Suugaanta

 

Barnaamijkeenii toddobaadlaha arbacada ee bogga Dhugasho.com

Kolka gabadh la arooso haweenka aftahanka ah waanada kalama bakhaylaan. Xilkay qaadday ee reerka iyo hawlaha ku soo fool leh sidii ay u hanan lahayd iyo sida ay saygeeda iyo xigaalkiiba u nasin lahayd ayay ku waaniyaan. Buraanburka hoos ku qoran oo arrimahaasi iyo qaar kalaba tilmaamaya waxaan ka soo xiganay golshada Farshaxan.com

 

Bilicda gurigaaga ehelkiisu
haw bogaan
Oo naag xun waa lagu bukoodaaye
baarri noqo
Oo hunbanni waa laga fogaadaaye
feejignow
Naa sayga oo shaqo ka yimid
sawdka laguma gubo
Oo sufur qabaw baa biyaha
loogu sii shubaa
Ubadka waa laga sabaa
lagana seexiyaa
Oo subag sixinaa cuntada
loogu sii daraa
Oo Sariirtuu seexan baa
la saxartiraa
Sanqadha waa laga yareeyaa
markuu saldhigo
Soddohdu waa hoos qabaw
waana lagu hirtaa
Haddaanay kaa hoyanin waa
hoyga lagu gam’aa
Naawaana hilkaagi iyo
hooyadaa labaad
Inanna tii hooyo leh nay
hibadu saaranatay!

http://www.farshaxan.com