Murtidii Aw Maxamuud cabdi huube

 

Murtidii, mahadhadii iyo qisooyinkii Abwaanka AUN.

(marti xilkaskeed)

Waxaa la yidhi, nin baa meel fog iyo galbeedka soomaalidu degto uga yimid Abwaanka oo jooga gobalka Af-dheer ee deegaanka soomaalida itoobiya. Ninkii sidi loogu soo tilmaamayay, markuu soo gaadhay reerihii uu Aw maxamuud la degganaa, markaas ayuu ku soo baxay nin ilmo maqal ah xambaarsan, wayna isa salaameen ninkii socotada ahaa iyo kii ilmaha adhiga ah xambaarsanaa.

Ninki socotada ahaa ayaa yidhi: waxaan u soo kacay oon rabay ninka la yidhaahdo Aw Maxamuud Cabdi Huube. Ninkaa waad heliye ina keen ayuu ugu jawaabay, ninkii ilmaha maqasha ah xambaarsanaa, inta dhulka dhigay, ayuu ninkii socotada ahaa soo waday oo gurigiisi u goglay.

Kadib ninkii si wanaagsan buu u sooray oo xoola u loogay. Habeenkii waa la iska seexday. Aroortii ayuu haddana sifiican hilib ugu sooray, markaasuu u warramay oo yidhi: Aw maxamuud kaad raadinaysay waa kan, oo waa aniga ee ii warran.

Ninkii baa yaabay, wuxuu yidhi: Nin yahow meel hebla ayaan kaaga soo kacay, intaas oo meeloodna waan kuu soo maray, magacaadu iyo muuqaaduna isma laha, magacaadu waa dheer yahay, waana lagu sheegsheegaa meel kasta, Aw maxamuud umbaa lagaa dhahaa, ee waa maxay muuqaalkaadu wuu liitaaye? Aw maxamuud baa yidhi: oo maxaad moodaysay?.

Ninki socotada ahaa ayaa yidhi, “Waxaan ku moodayay inaad shaadh tilitaar ah, laba baftoo maxamuudi ah, kabo iskaarba ah, sunnadii iyo duubkii inaad ku labbisan tahay, xaluuskuna labada law kuu joogo ayaan ku moodayaye, ninkaagan dhuuban ee arradan kuuma malaynaynin”. Aw maxamuud baa yidhi: War sideedan iigu malaynaynin sidaa gacalkii dehe,

Xila awrkoodna waan ahay,
Marti xilkaskeedna waan ahay,
Xaas adoogiina waan ahaye, sideed xaluus iyo arrad-bax iyo xarrago iiga filanaysay.

Xila awrkood baan ahay, wuxuu ula jeedaa, (Nin haween qabaan ahay).
Marti xilkaskeed baan ahay, wuxuu ula jeedaa, (Nin deeqsiya oo martida u roon baan ahay).
Xaas adoogii baan ahay, wuxuu ula jeedaa, (Nin carruur aabbe u ah baan ahay).

 

Q/r; Af-guun