Waxa uu mar kale ii keenay ninkayga lacag kale oo markaas uu ii sheegay qiimahay ahayd oo i dhahay waa 5000$ dolar ee ku dar lacagtii waan ku daray lacagtii waxaana arkay inay lacagtii sii badanayso aminadiisana sii badanayso waxaana u farxay si wayn balse xaqiqdii waxaa i soo rumoobaysa rajadaydii iyo hamigaan lahaa inan fusho oo aanan waxbo u kaadin wayo waxaan arkaa in odaygayga naaskiisi aaminaadu ii irmanaday oo anan hada hadan faa’iidaysan waayo ay tahay doqonimadayda waana arkaa waxkastoo i horyaala sidan ugu gudbilahaa.
Halkaas ayey inoo maraysay sheekadeenii la magac baxday Guursatayee_Maxaad_Uurka_U_Xaaqday Qaytii kale waatan aqris wanagsan.
Q-13
Waxaan ka fikiray sidaan uga bixilahaa goobtan iyo halka aan aadilahaa waxaana qorshaytay waddanka aan gali karo een tagi karo waxaana nolashayda i tustay inaan adi karo waddanka keenya waxaan kaloon is dhahay ma addaa dalka Jabuti balse waxaan inbadanba maanka hadal ku celceliyo waxaan go’aansaday inaan horta raadiyo waxaan raaci lahaa waxaan subax uu odaygayga baxay ka daba baxay oon aday suuqa waxaana la soo heshiiyey niman gariyaal wata oo u sii socda xadka kenya agteeda waxaana dhahay wakan lanbarkayga qaata i soo waca marka aad diyaarsataan safarkiina balse waxay i dhaheen in safarkaanaga maalmo qataa lagayabaa maadaama aa nahay xamuul gariyaal qaada ee gariyaal yaryar oo baxaan ku radinaynaa waana yeelay hadalkii ragii gariyaasha watay waxay ii raadiyeen siday iigu heli lahayeen gaari wanaagsan oo aan shirka ugalo waxana siiyay lacag ayba ka yabeen oo waligood qof safar ah sinin ragii si ay arrinta iigu dadalaan oysan iiga seexan waxana iska imaday gurigaygi howshii ii talay ayaan dhanka ka qabtay qof meel u soctaba ma aanan iska dhigin laygamana dareemin waxana wada qadeynay odaygaygii annagoo qadaynayo ayuu soo dhacay talafoonkeyga oo yalay meel aan iga fogayn balse maanan qaban oo waxan dhahay waa lanbar cusub xaaji marka muxuu iga qasayaa qadada maba aqanee waxana iska sii watey qadadii cunisteeda wax dhoroof ah ma galin odayga oo waxba kama shakin waayo musanba soo dhigan gabadhan ayaa baxaysa oo meelkaa adaysa.
Waxan ku celiyay markan howshi cuna cunista dhamaystay lanbarkii i soo wacay balse nasiib wanag waxaa lay shegay inaanan nasiib lahayn oo gari yar oo kuwa raaxada ah ii heleen oo galayey kenya balse uu iga tagay balse waxay i dheheen waanu kuu raadin ilaa bari ee iska naso lakin lanbarkad aragtaba qabo oo soo dhaqso markaan ku soo wacno, waayey ayaan dhahday waxana ku heshiiyeen inay u dadasho oo ku dhaqsadan inay ii helaan gari wanagsan oo aman ah lana garanayo cida wada wayahay ayey dhaheen waxan iska qabsaday sidaydii waxii howl layga baahnaa xafadda, gabadh anba ahayn gabadh safaraysa xata dharkayga ma aanan diyaarsan horaa loo dhahay “Sir naageed lagama Sal gaaro” waarun taasi waayo qof safar ujeed ahba uma eki ee waxaaba la imoodaa gabadh aqalkeeda iska hagajisanayso oo nolashii rernimo ku jirto.
Habeenkii ayay waxoogaa kurba ah igu yara dhalatay oo ah hantida odaygu igu amansaday hadan la tagto waxa ka dhalan kara ama rerkaanaga waxa la soo gudbonaan karo. Waxan habeenkii oodhan ku jiray soo jeef iyo fikir xoolahan waa wax lagugu aminay adigoo ah xaaskiisa hadana ma ahan waxaad saarabto u isticmali karto ninkaga was ninkaga ma ogid hada wax kugu so bixi dona inad uur ledahay xata ma ogid habeena dhawayd waka ilowday kininigii maxad samayni hada uurku kugu soo baxo ninkan odayga ahna adoo uur ah inuu ku arko ayuuba ku sugilayahee xoolihisa inaad qadato uurna adan u yelan hadad u yeelatana ad ka fogato Alla maxa asaga ku dhacaya maxaase hoyada abaha walalaha magalada bulshada ku nool ku dhahayan ama hadal hayntaadu noqonaysa mid is gaadhay balse hadana nafta iyo shaydaan baa ii jawabay oo i dhahday habadalin qorshagaaga ku soco waxaad damacsantahoo dhan, maxaad u cabsan, maxa kaa galay rerkan dhaqashadiisa, hantidan ayadba ka tajiri markad wadan quman tagtee Alla naftayda iyo shaydaan la sheekaystayey.
Waxaa baryey waagii waxana isku diyariyay nolal malmedki guriga sidii lagu hagajinlaha waxan noqday qof iska shaqaysanaysa balse walwal iyo soo jed xalay ah ka yara muuqdo iyo cajis badan ninkayda wa daremay wuxuna dhahay gacaliso ma wax aya ku haya xanun ah balse maya ee maxad aragtay ayaan dhahday wuxuu dhahay inad il go’antahay ayan ku arkaa oodan faraxsnayn ma wax uur ah ayad qaday ma ku soo baaraa qaali hayga xishoon ee i sheg wax balse waxan dhahay maya xoga madaxa ah i xanunayo haday wax jiran wanku shegaya qaali wayahay ayuu dhahay wuxuna aday magalada daqiiqado adagon maqnayn ayaa lay soo wacay layguna dhahay soo bax gari kalaan ku haynaye ways diyariyay borso ayan dhar ku gurtay waxan soo qaatay wuxuu dahab ii so gaday odhan waxan furay qanadii lacagta waxana iswaydiay lacagtan odhan hadad wada qadato walagu so qabanaya ee wax ka qado waxayn qadatay 3500$ dolar waxana so gadhay goobti aan ka bixi lahaa waxay i sareen garigi baxayey oo ah noca raaxada oo la geeyo inta badan xadka kenya iyo soomaaliya gariyada noocas ah lagana gato ganacsato kenyan ah wuxuu garigi qabsaday laamigii safarkii dheeraa.
Holkaas haynoo joogto sheekadeenii la magac baxday Guursadayee maxaad Uurka u xaartay. La soco qaybaha kale.
By Zubeer Haybe…