Q-15.
Odaygaygii aya wuxu imaday wakhtigii qadada ahayd guriga wuxuuna ogaa inan yara xanunsanahay wuxuu iso gaday hadyad iyo cunto uu iigu talagalay inan cuno wuxuuna naftiisa iska dhaadhacshay inan qada uur oon ka qarinayo madama an saka ilgonaa ahana wof cajisan oo mel un ka daallan, odaygana waa gabadh yar oon sheegan karin uurkee adigu garo ayuu is dhahay wuxu soo galay guriga wuuna iga waayey daaradii jikadi dhana qolalka wuxu is dhahay xagay aadday, balse shaki saas ubadan ma sii galin wuxuu is dhahay bananka ayey waxka doonatee u yara kadi iska sug dharka iskama usan sarin alabtuu iwadayna wuxu saray miiska qadada hal saac markuu wayey wax u imada ayuu wacay hoyaaday iyo xafadanadi wuxu dhahay maku imaatay gabadhii maya ee xaaji majogto miyaa marka suu dhahay maya ilaa halsac ayan joga mana iman ee xagay adi karta waligeed maysan meel adine.
Halkaas ayey inoo maraysay sheekadeenii la magac baxday Guursadaye maxaad uurka u xaaqday.
Waxaa dhamaan soo gurmaday eheladay iyo ninkan ka soo baxsaday qarabadiisa meel an layga raadin malahan Cisbitalada iyo Xabsiyada melkasta waa layga wayey, waxana daalay umadii ku jirtay raadiskayga qof kastoo walbahaarsan ayaa waxaa layskugu imaday gurigii ninkayga kolba qof daalan ayaa imada oo la siyaa biyo uu cabo ninkaygoo murugo aysan u yareyn oo isleh gabadha yaa kaa af-duubtay ayaa waxa uu galay qolka jiifka, wuxuuna rabay dadka dalay inuu lacag intuu u soo saaro dhaho casho ku doonta balse markuu qaanada furay ayuu arkay lacagta oo isku dhaxyacsan waysku hagajiyey waana tiriyey mise wax ayaa kamaqan wuxuuna eegay isla qanadaas dahabkaygoo ku jiri jiray oo kamaqan waxna uu garaystay inan baxsaday asagoo ordaya ayaa soo baxay dadkii bananka jogay ayuu u sheegay inan baxsaday balse uusan garanaynin meel aan u baxsaday, wuxuuna sheegay inan lacag uu idhibtay 3500$ doolar qaatay dahabkiina lawada tagay, halkan ayaa ina barooratay ina murugotay ina xanaqday wax la sameyo lama garanayo meelan aday lama garanayo talefonkayga hawadii waka maqantahay oo shirkadan watay meshan joogay ayey ku ekayd balse maxaa la samayn waa uun amakaag.
Aabahay ayaa subixii loo yimid waxaana u yimid odayaal iyo ninkii i qabay waxaana la dhahay gabadhadii hadaan maydkeeda helno wax aan ku haysano malahan hadaan ayadii oo cafimaad qabta oo reerkeeda dhaqanaysa keentana waxbo kuuma haysano, balse hantiday naga qaadatay ha soo celiso anakana dhaqashaanu rabnaa madoonayno war kale xidid ayeynu nahay ee yeynan isku xad gudbin waahagag ee isuga oo aan gabadha wada raadino ayuu ka codsaday waana lala qaatay meelo badan waa lala hadlay oo ehelo daganayd waa la waydiiyey ma aragteen maya ayey dhamaan dhahen tolow haday nooshahay sowma soo hadasheen ayey iswaydiiyeen dhamaan reerihii oo dhan aniga maanba ka warhayaa xaladba anigay tayda i haysataa oo murug i haysayo wayo waddanka aan dhaxsocdo waa waddan anan waligay arag waxana u socdaa waddan kale oo ah meelaan cidi ii joogin oo aan ku cusbahay bal waxan sameyo ma garanayo dib uma noqon kari oo xaladi reerkayga iyo reerkanaga wa isku qasantahay Allow sahal amuuraha maxaan sameyey salfudaydku wa cadow xun ha layska ilaalsho ayaan oran lahaa iga danbeeyow.
Muddo Isbuuc ah ayaa wax war ah layga wayey waxaana labadii dhinac ee midna aanka dhashay kidnina iqabay wada fariisteen gogol xaajo ah waxaana lays waydiiyey hadalo badan dhankan ka dhashay waxay ku andacoonayan inay gabadhi ka maqan tahay oon lahaynin raad iyo ruux dhanka kalana waxay ku andacoonayan in aysanba gabadhu iska bixin ee qorshe loo dagay odayga hantidiisa lagu qadanayo, gabadha reerkooduna la’ogaa tagitanka hadana ay iska warqaban gabadha iyo reerkooda wax meshii gogoshu talay gadhay afka in layska dhaho hadalo xunxun tolkii wada hadalka u fadhiyeyna ay gadhay in ragga qaar is feedhaan oo la kala qabto waxan gogoshii markii danbe lagu kala xaliyey bal in horta gabadha meel lagu sheego oo la kala ogaado falkan cida gabadha garab ku siisay iyo cidday hantida siisay ileen gabadh yar hanti intaas la’eg ma qaadan kartee waana lagu kala tagay halkii oo anan laysku calool fayoobeyn.
Aniga waxaan imaaday magaalada dhooblay waana magalo ku taala xad cidii aragtay ama tagtay ayaa garan dhooblay waa cidhifka soomaaliya ugu danbeeya ee laga galo dalka kale een dariska nahay ee Kenya oo ah meeshaan tilmansaday inaan aado markaasna la qabsado nolasha iyo marxaladaha lagu nool yahay daal ayaa i hayo habeeno badan maseexan waxaana noqday qof murugo katan badan hayso dhanka odaygayga waanka murugsanahay dhanka walidkayna waanka murugsanahay dhanka walalahayna wanka murugsanahay dhanka dadka maqli doona hadalka ama sheekada dhacdayna waanka murugsanahay, waxaan sameeyo ma aqaan anigii waxaan ahay qof maqane jooga ah gaarigii wuxuu na keenay hotel oo dhahay maalmo jooga halkan xadku waa adagyahay lama gali karee waxaan dagay hotel waxaana seexday anigoo ah qolfoof aysan nafi ku jirin maalintaas oodhan ilaa habeenkii waan jiifay xataa awood aan ku qabaysto waan iska waayey subxaan imaday subixisii ayan sariirta ka soo kacay oo naftu igu soo laabatay waan qabaystay waxaana isku diyaarshay inan hoyaday waco oon u sheego inan aniga ka tagay nolashay igu tuureen.
By Zubeer Haybe…