Mar umbay jartaadoo sallaxan sibiq tiraahdaaye
Mar umbaad sahwiyi xeeladdaad suubbi leedahaye
Adigoo saboolaba marbaad si u badhaadhaaye
Mar umbay ku seegaan waxaad sahay u qaadaaye
Mar umbaa sadkaadoo ku xiga salaw ku dhaaftaaye
Nin walaa wixii lagu sababo seegi kari waaye
Ilaahow sareedada na mari samaha tii roone.
Af-guun
