Odaygii waxa uu iskugu yeeray dhamaan labadii tol ee kala ah tolkaygii iyo tolkiisi wuxuuna ka hadlay dareenkiisa hadalkana wuxuu u bilaabay sidan. “Aniga nolashayda iyo maalkayga ayaan ku aaminay Xaawo-luul waxaana u arkayey inay tahay gabadh sidaan u aminay una jecladay iigu nuglaanayso oo iska dhaqanayso reerkeeda ballamo badan wan lahayn waxaan xataa u sheegay inan hantidayga oodhan kala soo wareegayo dibada lana imaanayo dalka oo aan gacansi samaysanayo ganacsigaygana aan uga dhigaayo madaxa ugu sareeya balse Xaawo Luul maysan noqon qof saan rabay ii noqoto, mana dhibaayo maanta aniga madaxeedana waan siinayaa, laakiin hanti wax ma ahan waa la helaa dumarna aniga halkaas hayga joogo diyaar uma ihi nolal danbe iyo guurkiisaba Casharkii Xaawo Luul ii dhigtay ayaan ku tusaalo qaatay waxay hanti igala tagtay waxaan u gaday iyo wixii igaga baxayba arooskeeda wayga facis.”
Hadalkii waxaa ku soo dhawaday aabbahay oo aad uga calool xumaday hadalada odaygu ku hadlay iyo rajada fog ee uu kalahaa xaaskiisa. ” Aad ayaad u mahadsantahay marka koobaad waxaad tahay qof aad u wanagsan oo Alle garasho iyo garaadba siiyey, waanku faraxsanahay inaad hantidii oo dhan iga cafiso madaama gabadhayda aadan kaligeed cafin, balse anigaad iga cafisay oo abahaheed ah balse waan isku xaqleenahay aniga iyo adiga gabadhayda si wanagsan kuma aysan galin waana ka xumahay falka ay samaysay balse ilaahay ha garamariyo ishaada iyo nabasigadaba adigana Alle badal wanagsan ha ku siiyo waxaan rajaynaya inaad heli doonto nabsi bax aad u wayn Alle waxaan kaaga baryayaa wixii hanti kaga baxday gabadhayda inaad ka badan hesho adiga iyo anigana aan is cafino waxaa dhacda inaan wax uun qalbiyada iskugu cayno aniga cafis iyo masaamax ayaad iga tahay” intuu dhahay ayuu u istagay oo ka dhunkaday labada dhaban iyo gacmaha dhahayna saamaxnaa odaygiina sidoo kale ayuu dhahay samaxnaa adigana.
Labadii tol oo wada faraxsan oo aad u sheekaysanaayo ayaa halmar ayakuna midba midka kale u cafiyo intuu istagayna ka dalbaday cafis walalkiisa malmaha ay hadalada is daba marsadeen xantuna mayareeno guryaha marka la jogo iyo goobaha shaaha lagu cabo waa lays hadal hayey hadal hayntuna waa qayb xanta ka mid ah, halkii ayuuna odaygii i qabay iyo maqraatiyadii oo maqlayo uu ku dhawaaqay furitaankii Xaawo luul. halkaas waxaan ku noqday garoob uur leh oon uurkiina sheegin. Labadii tol waa is macsalameeyeen waana kala tageen madashiina waxay noqotay madal gabadh lagu furoon ducaysnayn oo mala’igubaha ka carareen.
Xaawo Luul waxay aad ugu sakaraansantahay. Wallacii waxayna noqotay qof aad u sii jilcaayso maalinba maalinta ka danbaysana sii galayso wallac sii xoogaysanaayo waxaana lagu dhahay waxkasta oo ay ku walacdo inay ka hesho, qaxootiga balse waxay go’aansatay wiilkii reerka lahaa iyo xaaskiisina waxay u sheegtay inay rabto inay aado Nairobi oo ay culayska ka qaado reerka, balse waa diideen oo waxay dhaheen waad xanunsanaysa Nairobina cid kama taqaanid ee maxa kaa jira. Dhib managu haysid anaga ee iskala kaana joog oo halkan iskaga umul xataa balse waa ka biya diiday waana arkeen reerkii inay rabto inay tagto waana la qateen go’aankii waxuuna wiilki u soo goyey Tigidhkii waxayna subixii u soo baxday magaalada Nairobi oo aysan cid ka aqoon wiilkii ayaana si wanagsan ugala dardarmay Kandhogtaha (Darawalka Gaariga) una sheegay inaysan gabadha sharci dhamays tiran haysan, oo aysana af aqoon lacagtan yar inuu ku jid mariyo aad ayuuna dardaran adag u siiyey wuxuuna dhahay i soo wac inan Nairobi imado waa suragal waana ku soo raadin waakana lanbarkayga aad ayeyna ugu faraxday soo bixitankeeda nairobi baskiina waa soo dhaqaqay oo cagta soo saray wadadii (Dhabihii) adi lahaa Casimada keenya ee Nairobi…
By: Zubeer Haybe