Waxay ragii abahay u shegeen inay ka doonayaan gabadhiisa wayn oo ah aniga gabadhaas oo loodonayo oday ka imaday maraykan balse hadal dheer kadib waa qatay abahay hadalkii odayada inkastoo waxay idhaheen anan maqlaynin hadana waxay Abahay iyo Hooyaday wada qaateen fikirka ah inay aniga ii guuriyaan odayga waa maalin ii ag muruga ahayd waana maalin aan dhamaystay calaacal iyo murugo Alla nolashu qaab darana sidaad rabtay hadaysan kuu noqon.
Halkaas ayey inoo maraysay sheekadeenii la magac baxday #Guursadayee_Maxaad_Uurka_U_Xaaqday, Qaytii kale oo ka xiiso badan waatan aqris wanagsan qaybta labaad Q2.
Abahay waxa uu isheegay in aysan gabadhi ku wanagsanayn inay iska joogto oo tahay inay reer yeelato mar haday qaangartay maantana aniga aan ahay gabadhiisa uu doonayo inuu siiyo odaygaas wuxuuna idhahay abahay waxaan ku soo koriyey anoo danyar ah waxaana ka dhigay gabadh wanagsan oo sharaf leh waligeedna aan i soo jiidin ceeb balse inan kuu siiyo ninkan maanta ayaan doonayaa ood aqbashid midakale soomaali waxay ku mahmahadaa “Gabadhi ama gunti rag hakaaga jirto ama god ha kaaga jirto” anna waxan doonayaa inaan ku siiyo ninkan.
Aad ayaan u ooyey waxaana nafka daydey hooyaday oon ku dhahay hooyo iga la hadal aabahay sikasta waan u fahansiyey inan guur maanta doonaynin oon jeclahay inaan wax barto balse waxay hooyaday idhahday hooyo idhagayso aniga abahaa wuxu ku sheegay ayaan ku sheegayaa aniga hadalka abahaa waan la dhacay waana runtii mana ka hor imaan karo abahaa waad ogtahay korinkaga dhibka uu ka soo maray ee idhagayso ninkaas waa lagu siine acuudu bilayso amus adaba nasible oo nin dibad ka imaday lagu siinaya gabdhaha qayrka ah mabalahan nasiibkaas waxaad moogtahay nolasha jirta ee gabadhyahay cagadhigo waxbarasho wax la dhaha majirtee.
Waxaan arkay inay hoyaday abahay la fikir tahay waxaan qaatay inan walahay ka dayo garab inkasto la bada wiil iga wayn ma ahe kuwa kale ahaayeen ilma aad u yaryar hadana la badii wiil ayaan ku oyey waxayna idhahen “Walashay waan kugu taageersanahay inaad guursan balse abahaanaga kama hor imaan karno amarkiisa, mida kale maxan ku samayn karnaa anaga waad ogtahay xaalka maanta jira walashay hadalka abaheen iskayeel oo guurso, aniga waxan noqday qof laga soo wada hor jeedsaday waxaan noqday qof kaligiis ah waxan noqday geed kaligiis la rabo in canbulo lagu karsado Alla nolashu qabdaranaa garab laanta i hayso badana.
Hadaan aqaano meel aan aado waan u baxsan laha balse waligay meel ma aadin ma ahayn gabdhaha safra waxaan ahaa gabadh kaligeed jecel inay reerkooda garab siiso, balse mudankayga ayaa noqday sidan maxaan sameeyaa aniga waxaan abahay markale ku dhahay abaahayow igada guurkan madoonaye nin iga wayn oo hadana ah mid dibad ka imaday madoonayo ee abbe igada waxbarashadaydan heer ku garayaa nolasheenana ku kabaya waxana raba inan idinka oo dhan idin wada anfaco abbe igadaa guurka.
Abahay waligiis iima qaadin gacan balse malinkaas wuxuu i garacay si naxariis dara ah, wax iga qabto ehel ah malahan ilmahanagana waxay ahayeen ilma walidkood kawada danbeya xata hoyaday maysan iga qaban, waxanba dhahay abahay wuu ilaway inuu ku dhalay sida uu i garacayo balse garaca abahay xanuun i ma dareensin waxan ka danqanayey waa guurka kaliya hadii garacaas laygu dayo wax uma arkeen balse abahay guurkan uu igula washay ayan garan wayey.
Waxaan go’aansadayba inan dhuunto oon aado meel kale balse meel aan aadan garan wayey waayo waxan ahaa gabar anba safrin sidan sheegayba waxan garanwayey waxan markas sameyo waxaan go’ansaday inan sun qasto dhibkanba ka geeriyoda mar waxan go’aansaday inan dabaq iska so turo magalada ah hadana waxan go’aansaday inaan is daldalo waxaan sameyo garan wayey Alla nolashu xumaa markaay talo kaa cayn wareegto, Alla maxaan sameyaa.
Halkaas haynoo joogto sheekadeenii la magac baxday Guursadayee maxaad Uurka u xaartay.
Lasoco qaybta 3-Xaad habada maxaad dareemaysa aqriste maxad iswaydinaysaa.
Subeer Haybe.