Hablaha Geeska

Barnaamijka maanta arbacada waa maansadii Hadraawi ee ku saabsanayd dumarka iyo karaamadooda. Kala soco bogga dhugasho barnaamijyada bulshada.
Haddaan guudka laga jarin
Gudihiisa xaabkiyo
Cayayaanka laga gurin
Marwo dumar garka u xidhan
Illayn guri dugsoon maleh

Gaadaha habeenkii
Kelidaa galgalashiyo
Ged-geddoonka dhalisoo
Adigiyo go´aagaa
Hadba dhinac u guuroo
Barkintaad gabbood iyo
Gaashaan ka dhigataa
Haddaan guud haldhaaley
Kolba gacan la saareyn
Illayn gogoshu wehel ma leh

Kuma galo adduunyada
Ninna goonni-socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee
Haddaan gaari kula jirin
Illaa noloshu guul ma leh…

Xigasho/Farshaxan.com