Gabay murtiyeed

Waa gabay soomaalidii hore laga dhaxlay, oo ciddi tirisay aanan helin balse aad aad u murti badan. Kala socod barnaamijkeenna suugaanta ee Arbacada bogga Dhugasho.

Dhaameel waxaa laga baxshaa dhuubo loo bogaye
Dhaayaha u roon gabadha baa bilan la dhaafshaaye
Goortii dhaqaal lagu arkaa dhibaad la geeyaaye
Wiillkeeda ee dhaaniyaa duca la dhiibaaye
Waxse dheeha loo daba dhigaa taa ninkii dhalaye
Dhaqankaa raggii wadan jiray waa dhimiyo nooloowe
Wax la dhaha dhasiinyaba hadday minan ku dhawrayso
Asuu dhaba-gandaab layska nacay toban ka dhiibaayo
Waxba yuun dhafoorrada la qaban dhaca la diidayne
Waxba yuun dhulkiyo faalintiis xararta dheerayne
Waxba yuusan dheelkoo badh tagay dhuxula noolayne
Waxba yuusan dhiilaha cug iyo dhihin waxaas yeele
Ragow inuu middaa dhigo isoo calafki dhawraayo
Iyo inuu dhalmada eexis yahay yaa wax igu dhaama.

Eray bixin

_Dhaameel: Magacyada loo baxiyo geela qurquruxsan ee midabka cad. Dhaameel micihiisa asalka ah waa abqada geedka Cadaadda.
_Dhuubo: Waa magac loo yaqaanno gabdhaha aadka u qurquruxsan.
_Dhibaad: Waa xoolo ay gabadha reerkoodu ku kaalmeeyaan guurkeeda kadib.
_Dheeha: Waa magacyada geela loo bixiyo.
_Dhasiinyo: Waa hunguri ama dhuuni ama dheef intaba.
_Dhaba-gandaal: Waa gabadh aan si fiican oo hannaansan u labbisan karin.
_Dheelkoo badh tagay: Habeenkoo badh tagay.
_Dhalmada eexi yahay: Dhasha u danaynayo.