Tani waa sheekadii Guur-satayee maxaad uurka u soo xaaqday, oo dib uga billaabanaysa barnaamijkeennii Jimcaha iyo Jacaylka, ee bogga Dhugasho.
QAYBTA-1
Sheekadan waxa ay kadhacday shanta Soomaaliyeed magaalo kamid ah ma sheegaayo magaaladaas, balse waxaan soo gudbinayaa dhacdada oo ah dhab ma ahan waxaan aniga mu’alifay ee waa xaqiiq aaan kala sheekaystay gabadhay ku dhacday.
Waxna yaan hadal idinku daalin sheekadan waanka codsaday inan soo gudbiyo gabadha ay ku dhacday balse waxaan doonayaa sheekadan in hadaad aqrisato aad walidkaa,aqyaartada aan maqlin iyo dadkaad jeceshahayba uga sheekayso si aysan u dhicin in gabadh danbe ay usamayso sidan oo kale.
Waxay sheekada ku bilaabanaysa sidan.
Magacaygu waa Xaawo-luul waxaan ahaa gabadh Alle u dhameeyey qurux, dheerar, dabeecad iyo soo jiidasho rabaaniya waxaan ka dhashay qoys danyar ah oo anan haysan hanti badan wuxuu qoyskaanagu ka koobnaa 9 ilmood waxaan ahayn 5 gabdhood iyo 4 wiil waxaa aniga iga waynaa labo wiil halka gabdhaha aan aniga ugu waynaa farxada reerkanagu waxay ahayd mid dhamaystiran aad ayaana ugu faraxsanayn dhamaantaanada nolasha aanku jirna ee fiqiirnimada.
Abahay wuxuu ahaa nin harqaanle ah halka hooyaday ahayd dadka qudaarta gada noolal maalmeedka xafada marna manan wayin hase ahatee ma orankaro reerkanaga oo intaas ah waxan nahay hantitahay l dhamaantaanada waxan ahayn dad howsha guriga talla dad anan isku dhowran qofba wuxuu qaban karo ayuu qaban jiray.
Aniga maalmaha aan safarka ka ahay schoolka ayaan ka nasin jiray hooyaday miiska qudaarta waxaana gadi jirau malmahaas si ay hooyaday iskaga nasto waayo waa noole waxayna ubahantahay nasiino badan.
Waxaa ila imaan jiray shukaansi wiilal badan qar aan magaalada isku baranay, qaar schoolka igu bartay qaar xafadaha ila dagana iyo qaar khadka interneedka iga cashaqay, balse intaasba aniga waxan ahaa qofaan u soo jeedin waayo nolasha aanku jirno ayaa ahayd mid aanan guur iyo shukansiba ii sinaynin niyad aan ku guursado inta badan wiilasha waxay i oran jireen “walaaley maskaxdadu halkay u sii jeeda maxaad raadinaysa hadadan gursanaynin jacaylka adan jilaynin sida gabdhaha kula dada ah” balse aniga waxaan ahaa “ninay meeli u cadahay meeli kamadow” waayo inan abahay iyo hoyaday nasiiyo oon u shaqeeyo ayaan rabaa.
Amin galab ah ayaa waxa gurigaanaga imaaday rag 7 ah oo rag wawayn ah, waxaana loo yimaday Aabahay oo markaas ka imaday shaqadisii, waxay isa salameen aabahay waxana kuraas u geeyey walalkay oo dariska uga doonay ku raasta ay ku farisan lahayen, waayo anaka mahaysano kuraas lacag aan ku gadano.
Waxay ragii abahay u sheegeen inay ka doonayaan gabadhiisa wayn oo ah aniga gabadhaas oo loo doonayo oday ka imaday maraykanka balse hadal dheer kadib waa qatay abahay hadalkii odayada inkastoo anan waxay idhaheen anan maqlaynin hadana waxay abahay iyo Hooyaday wada qaateen fikirka ah inay aniga ii guuriyaan odayga waa maalin ii ah muruga ahayd waana maalin aan dhamaystay calaacal iyo murugo alla nolashu qaab darana sidaad rabtay hadaysan kuu noqon.
Halkaas haynoo joogto sheekadeenii lamagac baxday Guursadayee maxaad Uurka u xaartay. La soco qaybta 2-baad hadaba maxaad dareemaysa aqriste maxad iswaydinaysaa.
GUUR-SATAYEE MAXAAD UURKA U XAADHAY.