Barnaamijka Suugaanta ee bogga Dhugasho Arbaca kastaa.
Shalay ubax baad ahayd
Ishaydu ku doogsatee
Maxaa eegmada ku dhacay
Ayaamahan kuma arkee.
_________________
Itaalkaygii ma gabin
Asaaggaa kaa calmaday
Awood kaamaan xasayn
Waxay ula jeeddo tahay
Anigu ubax baan sidee
Si aan aayuhu u dhadhin
U hoor erayada cishgiga
Haddaan inanyahay ku idhi
Ushiisii maad biyayn.
__________________
Jacaylkeenii anbaday
Ishaaro inaan ka helo
Anoon raadkaba arkayn
Waxaan ordayaa habeen
Cidlaan ku ag meerayaa
Or baan maqlayaa i tidhi:
“Jacaylkii aamusaa
Abaar buu daaqayaa.”
__________________
Hillaacyahaw ii iftiin
Haraadyahaw oonka bii
Habaasyahaw ii arrimi
illoow jiifkaba hurdooy
Arooryahay kaaha dami
Riyooy istareex i sii.
Cali Ileeye.