Taariikhdii qoraa Aw Jaamac Cumar Ciise oo kooban

Halyey qaran

Maanta oo isniin ah waa barnaamijkeennii taariikhda ummadda, waxaana soo qaadannaynaa Alle ha u raxmee Aw Jaamac Cumar Ciise taariikhdiisi oo kooban, kala soco bogga dhugasho.
Naxariis waaritiin leh Alle ha siiyo.
Aw Jaamac Cumar Ciise waxa uu ka mid ahaa hormuudka taariikhyahannada Soomaaliyeed, waxa uuna caan ku ahaa uruurintii iyo qoristii taariikhdii iyo suugaantii Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Daraawiishti. Dadkii uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Cali Dhuux, Cabdi Gahaydh, Cadnaan Qamaan Bulxan iyo boqollaal kale. Isaga oo ka faalloonaya dedaalkii uu u maray uruurinta taariikhdan waxa uu qoray, wuxuu yidhi; “Qoraaladaan ururintooda waxa la bilaabay 1955-kii Ammintaa ma jirin wax qoraal ah oo la raad raacaa, waddada keliya ee kuu furani waa inaad odayaasha waayeelka ah oo dhaqankii Soomaalida iyo Suugaanta maskaxda ku haya la xiriirtaa, dhulku waa ballaaran yahay, waa bad aan xeeb lahayn horaa waxaa loo yidhi: “Nin wax baadi doonaaya dhulku ka badan, nin wax baryaayana dhulku ka yar” waa murti Soomaaliyeed.

