa ayay sheekadoodii iska sii wateen, halkii waxaa ku soo wacay oday xaajiga saxiibkiisa ahaa oo ay isla reer qurbeed ahaayeen oo ay Dubay wada ahaayeen. Is waraysi ka dib, wuxuu u sheegay in caawa ay isaga iyo xaaskii huteel wada fadhiyaan oo ay ku cawaynayaan. Marka hadalkii wada dhammaysteen, ayuu gabadhii baray odayga la soo hadlayay, wuxuuna ku yidhi; “Waa oday Cali la yidhaahdo, waxaan isla joognay dubay, isna xalay ayuu ka yimid, wuxuuna u yimid in uu guursado, kadib markaan aniga uga sheekeeyay gabdhaha meeshan wanaagooda iyo sida ay u sharaf badan yihiin, ayuu isna go’aansaday in uu gabadh meeshan ka doono”.
Kadib way soo wada bexeen, waxayna soo aadeen gurigoodii, waxayna horay u soo mareen dhawr carwo oo waawayn, wuxuuna gabadhii uga soo iibiyay dhar wax ay uga baahnayd, wuxuuna u sheegay in nolashiisa uu iyada uun jecelyahay, wuxuu gabadha ka codsaday in ay noqoto mid garabkiisa taagan mar kasta.
Habeenkaa subixiisii way wada qureecdeen si farxadleh, wuxuuna u sheegay, in uu booqanayo odaygii sxbkiisa ahaa ee Dubay hadda ka yimid, wuxuuna u sheegay in uu soo qada doonanayo. Kadib gabahdii hawshii guriga ayay sii guda gashay, wuxuuna odaygii soo laabtay wakhtigii qadada, waana la wada qadeeyay, kadib odaygii wuxuu soo baxshay bac aad qurux badan oo wax ku jiraan, wuxuuna yidhi, gacalo, waxaan rabaa in aan ku guddoonsiiyo hadiyad aan kuugu talo galay, wuxuuna bacdii ka soo saaray, laba Sad oo dahab ah oo aad u qurux badan. Markaas ayay gabadhii farxad la kala badatay, oo odaygii isku duubtay, kadib wuxuu u sheegay in uu odayga saxiibkii ah, inta uusan Dubay ka soo bixin uu lacag u diray si uu labadan sad ee dahabka ah uga soo iibiyo.
Kadib oadaygii wuxuu ku yidhi, gacalo, haddiyadahan yar yar ha u qaadan wax aan kugu sasabanayo ee waa jacayl dhab ah oon kuu qabo, hantidaydana waa hantidaada oo kaama xigo, aniga wixi ii suurta galaa ood u baahato waan kuu hurayaa, aad ayaan kuu jeclahay, xaaskaygaa, adigoo ilmo ii dhalayna Alle ha i tuso.
Balse sida uu odaygu u fikirayo gabadhu uma fakirayso, isagu waxan oo dhan waa ka dhab, in uu ilmo u dhasho xitaa rajada uu ka qabo waa ka dhab, laakiin iyadu waxaas oo dhan waa ka matalaad, in ay ilmo u dhasho iskaba daaye in ay uurkii ka horreeyayba qaaddo ma ay rabto. Gabadhu in ay hooyo noqoto oo ay ilmo uu odayn la siiyay dhalay xambaarto ma ay rabto, waana go’aan aay gadhay. Odayga hammiga ah in loo dhalo ha taagnaadee, gaabdhu waxay maraysaa heerkaas, habeen kastaa marka sariirta loo sii jiiftagayo, iyadu inta wax soo diyaargaroobi iska dhigto oo ay musqusha gasho ayay liqdaa kiniinkii ka hortagga uurka oo ay meel ku qarsato, markastana way wadataa, wayna ka xasaysataa odayga, xitaa hadduu ku arko waxay go’aansatay in ay runta u sheegto in aysan rabin oadaygan noocan ah. Sidaa darteed, waxa odayga ka go’an iyo waxa xaaskiisa ka go’an waa “Kaaf iyo kala dheeri”.
