Meecaad Miiggane, oo ka sheekaynaya, waxa kala qabsaday isaga iyo xaaskiisii. Majaajillo.
Islaantii waxay tiri;
Qaalibow,
Dayrti caana qaboobe
Ilmihii iga qunnee,
xilligaa qubanaayay
Quruumuhii yeelay waxbaa
Qalbigayga ku dheehmoo
Wax qudhaanja la moodoo
Quuta quuta afkeedlaa
Sidaaaa ii qudhqudhshay, ii qudhqudhshay
Ee dibi geesa qaroofan iyo
Orgi aynu qalloo
Qurbaan aan u samayno
Qadhaadhkana way jecel yihiine
Jawaan qaada u keen, bay tiri.
uum uum uum, war reexaantu qayilaad waynaa!.
Waxaan idhi:
Horta quruumahaadani
Waa mid qalaad oo
Iimaankii laga qaaday
Oo haddaad ciidda u qooshtoo
Qureec looga sameeyo
Qadadiina Cirkaa iyo
Qorraxdaa loo kariyo
Naa ma quruun aan dhargaynoo
Qatan baad aragteen
Ilaahay qaaddirsanaa,,,
Inta ceelka qadhaadh
Biyaha geelu ka qaadaa
Quudka aad ka cuntaaye
Mar haddii aadan ku qancaynin
Ood ku sii qallallayso
Maxaan kuu qaban karaa anigu,,,
Waabay gilgilatayba, bububububuu.
Ha gilgilan baan idhi;
Dibi geesa qaroofan
Qaaraddaba kuma noolee
Quruumahan aad ka hadlayso
Orgigii qoorta caddaa
Bal u soo qala maanta
Kolkaasay qabawday
Oy tiri jawaanka qaadkaa ku dar
Isna waan ku daray baan idhi.
Intaa markii laysla qarbuuday
Ayaa subixii dambana laygu soo kallahay buu yidhi;
Markaasay islaantii tiri
Wadaaddadii baa sahlanaaye
War wayn baan caawa sidaa
Ruuxaantii jinka oo dhan
Raggoodii u sarreeyay
Ayaa reerka dul jooga bay tiri,,,
Ruquus
Raage af-quud
Ragaad been kuma rayste
Raggii raanta lahaa iyo
Raxan baynala joogta
Kolkaasaan idhi buu yidhi;
Naa ma ruuxoodii baad aragtay
Mise reenkoodii baad maqashay
Kolkaasay tiri;
Mayee ruqiyadii caanka ahayd baa
Seddex jeer faalka rogtay
Oo intay rax ka siisay
Waxay tiri Rati wayn
Qala oo ri madaw ku sadqeeya
Ragguna yaanu af saarin
Carruurtana yaan laga raacine
Ka fogeeya raqda
Kaligaa rarramsoo
Intaad ruugta u aasto
Ha ka reebin qaniinyo
Rayigaa bay iga siisoo
Run weeyoo loo noqon maayo bay tiri.
Halkaasay ruuxaantii iyo qadadii awrka isla martay buu yidhi,
Markaasaan anna is idhi buu yidhi, waxan ay isku ridday isku rid, illeen lagu dhaqnaan mahayee.
Waxaan idhi buu yidhi;
Ruuxaantaa mid ka wayn
Ayaa reerka dul-joogta
Markaasay tiri; Kuwan xaggay ka yimid.
Rujiye
Ribdhiye
Rakibe
Rah waraabshe
Rarankii ku gam’e
Waligii raaxa ma seexde
Warankiisa riddeeye
Ruuga dameer ugu jiide
Kaba rays kula dhuunte
Isha raariciye
Wallaahi waa raage bidaar
Oo riiraashna wuu la socdaaye
Waar raggiba way idil yihiin
Waa intii roogga taqaannay
Alla maxay baar rawaxsheen
Ruunna way cabbayaan
Waa inaan raalli gashaa
Markaasay tiri; War maxay raadinayaan?
Ruqiyay ka maqleen
Ratigii la qalaayoo
Raadkeeney gurayeenoo
Way na raadinayeen.
Markaasay tiri; Waryaahee,
War bal ragga la hadal.
Markaasaan idhi,
Dee bal aan rogaal celiyo
Mar labaadna aan riigga ku jiido
War maxaydu rabtaan?
Ra’yigiba way baddaleen baan idhi,
Ratigii waan iska dhaafnaye
Islaantaanu rabnaa
Bay isku raadsan yihiin.
Markaasay shalmadda tuurtay
Oy cimaamadda tuurtay
Oy tiri, waryaa!!!
War yaa waa ninka!!
Quruumihii i ruxaayay iyo
Ruuxaantii way iga guurtay
Ee reerka waan dhaqayaaye
La dagaallan ragga, bay tiri.
Halkii ayay islaantii ku waantawday.
Q/r. Af-guun