Gabayo shukaansi miyiga

Barnaamijka suugaanta arbacada ee bogga dhugasho, kala soco suugaan murtiyeedda kala duduwan ee soomaalida.

Jacaylka miyiga waa sirta ugu daxaddarka mudan ee la kala qarsado. Haddiise ay suugaan noqoto waxaa dhacda in miyiga dhexdiisa laga helo suugaan shukaansi ah oo loogu talogalay maaweelada cayaareed ee habeenki.

 

Kani waa gabay inoo caddaynaya shukaansi billaw ah, isbarashada ka dib. Waxaa cad in ay mar kulmeen labadan ruux kadibna uu wiilki jacayl u qaaday inanta, is araggi xigayna wuxuu soo bandhigayaa xaaladdii ku abuurantay is araggoodii, wuxuuna codsanayaa in ay is barashada ka oggalaato. Wuxuu yiri:-

Idiley salaaddiyo ka tagay soonki Eebbahaye
Caanaha sacaygiyo ma dhamo suunta xoolaha’e
Sooryadu waxay ii dhadhami sun iyo waabeeye
Surunkaan fadhiistana dhulkaan sadar ka jeexaaye
I salaan suleekhoy qalbigu adi ku soo raacye.

 

Gabaygan soo socda waa gabay dhexmaraya wiil iyo gabadh is yaqaannay, isla soo sheekaystay, balse wiilka ayaa faanaya isaga oo taariikh nolaleedkiisi gabadha wax ka baraya.
Shukaansigu ama miyi ha ka dhaco ama magaalee, wuxuu u badan yahay faan iyo been. Waa tii horay loo yidhi; “Haween beenna waa lagu keenaa, runna waa lagu dhaqaa”. Gabaygan wuxuu ka turjumayaa faanka ay raggu ku geeddi galiyaan sheekada dumarka. Wuxu yiri:-

Waayaan saqiir iyo ahaa sabi caruureede
Waayana saloog baan la jiray sidigti eeraane
Waayana safiinaan lahaa sadarka yaasiine
Waayana sargaal baan ahaa saanad loo qoraye
Waayana sariir baan calfaday suubban gabadheede
Waayana saruuraan watiyo reera sahankoode
Waayana sakhaawaan ahaa sadaqo dhiibkeede
Waxa ’S’du yayn ila sibqine waxaan ku soo seeray
Nin waliba sidaasuu qalbiga siiso leeyahaye
See tahay suldaamoy adduun subaxba waa cayne.

Gabaygan waa gabay ah go’aan guur, wiilki ayaa soo go’aansaday in uu guursado gabadhii uu la soo sheekaysan jiray: wuxu yiri:-

Waxaan soo manaanaday inaan meher ku saaraaye
Intanoo makhraatiyana way ina maqlaysaaye
Inta hadal macaankiisa jiro mayadu waa ceebe
Midigtaada ii dhiib Ilaah meelsan kugu beegye.

http://www.dhugasho.com