Gabadhu odayga waxay u muujisay, farxad uu xaqiiqa ka moodayo, maalin kastaa wuxuu siiyaa lacag, wuxuuna ku dhahaa “Waxaad rabto ku soo iibso, aniga waxaad ii tahay khasnaddayda aan wax walba ku aamminee”. Odaygu wuxuu gabadha siiyay aaminaad buuxda, wuxuuna siiyay xorriyad badan, iyadana wali way isku kala daadinaysaa, oo wax ficil ah oo dareen galiya way ka ilaalinaysaa, (Allaw qof aan wax ogayn ha cadaabin).
Maalmo kadib, waxay isku raaceen suuqa, waxay sii socdaanba, waxaana dhexda ka sii raacay, odaygii hadda Dubay ka yimid, oo meel ku sii sugayay, sheeko iyo qosol kadib, odaygii iyo gabadhii way is barteen, wuxuuna ku yidhi; “Dumaashi iiga warran sxbkey aad ayaan u jeclahaye, runtii marwo yar oo qurxoon ayuu helay”, kaftan noocaas ah, markuu odaygii gabadha qabay oo gaadhigi wada dhagta kacay, ayuu inta sidaa u soo yara jalleecay yidhi; “Wallee waa qurxoontahay, garashada Eebbe siiyayna waa midaynu wali arag”. Oadaygii kale ayaa isnana yidhi; “Alla war anigana maanta odayaal gabadh yar ii soo arkay ayaan huteel ku ballansannahay, Alla fiicnaan lahaydaa in ay taadoo kale ii noqoto. Gabadha odaygeedii yaa si kaftan ah u yidhi; “War wax tayda gaadhayo malehee hayska waalin xiska oo iska guurso gabadhii laguu keeno, anigu waan ducaysnaa oo raalliyo nin wayn baan helaye, kaftankii oo socada gabadhiina aysan wali hadal ku darsan, ayaa waxaa la soo gaadhay meeshii lagu socday, kadib odaygii Allihiisa Alla ahaa waa daegtay, wuxuuna galay carwo, xaaskiisi iyo odaygi sxbkiisa ahaana waxay isaga jireen gaadhiga.
Wax yar markuu odaygu maqnaa ayuu soo laabtay, isagoo soo iibiyay, dhar, kabo iyo cadarro dumar oo qaali ah, oo ay gabadhu is tiri malaha dalab u sii yaallay bay ahaayeen, waxaa kale oo weheliyay bac waxa ku jira isaga oon u sheegin uu gabadha dhubta u saaray. Waxaan u sii dhaqaaqnay huteel uu degnaa odayga sxbkiisa ah, waxay u sii socdeen cabbaar, kadib odaygii kale waa ka degay oo macasalaameeyey,markaan huteelkiisi keenay. Kadib odaygu wuxuu xaaskiisa ku yidhi; “Waa oday wanaagsane, Alle gabadh wanaagsan ha siiyo”. Kadib waxay yimaadeen gurigii, gabadhiina waxay iska xeraysay alaabtii, waxayna xaajiga u soo bixisay macawis iyo fanaanad uu dharka isaga baddalo. Kadib caano ayay tallaagadda uga soo bixisay, wuxuu ku yidhi; “Gacalo bacdaasi fur”, waa bacdii uu dhabta ka saarayay markay suuqa joogeene, waxay furtay, waxayna ku aragtay, lacag doollar ah “$” oo aan qiyaas lahayn, iyadii oo yaabban wuxu ku yidhi; “Lacagtan i noo hay, meelna inoo dhig, carwadaas ayaa inoo haysay balse hadda adigaan kaaga aamin badanahay xaaskaygana ah, meel kale oo iiga kaa wanaagsan malehee lacagtaas inoo xafid”. Waayahay intay tiri ayay qaadday waxayna isaga oo arkaya galisay khaanad meeshan ah.
Kadib waa inoo qayb kale Idam Alle.