Marka aan isku diyaarshay inaan waco hooyaday ayaan waxaan ka baqay hadaan u sheego halkan jogo inay la hadlan dad qarabada ah oo safarkayga layga reebo oo lay qabto ama ciidanka booliska loo sheego kamana qarin kari waalidkay halkan joogo, maxaan sameeyaa anigana nolashaydu ma doonayso halkan ka soo tagay iyo odaygii naxariista badnaa balse aan uga soo tagay reerkiisa aniga waxan oo dhan iguma dhaceen hadaan reerkaanagu igu qasbin ninka, waayo nin anan donaynin ayey igu qasbeen maxay ka dhefeen wakan aan maanta ka soo cararay ayaguna ay murug la fadhiyaaan meel cidla ah aniga waxan inbadan ka fiirsaday wicista reerkaanaga balse markii danbe waxaan go’aansaday inan wicin oon ka amusnaado halkay doonayso haka caga taagto xalkuyee, xataa waan isku diyarshay geeri oo anan meshas hadalkeeda iyo noqoshadeedaba anan u hanqaltaagin.
Waxaan maalintii oodhan iska joogay magaladii waxan cuno waxaan cabana waan soo gatay waxaana iska imaday qolkaan ka dagana hotelka marka la kala gato baaburka, ayaa raacaynaa qolada gadatay oo nagaynaysa xeryaha qaxootiga ee dhadhaab. Aniga safar waligay ma galin balse waxaan wataa waraaq aan ku wada qortay meel kastoon maraayo iyo lacagta macquulka ah ee lagu raaco markasta gaariyada oon ka qortay darawalka intaan safarka ku soo ahayn dhooblay. Darawalkii muusan iga harin caydii iyo aflagadadi uu igu dhahayna musan igu ekaan balse waxaa wali haya hunguri ah inu aniga ila raaxaysto inay tahay danta ugu wayn ee uu igaleyahay balse waa war moog wuxuu igu soo garacay qolkan ka dagana hotelka asagoo wata qaad iyo cabitaan tiro badan waxaan ka furay irida waxana dhahay “maxaad doonaysaa” “wuxuuna i dhahay waxan rabaa inan kula shekaysto oon halkam ku qayilo ee walalo ii ogolow taas” anna waxaan dhahay amu hadad u dido qayilada qolkagu ku qayilayo ka qarsha gariga baxaayo eed raaci lahayd markasan dhahay hayeh soo fariiso waana soo fariistay balse albabka qolkayga ayaan wada balaqay si uusan damaciisa ugu hirgalin.
Wuxuu mantoo dhan qayilaba kolba sheeko iga shekeeyaba wuxuu markii danbe dhahay qaadka wayga dhaman rabaa mantoodhanna wan ku soo shekaynayey ee maxaad albabka iyo daqadaha inoogu balaqday dabayl ayaaba nagaliyee maad inaga xirtid. Markaas anoo aad u araysan ayaan dhahay walalkay oo kale ayad tahay ma ahan waxa walasha in lagu sameeyo adan jeclayn inaad damacdo inaad igu samayso, waxa ku haya wan arkaa waxad iga rabtana wan garanayaa, aniga marwo la qabaan ahay mana doonayo xaram marka shaydaanka iska naar aniga madonaayo xumane walalkay ayaad tahay adigana danbi intada soo samaysay ha kugu ekaato iyo qaadka aad afka ku hayso aniga adoo gabadh ah xumaan kuma qureen ee intuu naxay oo dhididay ayuu dhahay walashay “walahay xumaan anka donayey markii hore ayaad iga celisay anigu waxan cadaystay inan gabdhaha safarka ila ah kolba taanka helo inan iskaga bashalo intan isla jogno balse dumarku isku mid ma ahan ilahay aya adiga ku siyey dhiranan iyo adayg, balse waxan ku ballan qaadaya inan gabadh danbe mustaqbalkeeda ku ciyarin onan ka faa’idaysan intan horay u soo sameyeyna Alle hayga danbi dhaafo hadana iska kay cafi walashay ayad tahay xuman kuma quuro” intu dhahay ayuu oyey balse wan amusiyey wana amusay oo igatagay.
Abahay waxaa ku cuslatay xajadaydii waxuuna ka shalayay inuusan gabadh tiis oo dambe ku darin nin soo dontay balse uu u guurin oo kaliya gabadhu ninkay keensato qur ah wuxuu inbadan isku canantay hadadan gabadhaada hanti ka raacin manta kama fogateen bahi ku haysay ma jirin waad nolaydeen oo farxad ku wada nolaydeen ee maxa qorta ku galiyey rerkan. Naftiisa ayuu la dagaalay abahay wuxuuna inbadan ka murgay manta inan nolahay iyo in kale alla gabadhayda oo qura maan manta arko, maba siyeen ninkan mar kale wanka furan lahaye ayuu ku tiraabah abahay hoyaday oo abahay waligeed ka hor iman oo la fikir ahaydna sidaas iyo si kadaran ayey ahayd walbahar hooyo nimana waa u dheraa.
Dhaman tolkayna waxay go’aansaden inay lacagta horta gudaan oo ninka siiyan si rerkan xididka ah lacagtoda u qatan ka dibna loo raadin lahaa gabadhii oo qudha, tolki waxay soo uririyeen lactii waxayna dheheen gabadhii hadii la helo lacagtini wataas walaydin siin hadiise la wayo ogada inan idinka idiin haysano mag taaso ah anaga gabadha idinkan idinku ogayn oo rerkan ka guur siday hantida idinka maqan idin gubayso ayay anagana noo gubaysaa gabadhaanada maqan ee hantidiini wataa halkaa idin taalee soo raadiya gabadhi ama raq ama ruux hadii kale ogaada maxkamad ayeynu isla tagayna intaysan xaajadu xumaan, maxkamadna gaarin aynu wax dhamaysano hadaad tihiin qolada gabadha naga qabtow, waxaad markasta dhahaysan hanti baa naga maqan ee hadaba cagadhigta labadii tol xaajadu kolba meel xun ayey ka martaa…
By. Zubeer Haybe.