Waxaan maalinkii oodhan socono dhul aanan waligay arag oo maqal igu ahaan jiray ayey duruuftu imarisay kolba magalaan wax laga cunaa balse wax inaan cuno marabi naftayda dhan ayaa isku buuqsan oo isla hadlaysa kolba wax ayaan is waydiinaya waxan is waydiinayo ee ugu wayna waxay ahayd tolow malagu soo radin amaalagu qavtaa ood baxsan waysa ood ku cebowda umada odhan ninkii lagu siiyeyna aminad danbe waa idiin kala dhamatay balse waxaan niyada ku dhistay inaysan waxaasi jirin cid og melaan u baxayna aysan jirin balse aan iska dhigo qof dagan si aysan dadka gariga ila saran ii ogaan balse qarigaba waxan ku saranahay laba gabdhod iyo afar wiil uu ku jiro darawalka ad ayey u qayilayan dhamantood waxayna kolba saranayan hees cusub xata gariha si quman uma wadan oo waxay ku wadan xawaare dheerenaya oo waxanba ka baqaya inan shil galno aniga waxaan sameeyo ma garanayo oo ma oran karo ayar wada gariga balse waxan is dhahay amay daalac ku qabsadan iska amus wana iska amusay anigoo naxsan.
Amin habeen ah ayaan seexanay magalo yar waxaana uu dhahay darawalkii hala casheeyo hala yara nasto waan sii guuraynaa cawa ma sexanaynee wayahay ayaan dhahnay balse aniga gariga kama dagan oo waxaan dhahay wadan u bahnahay malahan gabadhii aya i dhahday walashay waxle iskuday maya ayaan dhahay ee igaday waxna uma bahniyee wayahay intay iiwada dhaheen ayey iga tageen aniga waxan ku dhax oynayey gariga oo waxan kabaqaya inay wax iso garan hantidan dahabka ah een wato lacagta aan wato ayan naftayda in loo dilo ka baqaya meshaan marayno oo dhan ee dhulka ah waxaa jogta mooryaan is baarooyin badan u taalo waa an baqayaa balse maxaan samayn karaa wa uun iska oynaya oo kaliya Allahna waan baryey ina magan tiisa ahay kana doonayo garab iyo cawinad.
Habeenkii oo dhan ayuu garigii sidii noosii waday waxaana garnay subixii magalo aad uwayn balse burbur iyo nabad la aan ka jirto waxan ka cunay halkas cuno yar iyo biyo aan ibsaday aniga oo isleh amaba lagu garta oo lagu celiyaa dib oo ninkagii dad u soo diray ku radinayan ayan dhaqso waxan ugu noqday garigii dadkii ila saaarna mardanbe ayey i imadeen waxayna iwaydiyeen inan wax soo cunay iyo inkale anna waxan dhahay wan soo cunay dhaman rakaabka waa ay shekaysanayan way buuqayaan balse aniga wax aan la hadlayo malahan marmar darawalkoon agtiisa fadhiyaa ila hadlaayo anna wan u jawaba waxu iwaydiiyo oo wara. Gariga wa soo dhaqaaqay balse markaan in yar soconay aya waxa na istaajiyey kuwo mooryaan ah waxayna darawalka waydiisteen lacag hadi uu siinwayana uu halkan tagnan mantoodhan balse waxa uu siyey markay murmeen kadib lacag anan qiyaasteeda sheegi karin.
Aniga oo naxan ayaan ka dhaqaaqnay meeshii is baarada waxaana sii soconay dhul duur ah. Cidi ma hadlaynin waxa su’aal i waydiyey darawalka walashay amusanay maxaad la murugsantahay mad sida umadan oo kale iska faraxdid ood iska hadashid. Balse aniga waxan dhahay ma jecli hadal ee gariga inoo wad tartiib oo haynagu galin shil balse asaga hadalkas muusan ii garabin waxaana soo galay damac iyo inuu aniga wax iga heli karo oo naftayda surabo ka heli karo balse sheko badan kadib waxan u shegay inan ahayn gabdhaha uu u malaynyo, isdaji oo gariga wadan ku dhahay, waana iga xanaqay asagoo i dhahaya reer badiyad tahee maxa ku so galiyey safarkan dheer qof lala bashali karo matihid ee gabadh danbaysad tahay balse kaba amusay aniga ilbaxyadan la shekaystaa reer badiyo ado kale ah ayan u necbahay oon wax fahmaynin anigu cay ii qabsaday dabadeed anna waan iska amusnaa oo Allow ka indho sab ayan lahaa.
Odaygaygii aya wuxu imaday wakhtigii qadada ahayd guriga wuxuuna ogaa inan yara xanunsanahay wuxuu iso gaday hadyad iyo cunto uu iigu talagalay inan cuno wuxuuna naftiisa iska dhaadhacshay inan qada uur oon ka qarinayo madama an saka ilgonaa ahana wof cajisan oo mel un ka daallan, odaygana waa gabadh yar oon sheegan karin uurkee adigu garo ayuu is dhahay wuxu soo galay guriga wuuna iga waayey daaradii jikadi dhana qolalka wuxu is dhahay xagay aadday, balse shaki saas ubadan ma sii galin wuxuu is dhahay bananka ayey waxka doonatee u yara kadi iska sug dharka iskama usan sarin alabtuu iwadayna wuxu saray miiska qadada hal saac markuu wayey wax u imada ayuu wacay hoyaaday iyo xafadanadi wuxu dhahay maku imaatay gabadhii maya ee xaaji majogto miyaa marka suu dhahay maya ilaa halsac ayan joga mana iman ee xagay adi karta waligeed maysan meel adine.
Holkaas haynoo joogto sheekadeenii lamagac baxday Guursadayee maxaad Uurka u xaartay. Lasoco qaybta 16-aad habada maxaad dareemaysa aqriste maxad iswaydinaysaa.
By Zubeer Haybe…