Q-6 Sheekadii guursatee…

 

Waa barnaamijkeennii Jimcihiyo Jacaylka ee bogga dhugasho, maantana waa qayb kale iyo sheekadii Guursatayee maxaad…!

 

Hadba dadka sida ay noo maclamanaynayeen ayey waxay noqotay goobtii la buxay meel cidla ah oon sawaxan lahayn, waxay noqotay, shunqudhla oo heesihii iyo ciyaartii wa la istaajiyey aniga iyo odaygiina waxaan ku jirnaa aqalka cabaar waxaan kala amusnaynba waxaa noo soo gashay gabadh aan ku qiyaasay ilaa shandhal oo dhahaysa abbe cashadaan idin keenaya dhahaysa adiga iyo eeddo ee iska baddala dharka anigii wan naxayba markii abbe dhahday waxaa uu dhahay hayeh abbe waan iska furaynaa intay armaajo furtay ayey ka soo bixisay dhar aan iskaga badalo taashka waxaana odaygii dhahay abbe aniga qolka fadhigan tagaya ee eeddadaa hayska badasho marka hore dharka waxaana gabadhii i dhahday eeddo soo istaag dharkan xiro taashka iska saar anku cawiyee waa an iska saray waxana xirtaya dhar kale tintii ay isoo saren wan iska saaray waxan dhahay away musqushii waxaay idhaday eedo waatan gal qolka ku dhaxtaale waan iska waysaystay waan soo labtay markasan dhahay wan tukanaya waxay idhahday waa xagan qibladu ee u tuko waan tukaday cishaa iyo maqrib oo i dhaaftay waxaana Alle ka baryey sharka odayga inuu iga hayo magana u ahay Allaah.

Waxaa soo galay odaygii anigoo qolka iskaga jira kuna fadhiya sariirta waxuu i dhahay “gacaliso i waran see tahay” anna waxaan dhahay “waan wanagsanahay” markaas ayuu macawis qaatay iyo fananad dharkii sutka ahana iska saaray wuxuuna galay musqusha oo wa uu soo qabaystay aniga naxdin walaal kurbo aya ihayso la hoyitaanka odaygan iyo cawa cabsida i soo hoyatay markaan guriganaga iska jogay een iska ooyayey wax ayey ahayd hadase waxaan galay af libaax waaxaan dhax hoyday kayn wada libaaxya ah Alla nolashu adkaa mararka qaarna xumaa waa u soo qabaystay wuxuuna u kacay salaad inuu tukada waa uu tukaday waa ducaystay waxaana uu u soo jeedsaday dhankaygii.

Xaawo-Luul iwaran cafimaadkaga waa seena maynan is baran waa uun ku soo doontay amantada ayaa i soo gaartay anoo dalka guur u imaday waxana lay shegay inaad qof wanagsan tahay oo dhamaystiran Allena siyey aqoon iyo garasho anigana sidaas ayaan kaga soo doontay reerkiina marka Ilahay ducadaydii iyo rajadaydii waan helay Alle haynaga dhigo qoys wanaagsan anoon wax hadal ah u jawaabin ayaa gabadh kale soo gashay oo wada casho waxayna dhahday adeer kalaya casheeya, waa wayahay halkas noo dhig intuu dhahay ayuu istagay oo idhahay kalay xaawo-Luul cashaynee gabadhii wa iska baxday aniga iyo asaga oo qura ayaan noqonay mar kale aniga casho ma doonayo ee kaligaa cashee ayaan dhahay maxaad u cashaynaynin ayuu i dhahay anna ma awoodo wakhtigan inan casheeye cashee kaliga ayaan dhahay waa iska casheyey caano ayuu i dhahay hadana kalay cab anna ma doonayo ayaan mar kale ku dhahay maxaa diidantahay ood cashada u didaysaa ood caanaha u diiday walashay maxaa kugu dhacayna.

Wax igu dhacay malahan aniga cadi ayaan ahay waana aragtaa maxaa hadaan diido cashada ma dhib ayaa jira aniga haday baahi i hayso wax waan cuni lahaa intuu qoslay kkkkk kkkk kkkk ayuu i dhahay wax kale ayaanba u haystay inaad ku didayso hayga baqan wan ogahay waxaad tahay gabadh yar oon waligeed nolal hore soo marin marka waa gartaa inaad baqdo waxuuna aday dhanka iyo albabkii oo soo xidhay aniga naxdin ayaan meelna qaban wayey waan iskuusay wuxuu i dhahay gacaliso maxa kugu dhacay ood isla kuusaysa cadi waye waxan ha baqan intuu i soo garab fariistay ayuu gabarka gacanta iga saray oo damcay inuu i dhunkado anigo is kala garanaynin ayaa halmar istagay oo ilmeyey markaas ayuu i dhahay maxaa kugu dhacay xaaskaygoo xalal ah ayad tahay maxaad iga cararaysaa.

Halkaas haynoo joogto sheekadeenii la magac baxday Guursadayee maxaad Uurka u xaartay. La soco qaybta 7-aad habada maxaad dareemaysa aqriste maxad iswaydinaysaa.

Caways wanaagsan by Zubeer Haybe……………..GUUR-SATAYEE MAXAAD UURKA U XAADHAY.