Dunida inaan ku soo biiro waxay aheed doonista alle!
Qaarada afrika inaan ku dhashana waxay aheed nasiib kale! Balse inaan soomaali ka dhasho kuna dhasho dhulkii udgoonka waxay aheed hadiyad qaaliya oo ilaahay iigu deeqay.!
Ma garanayo dalkeyga bedkiisa mana garanayo tirada dadkeyga mana garanayo somali qofkan ka ahay.
Waxay dhahaan dadkeeygu waxaad tahay ubaxii dalka iyo mustabalkii berrito, waxaad tahay rajadii iyo riyadii la sugayay ee soomaaliyada cusub.
Ubaxu wuxu u baaahan yahay biyo lagu waraabiyo si uu dhaqsi u koro looguna il doogsado,
Aniguna waxaan u baahnaa naxariis,aqoon iyo dal-jaceyl in la igu waraabiyo! Balse nasiib daro waxaa la igu waraabiyay dhawaqa rasaasta iyo dhiiga jirkayga ka qulqulaya!.
Ilmada indhahayga ka da’aysaa maahan cabsi aan hada ka qabo wixii ii gaaray balse waaa cabsi aan ka qabo
mustaqbalka dalkeyga.
Erayadu ma sharxi karaan xanuunka iyo welwelka aan dareemayo hada.
Si fiican ii fiiri kama wado qoraalka fiiri ee waxaan ula jeedaa sawirkayga si fiican u eeg
Kama wado indhahaaga igu eeg waxaan ula jeedaa indhaha qalbigaada igu eeg.
Wiliba indhahayga fiiri waxaad ka aqrisan doontaa fariin ciwaaankeedu yahay
“Maxaa la iiga ooysiiyay oo la ii dhaawacay”???.
Bal fiiri walal waxaan jirkayga ka taagan waa dhumuc rasaas
Ma ahan al-alaabadaydii aan ku cayaari jiray
Tani waa wax xanuun badan oo hilibkayga gubaysa!.
Dhaawaca jirkayga gaaray waxaa iiga naxdin badan
Dhaawaca gaaray qalbigayga iyo rajadaydii ifaysay.
Waayo waa laga yaaba inaad biyo la’aan maalmo noolaato
Lkn qof-na rajo la’aan ma noolaan karo maalin.
Anigu waxaan xaq u leeyahay inaan ku noolaado nolol qurxoon iyo nabad aan ku nasto
Waxaan xaq u leeyahay in la i siiyo farxad iyo naxariis
Si la mid ah carruurta dhigaygaa ee ku nool washington iyo Riyaadh.
Ma jirto cid aan dembi ka galay
Mana jiro qof aan waxyeelayay
Ma garanayo sababta la i dhaawacay
Mana garanayo cida dhibkaan ii geysatay!
Ma garanayo waxa la iiga ooysiiyay anigoo og in ilmadaydu ay ka qaalisan tahay dheeman ka aduunka yaal!.
Wax walba ilaahay qadartiis waana ku qanacsanahay
Waxa kaliya oo aan hubo ayaa ah in allaah uu san i dayici doonin hadii dadkaygii i dayaceen.
Waan hubaa inkastoo aan hada aan murugaysanahay
Wili waxaa ii muuqanaya mustaqbal dhoolacadeynaya.😃
Waan ogahay inaad ila xanuunsanaynso adigu!
Waxaan ka wadaa adigaan hada aqrinaya hadalkayga.
Waad ku mahadsan tahay sidaad iila qaybsatay murugada!.
waxaan ka soo xiganay pageka Nadra Abdullahi
SHARE-GAREEY