Waxay sooxaadhay ilmaheedii ahaa dheecaankeeda, waxay soo baxday ayadoo aad u xanunsanayso oo dareemayso xanuun badan waxaa lagu soo qaaday gari, waxayna soo adeen ayada iyo gabadhii waday gurigay daganayeen. Waxaa loo goglay meel ay seexato aad ayey u dareemaysaa xanuun, waxay ku jirtaa xanunkii walaca mid ka xanuun badan, waxay kolba qabsataa meel, way oysaa waxayna bilowday shalayto iyo inay nafteeda cananato oo iswaydiiso maxaad ilmaha u soo xaadhay. gabdhihii kale ee ag jogtay ayaa waxay u soo kariyeen Mushali (Boorash) waxay isku dayday inay cabto balse waa awoodi waysay, way hunqaacdaa way dajin waysay cunadi loo keenay, waxayna ku jirtaa nolal xanuun badan dhiig badana waa ka socdaa oo waa dareemaysa, waxay maciin biday oohin, balse gabdhaha ay la joogto oo ahaa kuwii ay qadatay fikirkooda ayaa dhiiri galsha, oo dhaha iskadaa oohinta waa maalmo xanuunkan ma badnee ha walwalin isdaji is adkee maxaa kugu wacan nugaylka walaalo anakaa garabkaga ah ee ha walwalin ayey dhahaan oo ugu dhisaan niyada.
Odaygii waxay nolashiisa siigashay xanuun aad u tiro badan, aad ayaa looga dayriyey xaalkiisa caafimaad waxaana tolku malin kasta booqdaa xaalka odayga, waa qof aamusan oon hadlaynin dhamaan ilmihiisa waxay dul fadhiyaan odayga, xalkiisana waaxay u arkeen inuu sii xumanayo waxay ka codsadeen in loo kaxeeyo dibada si uu u helo dhakhtar ka wanaagsan midkan balse waa diiday odaygii wuxuuna dhahay hadaan dhiman halkan aan ku dhinto oo xabashaydu ha noqoto ciidayda hooyo waana ka dhadhicin waayeen dhamaan reerki inay kexeeyaan odayga rajadiisiba waa mid dhimatay xanuun aan gabadha ahayna mahayo ayey dhamana tolku hadal hayaan.
Waxaa Xaawo-Luul ku dhacay xanuun aad u badan waxay gashay nolal aysan marnaba ku fikirin inay gali doonan xanuun habeen soo jeed waxana mararka qaar loo qabanaya sidii foosha oo kale way oysaa cuno ma cunto waa shalaytootaa waxay eed dusha kaga tuurta gabdhohii oo dhahda wad i hoojiseen waxaad iga soo xadheen ilmahaygii waxaad iigu rideen cadho rabbi waxaan noqday qof danbiila ah waan arkaa waala i ciqabayaa waana layga jarayaa xanuunkan dhibka aan u marayo waa gafkaan galay Alla hadan warkiina didi lahaa maanta matana i qabsan lahayd aniga ilmahayga inan xaaro ma jeclayn ee waad iga aqli badiseen waadna iga tan badateen balse Ilahay ayaan caafimaad waydisanaya waan dhiman rabaa ayaan umalayne Allow caafimaad i sii oo iga cafi danbigaan galay, Alla maxaan reerkayga iskaga dumiyey, Alla maxan noolashan ku jiray iskaga haysan waayey, ayey ku qarowdaa xanuunka oo ka tanbadan awadiis.
Muddo Isbuuc ah ayey xanunkaas ku jirtay, balse Alle markii danbe waa ka siidayey waxayna gashay hurdo isdaba joog ah oo aysanba xataa ka dhargaynin taa soo ugu wacnayd habeenada badan iyo xanuunka jidhkeeda dashaday ee hayey oo ka tanbatay waxayna gabdhihii u tashteen inay ka xadaan lacagta iyo dahabka waxayna taladii gabdhaha ku so gosteen inay haday sidaas sameyaan ay tahay inay uga guranba qolka ay dagan yihiin si aysanba isku arkin mardanbe waana sameyeen waxayna furten boorsadii Xaawo-Luul waxayna kala baxeen lacagtii oodhan iyo Dahabkii waxaan ka ahayn hal sad oo markaa Xaawo Luul ay qabtay markaas waxayna markiiba u faarujiyeen gurigii ayakoo u anbabaxay xafadda islii un qayb kamid ah kana kiraystay qolkale xaawana wali waa ay jiftaa oo ma soo kicin…
Holkaas haynoo joogto sheekadeenii lamagac baxday Guursadayee maxaad Uurka u xaartay. Lasoco qaybta 27-aad habada maxaad dareemaysa aqriste maxad iswaydinaysaa.
By Zubeer Haybe.