Fooley Aadan Cali (Hareeri), wuxuu ahaa nin Ugaas ah oo caan ahaa, una talin jiray wakhti fog beelaha dega Wardheer. Muuse Cawl isna wuxuu ahaa nin caaqil ah, oo isla deegaanka Wardheer beeshiisa u talin jiray caanna ka ahaa. Labadan nin waxay ahaayeen isku qabiil balse waa kala jilib. Waxay ahaayeen laba nin oo murti badan oo maahmaahyo ilaa hadda la isticmaalo laga dhaxlay.
Qisayooyin dhex maray ayaan mid ka soo qaadanaynaa manta.
Fooleey Aadan iyo Muuse Cawl ayaa jabo wada degay. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa qofkii aad rabto inaad barato jabo la deg ama jid dheer la mar. In kasta oo ay saaxiib iyo ehelba ahaayeen haddana jabadan aad ayey isugu barteen oo ninba ka kale rag-ka-roonidiisa iyo dhaliilihiisa arag.
Laba nin oo aan kala dhicin raganimada, geesinimada, aftahanimada, iyo deeqsinimada ayey ahaayeen wuxuuse moogan Fooleey damcay inuu gun-ogaado Muuse Cawl sida uu u arko illeen insaan dhaliil la’aan ma noqon karee. Tolow wax goldaloolo ah Muuse ma kugu sheegi karaa maanta shakiga ah ayuu jawaab u doon is yidhi.
Fooleey ayaa haddaba Muuse weydiiyey, “Ina Adeeroow, raaskan intii aynu niilay waynagaa darisnay, shaxnay, wada cawaynay, gar wada qaadnay ee maxaad wax dhaliil ah igu sheegi lahayd?” Muuse oo aan hadalku dabamarin ayaa si degdeg ah ugu jawaabay “waad samir xun tahay!” “Oo sideen u samir xumahay?” ayuu weydiiyey. “Boqolle intaad dishay ayaad adiga oo aan magtiisii wali bixin neef geel ah oo kuray geeljire ahi qashay magtiisii iisoo doonatay!” ayuu Muuse ku jawaabay.
Gartay ayuu Fooleey yidhi isagoo wajigiisa garawsho ka muuqdo. Muuse ayaa moogiisii isna u celiyey adigu Fooleeyow “maxaad wax dhaliil ah ii haysaa?” Fooleey ayaa Muuse kor iyo hoosba u dhawray. Saa wuu kaba la’a yahay. Dibbuu ugu noqday intay degaanka wada ahaayeen. Saa wuxuu xusuustay inaan Muuse salaadda aad u tukan jirin. Kolkaa ayuu ku jawaabay, “Muusow adduunkana u kaba li’id, aakharana u salaad li’id.” Waa lagu kala dhaqaaqay, ma hadal dambaa yaala.
Xigasho/Doollo.com