Q-21 sheekadii guursataye maxaad…

Doctor holding heart

Hadalkaas ima dhadhamin balse wajabtiisa waxbo hada kuma dagdagayo gabadh waa la kala guursan jiray, waana laysku soo furi jiray, balse waxa wiilkan ku dhawaqay ayaa ah waxan ii cuntamin ee tolow hadaad isku rayi tihiin cadaysta odhaahdiina oo toosan”. Aniga hadalkayga halkaas ayaan ku soo afjaray, balse waanku soo laabane waxaa idinku sii dari wax kale gabadha abaheed oo asagana wax ka oran hadaladiina iyo waxa mankiisa ka guuxaayo ee dhagaysta.

Halkaas ayey inoo maraysay sheekadeenii la magac baxday ‘Guursadayee maxaad uurka u xaaqday’. Qayb kale.

Waxaa hadalka qaatay aabahay oo lagu soo dhawayey, kuna soo dhaweyey hadalka ninka socday dhankiisa waxaana uu abahey ahaa in kalmad kastoo afkiisa ka soo baxdo ka sii fikiray maankiisana uu uga sii digayba deelqaafka, wuxuuna hadakka ku bilabay sidan. “Aniga aad ayaan tolkan u xishmaynayaa waxaana na dhaxmartay xidid iyo reer dhaqan iyo hido ayaan soo lahayn waxaan ahayn dad wanaag uu waligood dhax oolay, onan xuman iyo cadaawad hore na dhax oolin, balse hadalada dhagahayga ku soo dhacayey ee ka soo yeedhaayey wiika uu dhalay odaygaan siiyey gabadhayda waa wax aanan filalaynin, balse horaa loo dhahay “Afaan kugu oolin ileen aamus ma dhahdid”. Waxaan hadalkaygaa ula jeedaa wiilkaas waa nin aan da’ ahaan wax yar uun ka waynahay, ee i dhagaysta labadan taloow. Aniga gabadhaan dhalay dhaqasho danbe oo odaygaas ah waa ka xaaraam ee halay furo gabadha. Hadalkaba ma badinayee hadday soo laabatana aniga ayey ii joogaysaa oo dhalay, ta hanti celintana sharci iyo maxkamad ayaa jirta anigana waxaan taganahay hantidii waan soo celinaya gabadhaydii waxay ahayd Bikro markaan idinsiinayey ee halaysoo celiyo bikranimadeedii waysan ka ahayn anna waxaan hanti soo celin malahan.”

Dood iyo sawaxan ayaa ka bilowday madashii la fadhiyey, waxayna tolkii la dhaceen hadalka geesinimada leh ee uu aabbahay ku dhawaqay, waxaana hadalka markale qaatay odaygii hadalka u banneeyey aabbahay markii hore, wuxuuna dhahay. “Aniga hadalka uu dhahay walalkay ayaan racsanahay hanti hanagasugina waxan idinsiinkarna uun lacagtaa 3500$ dolarka ahayd ee gabadhu la tagtay dahabkana ninkeedaa u gaday gabadh laqabana waa loo gadi jiray, balse wax soo celin ah manan maqal ee Ilahay ka xishooda.”

Hadalkii ayaa noqday mid sii kululaada hanjabaad ayaana dhacday in lays dili ama lays xiri oo aysan u cuntamaynin inay hantidoodi waayaan gabadhiina waayaan, balse ay doonayaan hantidi hadi la rabo in laysku furo gabadha tolki dhanka ninka ka socday in waxay la talo iyo fikir noqotay wilkii uu dhalay odaygi i qabay inna waxay garatay in aanan wax laysku celinin ee odaygaygi warka lala socodsiiyo oo fikirkiisa la ogaado kadibna waxa ka soo baxa lagu dhaqaaqo labada dhinac markaas waxay isdhahayaan ayakay u taallaaye ha la amuso buuqana ha la dajiyo ayey xaajadu maraysaa waana lagu kala tagay madashii oo fara fiiqfiiq mooyee aysan waxbo ka naaso cadayn.

Odaygii i qabay oo asagu maalinba maalinta ka sii danbayso sii xanuunsanayo, ayaa hadalkii xan ahan kaga maqlay ubadkii soo ku sheekaysanayo wuxuuna garan waayey hadalada ubadkiisu isku hayaan ee ah hantida halay soo celiyo waa loo furi gabadhoodee iyo hadalo ka loo badan. Waa yabay cidna wax ma su’aalin ee wayska amusay, wuxuuna iskugu yeeray tolkiis intii ugu wax garadsanayd wuxuuna u sheegay in reerka gabadha dhalay aysan ahayn reer xun balse gabadhoodu aniga i xumaysay oo iga tagtay, waxaana ubadkayga ka maqlayey hadal ee maxaaa jira waa loo shegay kalfadhigii dharartii dhawayd dhacay wuxuuna u dhagaystay si wanagsan balse hadal aad u wanagsan ayuu afkiisa ka soo baxshay, markii sheekadii oo idil uu wada dheegaystay, wuxuuna dhahay sidan. “Aniga gabadhaas ima rabto waana ogahay inaysan i rabina markan guursanayey ayaan ogaa balse aniga gabadhaas waan fasaxayaa waana u furayaa reerkooda balse hal ayaa aniga igu taagan waana inay gabadhaas uur ii leedahay iyo in kale inaan ogaado hadday ii leedahay iyo haddayn ilahayn waa caadi laba gooraba madaxeeda waan siinaya oo mar an wada hadlaynay waan waydiiyey uur inay ii leedahay balse waa gabadh ee waa iga qarin kartaa, waayo hadday ii sheegto inay uur leedahay inaan furin ayey ka baqaysaa, balse ilma adeerayalow gabadhaas inay leedahay uurka reerkoodu ha soo xaqiijiyaan waan u furayaa gabadha xataa hantiday wadatay kama doonayo waana iga cafis dhamaanba.” Ayuu hadalka ku so koobay waana qaateen taladii odaygii tolkiis waana u cuntantay hadalkaas balse ubadkisii ayeysan u cuntamin oo ka biyadidsanaa balse hadalka abahood ayaa ku noqday seeto aan la dhaafi karin.

Reerki aan ka dhashay waxaa loo shegay fariintii odayga, waxayna dhaheen hagaag waa hadal nin wayn hadalkaas waana soo ogaanaynaa inay gabadhanada uur leedahay iyo in kale, balse taleefoonkii ay igala hadli lahayeen ayaa dansanaa, marka waxay dhaheen si kasto ay ahaataba waanu soo oganaynaa uur inay leedahay iyo in kale tolow aan is cafino dharaartii dhawayd waanu is yara qoonsanay hadalo aan munaasab ahayna waan is dhafsanay ee cafisbaad naga tihiin, ee idinkana na soo cafiya ayey hadalkii ku soo afjarteen.

By: Zubeer Haybe