Barnaamijka Isniinta iyo aqoonta bulshada, kala soco bogga dhugasho.
Carraweelo: Oday biiqow, Cirka tiir gaadha la kaalay!
Oday biiqe: Hayehe Carraweeloy, wixi lagu cabbiri lahaa adna la kaalay.
Carraweelo: Oday biiqow, Sakaar iyo Calool kee baa macaan!
Oday biiqe: Carraweeloy, sakaar iyo calool hadba kii canka ku jiraa macaan.
Carraweelo: Oday biiqow, rag imisuu u kala baxaa?
Oday biiqe: Carraweeloy rag afar buu u kala baxaa. Nin yar, nin wayn, nin waxgarad ah iyo nin aan waxgaranayn.
Carraweelo: Oday biiqow, biyo imisay u kala baxaan?
Oday biiqe: Carraweeloy, biyo afar bay u kala baxaan. Biyo cir, biyo dhul, biyo dhana ah iyo biyo macaan.
Carraweelo: Oday biiqow, nin dharaar guuray habeen ma ku dari karaa?
Oday biiqe: Carraweeloy, hadduu gaadiid haysto waa kiu dari karaa.