Waa barnaamijkeennii bulshacada ee Arbacada iyo bogga dhugasho.
Maalin baan galinki hore taajir ahaa, galinkii dambana faqiir ahaa, markuu gabbalku dhacayna aroos ahaa.
wuxuu ahaa bay dheheen safar, isagoo toddobaatan riti oo raran wata ayay col ka dheceen awrtii isagiina maryihii baa laga furtay, inan buu ku soo baxay isagoo calal xun ku marmaran,
Naa qolamaad ahaydeen?
Inantii: Qoladaas ayaan aahayn.
Oo ina ayaa tahay?
Ina boqor baan ahay, oo boqorkaa i dhalay.
Oo magacaa adeer?
Hebla.
inantii baa adeer isug inta ku tiri, geed dhinaca kale ka martay, ayay maradeedii qaydka ahayd in u soo jeexday. go’aan wuxuu ku gaadhayba inuu boqorka aado oo uu ku yidhaahdo anoo xoolo kuu soo wado oo gabadhaada kaa soo doonaya ayaa waxaan watay oo dhan ba la iga dhacay. sidii buuna yeelay.
Isagoo go’ii ay gabadhu u goysay guntan ayuu boqorkii u yimid, wuxuu ku yidhi: boqorow waxaan waday hanti labadeennuba inagu filan toddobaatan riti oo raran ayaan kuu waday, gabadhaada hebla ahna waan u socday dhaxdaana la igu dhacay, oo yaa dhacay, dad noocaas ah.
War ninka dhar u keena, dharkii ugu qurux badnaa baa loo keenay, inantiina waa loo meheriyay, rag buu diray oo yidhi toddobaatan kaa riti haddaan wixi saarraa koob ka waayo, xoolihi oo idilla waa loo soo dheelmay.