Xilligaa Far rasmi ah oo wax lagu qoraa ma jirin, wixii wax lagu qoraa waa Carabi iyo laatiin, taladu waa tan Eebbe tawakal dadaal iyo adkaysi iska doon, odayaashu ma arki jirin Maansa la qoro waaba kula yaabi mid ku diida mid kuu dadaala mid deeq kaa doona rag waa wax walbaale malaha odayadaan la kulmay dhowr boqol waadhan yihiin iyagoo Koonfur Waqooyi Bari iyo Galbeed kala jooga. Dhammaan maanta waa bud aakhiro, sow waajib naguma aha inaan Eebbe u barino, inuu jannadii geeyo.
Hawshii qoraaladu waxay hadba heer joogtaba markii loo baahday in la habeeyo la isku duwo la daabaco ayaa waxa dhacay masiibadii Soomaaliya ku habsatey1991-kii Qarankii waa burburay, wax kasta cagtaa la mariyey, wixii taariikh iyo suugaan ahaa oo muddo akadeemiyadii Soomaaliya lagu ururinaayey daad baa qaaday, wixi aan hayay saddex qaybood markii laga dhigo qaybi luntay. Labadii qaybood ee burburkii ka badbaadey mahad Eebbe wayee (4) jeer ayaan hadba hal xidhmo Nairobi ula cararay sidaasey iigu suura gashay in mar labaad dib loo habeeyo…”Aw Jaamac waxa uu ku dhashay degmada Qandala ee gobolka Bari sannadkii 1922-kii. Dhalashadiisu waxa ay ku beegan tahay xilli ilaa laba sano laga joogo jabkii Daraawiishta iyo geeridii Sayidka. Hargeysa ayaa uu ka noqday macallin af-carabiga dhiga ka dib markii uu shahaadada macallinnimada qaatay sannadkii 1957-dii. Macallinnimada carabiga waxaa u dheerayd aqoonta diinta oo uu meel wanaagsan ka gaadhey, waana sababta darajada “Aw” loo siiyey, in kasta oo uu Aw Jaamac caan ku noqday, dad badani waxa ay u yaqaannaan Sheekh Jaamac. Waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa qof Alle ka cabsi badan oo hadal gaaban. Lixdameeyadii ayaa uu muqdisho u guurey, halkaas oo uu ka sii watey waxbarashadiisi dhanka diinta iyo macallinnimadiisiba. Sannadkii 1965-tii, ka hor intii aan la ansixinin far Soomaaliga, waxa uu af-carabi ku qoray laba buug oo taariikh ah, “Taariikh al-suumaal fii al-cusuur al-wustaa wa’l Xaaditha; Tariikhdii Soomaaliya ee xilliyadii dhexe iyo xilligan.” oo sida muuqata ku saabsanaa taariikhda Soomaaliya iyo “Sucama al-Xarakah al-Siyaasiyya fi al-Suumaal; Hoggaamiyeyaashii Dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee Soomaaliya.” oo ku saabsanaa halgameyaashii SYL. Labadan buugba waxaa lagu daabacay magaalada Qaahira. Sannadkii 1966-kiina waxa uu qoray buug ku saabsan taariikhdii Janaraal Daa’uud Cabdule. Waxaa xigey kacaankii 21 Oktoobar oo uu qoray 1972. Labadanina carabi bay ku qornaayeen waxaana lagu daabacay muqdisho. Guddigii af-soomaaliga. 14 Aw Jaamac Cumar Ciise. Sannadkii 1971 ayaa Taliskii kacaanku aasaasay guddigii af-soomaaliga oo ka koobnaa 23 xubnood, uuna guddoomiye u ahaa Shariif Saalax Maxamed Cali. Guddigan oo waxyaalaha loo xilsaaray ay ka mid ahaayeen dejinta buugaag dugsiyeed, buugaag naxweed iyo qaamuus af-soomaali ahba, ayaa uu Aw Jaamac xubin ka ahaa, iyaga ayaana ka masuul ahaa soo saaristii buuggiisa caanka ahaa ee uu ku uruuriyey gabayadii Sayid Maxamed Cabdille Xasan (1974). Labo sano ka dibna waxaa soo baxay buuggii taariikhda daraawiishta (1976). Waxaa kale oo uu xubin ka ahaa Akaadeemiyadda dhaqanka.
Sida kor ku xusan, kaydkii taariikhda ee inta badan la uruurinayey intiisi badnayd waa ay baaba’day. Buug lagu magacaabo qaran-jabkii Soomaaliya ayaa uu qoray sannadkii 1994 (Mombasa). Sannadkii 1997 waxa uu ka qaybqaatay buug yare ay diyaarisay Laanqayrta Cas; Biri-ma-Geydo: Habdhaqankii Soomaalidii hore ee colaadda. Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa mar labaad suurageliyey in dib loo daabaco buugaagtii Aw Jaamac sannadkii 2005-tii. Waxaa kale oo la daabacay buugaagta kala ah maansadii hore ee Soomaalida (Geela, Fardaha iyo Haweenka) iyo hilimadii maansadii hore ee Soomaalida, oo af-soomaali ku qoran iyo mid ku saabsan taariikhdii Jabuuti iyo dedaalkeedii dib u heshiisiinta Soomaaliya oo af-carabi ku soo baxay. Waxaa jira buugaag kale oo aan weli la daabicin. Lixdan sano ka badan ayaa uu Aw Jaamac dedaal iyo halgan ugu jirey ururinta, qoridda iyo faafinta taariikhdii, suugaantii iyo dhaqankii Soomaaliyeed, waana hubaal in la’aantii wax badani innaga lumi lahaayeen. Lixdii bishii Janaayo, 2014, ayaa uu ku geeriyooday magaalada Jabuuti, isaga oo 92 jir ah. Sharaf iyo abaal weyn ayaa uu ku leeyahay dadka Soomaaliyeed. Alle ha u naxariisto, hana ka abaalmariyo dedaalkiisi iyo halgankiisi, Aamiin. Hadalladiisi waxaa ka mid ahaa:“Raggii hore wixii tegey way ka sheekayn jireen, waxa joogana way ka arrimin jireen, waxa soo socdana way odorosi jireen.”
Waxaan ka soo xiganay GARANUUG.