Barnaamijka maanta oo ah suugaantii aad nooga barateen maalinta arbacada, waa qayb xiiso leh oo cusub, oo laga baran karo suugaanta beeraha.
Dadka Soomaaliyeed waxay caan ku yihiin xoolo dhaqasho. Hayeeshee qodaalkana kama taggana. Soomaaliya (koonfurtii hore) waxay caan ku ahayd, haddana ku tahay, beeraha muuska, liinta iyo canbaha. Beerahaasi waa kuwii uu Talyaanigu sameeyey. Kolka la qodayana waxa lagu qodaa qalabyada cusub ee beeraha lagu falo. Dadka Soomaaliyeedse waxay beeran jireen, haddana beertaan, arabikhi (gallay), hadhuudh (masago), qamandi, sarreen iyo sisin. Qalabkay adeegsadaanna waa qalabkii ay carro-edegta madoobi caanka ku ahayd, kuwaasi oo kala ah yaanbo iyo dibi.
Marka hawli loo guntanayo, dadku haba u wada sunnaado, balse dumarka waa loo yara dhimrin jiray, wax xil ahna lagama saari jirin qabashada hawlaha waawayn, sida wax soo saarka iyo waxyaabaha kale ee muruqa u baahan. Ragga ayaa ahaan jiray mid isku xilqaama. Waana kan waxyaabaha inoo haddaynaya.
Ma ku maaweeliyaayoo
Madaddaalo nin weyn iyo
Maad ma ku tiriyaa!
Milaygu waa milaygii
Rag maleeganayoo
Naago mooska hurdeen!
Tixdan soo socota waxay ina baraysaa, in lo’da kaliya ay tahay waxa beeraha lagu qodan karo, ee aysan meesi kale ka suuroobin.
Haleelooyinka geela
Habeen noolba la maalo
Haaneedkaa la baraa
Hablo weynta gabdheedna
Haasaawa la baraayoo
Hoos baa loola hadlaa
Dibigii hooyo wanaagsanna
Harqoodkaa la baraa!
Harqoodku, waa qalabka ay dibidu jiidaan ee dhul-beereedka lagu qodo.
Tani waa duco guud oo loogu ducaysanayo, in wax soo saarku hagaago.
Rabbiyow ha ina heerin
Ha inna hooda xumaynin
Rabiyow hedelkeenna
Hadduudh uudle ka yeel!
Hedel: waa dalag (hadhuudh)
Uud: waa karoor ama waa meesha lagu uruuriyo sabuulka beerta marka la goynayo.
Xigasho: buugga qalabka iyo suugaanta qodaalka