DARDAARAN KU SOCDA RAGA

 adigay hooyadii ababisiyo ehelba kaa raacday
aawadaa ayey uga timid aqalkii reerkoooda
waa amaano waa kii ku yiri aabihii dhalaye
adeegtiyo adoon kuuma aha aqalka kuu joogtaa
maad iibsan aduun laguma helo waa illaah bixiye
adigay ubadka kuu sidaa oori kuu tahaye
adigoo iskaabulo ahoo arag xun oo liita
ayuun buu illah kugu galaday kuu ilhaameeyey
ilwaad quruxsanaantaada iyo udug carfoonkaaga
umaad dhalane abaalkay gashaa aragsan kuu yeelay
alle ka cabso afadaada dhawr hana ihaanaynin
hana oran eray ay mudnayn uurtaaladae
haka oohin indhaheeda yey ilin kusoo joogsan
hana adiyadaynin aakhiraa xigi aduunkaane

                                               Qalinkii ZAMZAM (A)