Qisadani waxay ku dhacday wiil wuxuna yidhi waxaan ku jiray waqtiga dhalinyarnimada.
Wuxu yidhi waxaan arkay gabadh
aad u qurux badan oo niqaaban
oo suuqa dhex socota waxaanan damcay inaan la hadlo,
laakiin nasiib daro meel tukaan ah ayay iga gashay aniguna waan dhaafay markaan dib uso eegay ayaan arkay gabadhii oo gacanta iigu baaqaysa, dabcan rabitaan ayay ii muujisay waana u imid, waxay i waydiisatay numberka telefanka aniguna si deg deg ah ayaan u siiyay waxayna iso wacday habeen badhki si fican ayaan isku baranay.
Waan is baranay waxayna ii shegtay inay garoob ama carmal ahayd ganacsi waynna leh oo shaqaysata.
Waan sheekaysany wana isfahany waxaan wada tagi jirnay hoteelada waana wada cashaynaa kadibna waan is jeclaanay,
waxay gabadhan u muqataa ruux dhawrson mana ogola inaan taabto ama gacmaha qabsado waxaan isku dayi jiray inan jidhkeeda taabto laakin way diidi jirtay si aan ugu dagmo.
Maalin ayay iso wacday waxayna igu tidhi ninyohow waxaan rabaa inaad si deg deg ah iigu timaado, markaan u tagay ayay igu tidhi waxaan ku siinaya ticket waxaana rabaa inaad u duusho qaahira si aad alaab ganacsi ah iiga so rarto shirkada alaabta ii diyaarisay, waxaadna degtaa hotel hebel oo ku yaala qaahira,marka aad degto lambarkaas garaac una sheeg ruuxa kaa qabta inaad wakiil iga tahay oo aad lawaregayso alaabta warqadii wakiilashadana way ii saxiixday waxaan dalbaday inaan fasax ka qaato shaqada waana la ii diiday waxaan isku xanaaqnay bosskaygii shaqada walow mar dambe la ii ogolaaday fasixii, si deg deg ah ayaana ugu duulay qaahira, waxaana degay hotelki oo ahaa mid aad u qurux badan.
Lambarki ayaan garaacay waxase ka qabtay isla iyadii oo degan qolka aan deganahay midka ku xiga,waxayna igu tidhi ma aanan rabin inaan kuu sheegee aniga aya meeshan kugu balansaday Sir.
Qolka ayay iigu so gashay iyado la moodo caruusad meeshi ayaanu wada seexanay, ticketkiina waxay iigu samaysay extension-mudadi aan joogi lahayn oo 3 maalmod ahayd ayay noga dhigtay mudo todobaad ah.
waxaan kaso noqday Qaahira. maalimo ka dib aniga oo la socdo walaalkay ayan galnay shil baabur,waxana si aad ah u dhaawacmay walaalkay taas oo keentay in dhiig loo shubo.
Waxaan u shubay dhiig mudo kadib ayay dhakhaatiirti ii imaden
waxay ii so celiyen dhiigaygii waxaana waydiiyay dhaqtarkii inu walalkay dhintay iyo in kale laakiin waxay ii sheegeen inu nool yahay balse waxay ii sheegeen inuusan dhiigaygu anfacaynin walaalkay sababto ah waxaa layga helay viruska sababa cudurka AIDSka
Waan suuxay oo anigo sida aan u fikirayay lafo lafo noqday ayay maalin iso wacday gabadhi igu riday cudurka waxayna igu tidhi sideed tahay waxaana ku idhi arintaas ayaa i qabsatay walaal kayna wuu dhintay laakiin waxay ii sheegtay inay rabto inan is aragno waana ka cudur daartay waxaana u sheegay in layga helay HIV/AIDS
Gabadhi intay qososhay ayay igu tidhi waxad tahay ruuxi ugu horeyay waxaana balan igu ah inaan rag badan oo sidaada oo kale ah cudurkan qaadsiiyo.
Ala shalayto maxaan telefanka uga qabtay gabadha ayuu ku calaacali jiray wiilkani maalmihiisi murugada wuxuna markiisi hore ahaa wiil dhisan oo nadiif ah.
Zinada waa dembi ee ha layska ilaaliyo…
Fadlan #share by Zubeer Haybe…………………..