Xuseen dhiqle

Waxaan maanta soo qaadanaynaa gabaygii Qayb Libaax ee uu mariyey Xuseen Maxamuud Faarax, waa Xuseen-dhiqle.

Xuseen wuxuu isticmaalay sheeko xariir Soomaaliyeed oo ah sidan.  Waxaa la yidhi habar dugaag ayaa hal dilay kolkaa ayey sidii ay u qaybsan lahaayeen isugu yimaadeen.  Libaax oo loo qirsan yahay inuu yahay boqorka duurjoogta ayaa dhurwaa faray inuu isu xilqaamo qaybinta hilibka.  Dhurwaa wuxuu soo jeediyey in libaaxu hasha badh qaato badhna habar dugaag inteeda kale ay ku calyo-qubto.  Libaax arintaa Alle kuma anficin, il iyo ayeydeed ayuuna dhurwaagi rujiyey.  Dhurwaagii oo dhinac isu godaya ayaa safkii habardugaag gadaal u maray.

Libaaxii ayaa miciyo listay.  Ishuu saa ula raacay kolkaa ayuu wuxuu soo qabtay Dawaco.  Ku ye, naa dayooy hilbaha asxaabta u qaybi oo waliba si cadli ku jiro u qaybi.  Soomaalidu waxay sheegtaa in dawacadu sir badan tahay ama dhiifoon tahay.  Dawaco waxay tidhi libaax hasha jeex dhan bal qabo! Intaa markii uu maqlayba libaax baabul ayuu kiciyey, indhihii ayuu galka kasoo saaray, afkiisii labada taako ahaa ayuuna kala dhuftay.  Wuxuu is yidhi waddadii Dhurwaa maray ayey Dawacana ku socotaa.  Ha sakatiyin bay tidhi adeer cag baruurow wali qaybtu way socotaaye.  Badhka soo hadhay laba marka loo qaybiyo nus ku tag oo casho ka dhigo ku te.  Intaa kolkuu maqlayna dibbuu u yara joogsaday.  Wuxuu is yidhi wax yarbay waraabe caqli dhaantaa.  Badhka soo hadhayna adeer cidina kuguma haysato ee berri qureec ka dhigo ayey ku gabagabeysay.  Libaax qosol buu la dhacay wuxuuna Dawaco ugu hanbalyeeyey sida siman ee ay saadka u qaybisay.
·         Qiyaashow libaax baa dhurwaa, qaybi yidhi soore
·         Wuxuu yidhi hilbaha jeex bal qabo, qoon dhan baan nahaye
·         Markaasuu qabbabaalihii, qoonsadoo dilaye

·         Dharbaaxuu il kaga qaadayoo, hoor ka soo qubaye
·         Afqashuushle goortuu dhintuu, sii qataabsadaye
·         Qambaruursi iyo oohin buu, qoon dunuunucaye

·         Dawacuu kolkaa soo qabsaday, sida qisaaseede
·         Iyadoo qadhqadhi buu ilkaha, qoorqabkii xoqaye
·         Wuxuu yidhi qanjaafula xumeey, tali qaddaarkaaga

·         Adeer gacalle qaar iyo dalool, qaaxo iyo feedho
·         Qummud iyo baruuriyo legiyo, qawdhihii kuruska
·         Kuu wada qorsheeyeye Islow, neefka wada qaado

·         Markaasuu wixii qaday qabsaday, qoobab kadafleeye
·         Wax la yidhi qabiil ma leh dayooy, qayliyaha aare
·         Innagoo quruun dhanna maxaa, qado inoo diiday?

·         Qacdii hore haddaan dayey kobtii, weerku sii qulushay
·         Badh baa kuu qisma ah waa wuxuu, eeday qaar yare
·         Aniguna qudhaasaan ahoo, lay qulqulateeye

·         Duqii noo qab weynaa wakaa, qooqa loo dilaye
·         Qaddarkii Illaah iyo Rabbaan, quud ka sugayaaye
·         Qudhaydaan u yaabaye miyaan, idin qasaarteeyey
·         Ma anoon qudraba haynin baa, qamash ka soo waaqsan?

·         Anna qayb libaax weeye taad, igu qasbaysaane
·         Dadka igu qoslaayiyo kobtaan, ka qalbi diidaayo
·         Qadayeey adduunyo uma socon, waad i qaharteene
·         Qadankii dariiqiyo haddaan, qaniimadii waayey
·         Labadii qofee nagaga hadhay, qaafadii dumarka
·         Tii quruxda roonayd hadday Cali, la qooqayso
·         Qudhoo kaliya baa nagu hadhoo, qalabku noo yiile
·         Tana qaata Naadaba rag bay, qaac u shidataaye.