Hees-hawleedyo

Salsal: Heesta la qaado marki awrta la rarayo
Jawaab: Heesta la qaado marki xoolaha la waraabinayo
Maanyo: Heesta la qaado marki la ugaadhsanayo
Ballad: Heesta la qaado marki xadhkaha la samaysanayo
Foodhi-geeraar: Foodhi iyo hees macaan oo la qaado marki xoolaha la daajinayo
Jiib: Heesta lagu sugo xigta geela
Burur-dhaad: Dhawaaq iyo geeraar isla socda oo ay qaadaan qoladii dagaalka guulaysata
Baroor-diiq: Oohin iyo geeraar isla socda oo ay qaadaan qoladii dagaalka lagaga guulaysto
Xeer-baan: Cod iyo geeraarro la tiriyo habeenkii marka la colaadaysan yahay
Yeedh-yeedh: Heesta loo qaado libaaxa markii la rabo in uu cararo ama agagaarka ka fogaado
Haasaawe: Hees dameeraha loo qaado markii ay raran yihiin