Adkaysiga geela

Sababta ugu weyn ee geela lagu jecel yahay, shaki wuxuusan ku jirin, inuu yahay adkeysiga uu u leeyahay duruufaha adag ee jiilaalku keeno.
Maxamuud Cali Beenaley
Wuxuu ahaa gabyaa caan ah, oo noolaa xilligii daraawiishta. Gabyaagan wuxuu iskaga matalay geela iyo maroodiga xagga adkeysiga, gabay uu arrinkaas kaga warramayo wuxuu ku yiri:-
Milicdiyo abaartii markay murugtay jiilaalka,
Markii adhi mashquulkiyo ahaa mood iyo doonka,
Ee Lo’i malkada daadsanayd loona muhan waayay
Waa kii madoobow ratigu Mudha ku qooqnaaye,
Waa tuu markaha buuxin jirey may-caskuu dhalaye,
Maroodiga cagaha weyn leh yey mili wadaagaane,
Waxaan kugu maseeyaa ma jiro malaha geelow e.

Daahir Cali Nuur
Gabyaa noolaa xilligii daraawiishta ka dib, oo la odhan jiray Daahir Cali Nuur, ayaa isaguna geela maroodi ku matalay xagga adkaysigiisa nolaleed. Wuxuuna yidhi:-

Waxa malasku ii saran yahay sidigta may liige
Iyadaan majiiraha dambiyo maali laba jeere
Iyadaan maliidnayn markay maqashu nuugtaaye
Iyadaa marguuf ii dhashiyo magasyo waawayne
Iyadaa maroodiga sidiis maalmo ii qadiye
Iyadaa ninkuu mawdku maro lagu marreeyaaye
Iyadaa mud wayn laga cunaa miidda kuruskaaye
Maygaagga goortay cuntiyo midhaha laalkiisa
Iyadaan maloogay ogayn murug abaaraade
Iyadaan makaankiyo ilmaha meel xun ii marine
Inay madhato mooyeen intuu aadamuhu maali
Wallee anu qalbiga meelo kale uma madduuseeyo.
Maxamuud Cali iyo Daahir Caliba Alle ha u naxariistee, waxay ahaayeen ragga gabayadooda loogu jecel yahay marka loo eeggo xagga miyiga iyo magaaladaba, waa laba gabyaa oo murtidooda laga maqlo geedaha ama shirarka bulshada dhexdooda, waxayna caan ku ahaayeen labadoodaba dhanka geel amaanka.