Meecaad Miiggane- Majaajillo xiisa iyo qosolba leh!!

 

Meecaad Miiggane, oo ka sheekaynaya, waxa kala qabsaday isaga iyo xaaskiisii. Majaajillo.

Islaantii waxay tiri;

Wadaaddadii baa sahlanaaye
War wayn baan caawa sidaa

Ruuxaantii jinka oo dhan
Raggoodii u sarreeyay
Ayaa reerka dul jooga bay tiri,,,

Ruquus
Raage af-quud
Ragaad been kuma rayste
Raggii raanta lahaa iyo
Raxan baynala joogta

Kolkaasaan idhi buu yidhi;
Naa ma ruuxoodii baad aragtay
Mise reenkoodii baad maqashay

Kolkaasay tiri;

Mayee ruqiyadii caanka ahayd baa
Seddex jeer faalka rogtay
Oo intay rax ka siisay
Waxay tiri Rati wayn
Qala oo ri madaw ku sadqeeya
Ragguna yaanu af saarin
Carruurtana yaan laga raacine
Ka fogeeya raqda
Kaligaa rarramsoo
Intaad ruugta u aasto
Ha ka reebin qaniinyo
Rayigaa bay iga siisoo
Run weeyoo loo noqon maayo bay tiri.

Halkaasay ruuxaantii iyo qadadii awrka isla martay buu yidhi,

Markaasaan anna is idhi buu yidhi, waxan ay isku ridday isku rid, illeen lagu dhaqnaan mahayee.

Waxaan idhi buu yidhi;

Ruuxaantaa mid ka wayn
Ayaa reerka dul-joogta

Markaasay tiri; Kuwan xaggay ka yimid.

Rujiye
Ribdhiye
Rakibe
Rah waraabshe
Rarankii ku gam’e
Waligii raaxa ma seexde
Warankiisa riddeeye
Ruuga dameer ugu jiide
Kaba rays kula dhuunte
Isha raariciye
Wallaahi waa raage bidaar
Oo riiraashna wuu la socdaaye
Waar raggiba way idil yihiin
Waa intii roogga taqaannay
Alla maxay baar rawaxsheen
Ruunna way cabbayaan
Waa inaan raalli gashaa

Markaasay tiri; War maxay raadinayaan?

Ruqiyay ka maqleen
Ratigii la qalaayoo
Raadkeeney gurayeenoo
Way na raadinayeen.

Markaasay tiri; Waryaahee,
War bal ragga la hadal.

Markaasaan idhi,
Dee bal aan rogaal celiyo
Mar labaadna aan riigga ku jiido
War maxaydu rabtaan?
Ra’yigiba way baddaleen baan idhi,
Ratigii waan iska dhaafnaye
Islaantaanu rabnaa
Bay isku raadsan yihiin.

Markaasay shalmadda tuurtay
Oy cimaamadda tuurtay
Oy tiri, waryaa!!!
War yaa waa ninka!!
Quruumihii i ruxaayay iyo
Ruuxaantii way iga guurtay
Ee reerka waan dhaqayaaye
La dagaallan ragga, bay tiri.

Halkii ayay islaantii ku waantawday.

Habeyntii.  Af-guun