Maanta suugaanteenii toddobaadlaha ee maalinta Arbacada ee bogga dhugasho, waxaan ku soo qaadanaynaa gabaygan ka hadlaya gabadha wanaagsan.
Afku sheegi kari waa wuxuu uurku qariyaaye Aragtida jacaylkaa indhaha laga inshaaraaye Arrimahan waxaa laga helaa ugubka qaarkiiye Markaan kuu imaadaaba waad abarraqaysaaye Adinkiyo afkaadaad indhaha abidka saartaaye Adigoo faraha eegayaan eray ku waydiine Oogada markaasaad xishood wada iftiintaaye Orad iyo waxaad isku daydaa inaad awoodaaye Markaasaan sidii erandhawgii ku hor istaagaaye Adigoo arlada fiirin baad aayar hadashaaye Sidi gabadh ardayadoo kalaad aad u gurataaye Edebtiyo markaasaad anshaxa oonka dhigataaye Inan yahay akhlaaq iyo maxaa aamus kugu duugan
Hal-buurka Af-guun