Waxaan go’aansadayba inan dhuunto oon aado meel kale, balse meel an aadan garan waayey wayo waxan aha gabar anba safrin sidan sheegayba waxaan garan wayey waxan markas sameeyo waxaan go’ansaday inaan sun qasto oo dhibkanba ka geeriyodo, mar waxan go’aansaday inan dabaq iska so tuuro magalada ah, hadana waxan go’aansaday inaan is daldalo waxaan sameeyo garan wayey Alla nolashu xumaa markaay talo kaa cayn wareegto Alla maxaan sameyaa.
Halkaas ayey inoo maraysay sheekadeenii la magac baxday #Guursadayee_Maxaad_Uurka_U_Xaaqday Qaytii kale oo ka xiiso badan waatan aqris wanaagsan qaybta labaad Q3.
Run ahaantii markaa aan dilka inbadan ka fikirayey ayaan xasuustay in hadaan is dilo aan aakhiro galaayo cadaab aan ka soo laabasho lahayn naftaydana aan aniga dilay balse dilkii waxaan iskaga daayey aakhiradayda dambe inkastoo aanan lahayn xoog badan oon ku diido arrinka guurka hadana waxan noqday qof iska ooya oo cid dan kaleh aysan jirin dhamaan reekanaguna waxay ku mashqulsan yihiin qabanqaabada arooska iyo wax habayskiisa, balse nolashu maxay murugo ii hayd aniga aabahay waa faraxsana aad ayuu u qoslayey waxaadba moodaa in loogu bishareyey janadii sida uu u shekenayo iyo qosolka uu la wadagayo qaban qabiyaasha arooska.
Waxaa la keenay digsiyo badan, midiyo iyo alaabtii howsha ducadu ku qabsoomi lahayd. aniga kaligay ma ahee, dadkoo dhan wax ayey hayaan, maalinkii oodhan dadka waxay fiiqayeen ama diirayeen dhammaan qudaarta kala duwan. nolasha sidan u dadbadan aniga waxan kaga jiraa qol kaliya oo aan lahayn layr iyo iftiin, wax ma cabin waxna ma cunin, maalmo dhan waxan aha qof oynayo markasta waagu waxa uu ii baryaa anigoo oynayo gabalkuna oohin ayuu iigu dhacaa, nolashaas ayaan ku jiraa dadna howsha ducada ama aroos lagu sheegayo ayey ku mashqulsanyihiin.
Maqribkii ayaa la keenay neef geel ah oo ducadii ah waxaana lagu xiray daaradanada oo ahayd mid baladhan waxaana dhagahayga soo gaarayey abahay iyo nin kale oo shekaysanayo leh “war wad ducaysantahay hadad gabadhadi u heshay ninkaa guursada wadku soo rafade allelahay nin ayaad u heshay ay ku adi dibada oo wanagsan dhaqana kara” abahay waa ku faraxsanyahay wuxuuna u haysta in uu nolashayda wanaag u keenay balse yaa u sheega sidan ahay qalbigaygana yaa u kala jeexa.
Amin habeenimo ah qiyaastii waxaan filayaa waa 2 habeenimo ee danbe waxaan maqlayaa rag gowracaya neefkii geela ahaa oo qayli sawaxan badan, waxan iska micinsaday sidi caadada ii ahaydba oohin Alla yaa igaba sii qaada goobtan shanqarta badan maxaan sameya hadan dhaho meel ayan adayaa abahay iyo hoyadayba inan dhuman ayaa loo malayni oo walay ilalinaya xafadda gabdho iyo wiilal ayaa la keenay i ilalsho si anan u bixin.
Waxaa la kariyey dhamaan hilbihi iyo raashinkii kale waxaana dillaacay waagii waxa imaaday dad badan oo ka socda labada dhinac iyo dad cunada inay cunaan u imaday waxa la galay shaqo badan oonan halkan hadal ugu soo koobi karin waxa imaday rag uu kujiro ninkii odayga ahaa ee laysinayey waxaana lagaliyey meel si gaar ah loogu hagaajiyey waxaana la socday shakhsiyal aan badnayn waxa loo geeyey cunadi iyo waxay cuni kareen waxaana halmar dhagahayga ku dhacay durbaan iyo mashxarad aan tiro lahayn waxan maqlay waa la maheriyey Xawo-Luul mansha Allah, Ilahow qoyskeeda barakee iyo hadalo kale oo duco ah. aniga waan oyey oo waxan garay in xata neeftu igu dhagto oohin daraadeed Alla maxaan mashxarada iyo durbaankaba ii noqday waxaan dhibsado nolashaydanu maxay sii adkatay Alla ma mantan noqday Xaas ninwayn Alla maxan galabsaday oo layga jaraya ayey naftaydu ku dooday.
Halkaas haynoo joogto sheekadeenii la magac baxday Guursadayee maxaad Uurka u xaartay. La soco qaybta 4-raad hadaba maxaad dareemaysa aqriste maxad iswaydinaysaa.
Caways wanaagsan by Zubeer Haybe…
GUUR-SATAYEE MAXAAD UURKA U XAADHAY.