Majaajillo qosol ah

Barnaamijkii Arbacada ee suugaanta bogga dhugasho.

Marka wadaadku bexee
Dadka baasha ka raacee
Bustihiisana qaatee
Isku keen bismilleeyo
Ee albaabkii ballaqnaa
Intii aad bannaddo
Ood baadka gasho
Ood biyihii isku maydho
Ood baraafuunka udgoon
Iyo cadarkii isku biiso
Oon surwaalka baxsho
Oon birta saaro korkayga
Oo laydhku uu big bigleeyo
Oo sariirtaa badhtankeeda
Balaayo waa tan dambaysee
Aan buntuqayga cabbayso
Boqolkiiba sagaashan
Barti oogu dambaysay
Oon barta shiishka u saaro
Badhankiina u taabto
Baaruudduna ay qaraxdo
Oo baashaynta dibnaha
Bishimuhu ay dhididaan
Oo sidi beelo qaxaaya
Buuqeennaa laga yaabo
Saw mark waagu baryo
Beed iyo keeg
Iyo caano saw badhxan maayo.