Xaawo-Luul waxay soo kacday dhamaan gurigoo wax yaalo anan jirin waxaan ka ahayn boorsadeeda, sariirta, dahyo markas ku xirna guriga iyo shamac xataa ma yaalaan weelal quman, oo awalba maysan gabdhuhu ahayn kuwo sidaas wax u karsado, waxay ahayeen gabdho iskaabulo ah oo hotelada Xafadda Islii wax ka cuno. Waxay garan waysay intay jiftay waxa reerka sidan u gartay way fikirtay, “Oo maxaa dhacay maysan joogin miyaa tuuga reerkan sidan u dhanaystay may qabtaan, oo xiraan!, mise aniga maxaa igu dhacay waxan oo hurdo waynan ah maxay ahayd! maxaan shanqarta ugu kici wayey!.” waxay nafteeda cananatoba waxay damacday inay wacdo gabdhaha mid ka mid ah, balse lanbarkiiba waa dansan yahay waxay iska joogto cabaarba waxaa la garay casarkii wax ilaa hada u soo socdo malahan wax ay cunto ma haysato waa gajoonaysaa, waxay wali yaratahay dhaawac oo xanunkii kama aysan bogsoon waxay samayso ayey garan ladahay, Alla maxaan sameeyaa mana aqan magaalada waana gaajaysanaahay xageen wax ka billabaa ayadoon wax cunin ayey habeenkii seexatay balse ilaa iyo hada waxay tabtay aysan jirin.
Waxay u naxsantahay gabdhihii oo ay tabaysa waxa cawa u soo dheelmanayaan, All maxaa ku dhacay, Alla Ilaahow xafid ayey ugu ducaynaysay xaalay oo dhan. waagu markuu baryey ayey qabaysatay oo isdaahirisay waxayna damacday inay dharkeedii xirato balse markii dharkeedi xiranaysay ayey waxay waysay dahabkeedi iyo lacagtii oo dharka ugu dhaxjiray. Waxayna xiligii bilowday baroor iyo oohin, “Alla tol ma haystooy xagay adeen Naagihii, way i dhaceen intaan xanunsanaa, ayey iga faa’iidaysteen, Alla waxaan soo cararaba ma sidan baa ii danbaysay, xageen hada wax kabilaabaa, magalada xataa ma aqaan maxaan sameeyaa, Alla hooyo macaney yaa ii kiin keena, nolashan bilowgeedaba wada murugta iyo dhibka ah een dhaxgalay maxay ahayd! Alla Ilahow i cafi, waxan maxay iigu dhacayaan.” Waxay garaacday lanbarkii gabdhihii balse waa dansanyahay oo ma dhacaayo wax aysamayso waa garan waysay, talo ayaana ku cadatay “Nin qoyan biyo iskama dhowree” waxay isku dayday inay waxay cunto raadsato, balse nafteda hadana u jawabtoo dhahday, “Oo seed ku helaysaa waxaad cunto! lacagba mahaysatidee”, “Alla wa run maxaan sameyaa!, waxan wax ku gato mahaysto xataa qofaan wax ka amaahdo ma haysto magaladuna wa magalo wayn, cidna kama aqan gabdhihii hoteelka iga soo qaadayna waa kuwa sidan ii galay, Alla maxaan galabsaday!.
Waxaan u soo dagay hoos, oo waxan ka soo dagay dabaqa. intaan soo dagayey jaranjarada way i dhibaysay oo waan wareerayey, gaajo iyo xanuun iga hayo dhanka ubucda, Alla maxaan anigu nolashan u haystay mid ii ah hormar, balse waan hayaa maanta waxay tahayba!. Waxan u soo baxay bananka dad badan ayaa bananka wadada ah ee dabaqa hoos marta socda, cid aan garto malahan, indhaha ayaa kolba caad iga fulayaa, oo waan wareeraya Alla wax I garta dhibkayga ma lahan miyaana! Allahayow sidan si iigu doori! ayaan hoosta ka leeyahay, wallee meelan cidi kaa aqoon cidi kulama hadasho, waxaan sameeyo ma garanayo! hadan qof la hadli lahaa, maxan ku oran kara? waxan u shegodadka wanba garan lahay. Nasiib wanag, gabadh adeeg wadata ayaa igu soo leexatay oo isalantay, wanka qaaday ka dibna waxaan uga sheekeyey waxa igu dhacay, inkastoo ana uga shekaynin ilmahan xaqay, ninkan ka soo cararay, balse waxan u sheegay inay gabdhahan qolka isla daganay iga dhaceen dahab iyo lacag, xataa lacag an wax ku cuno ma haysan, balse gabadhii ayaa ii naxday oo i keentay gurigeeda oo ahaa Dabaqan daganahay guri ka mid ah.
Waxay I siisay cuno fudud, waxayna ii soo dhawaysay si naxariis ku ladhan tahay, waxay ii sheegtay inay ayada iyo labo ciyaal ah ku noolyihiin guriga, oo aan iskala joogi karo, hadan cid ka aqoon magalada, waxay kaloo ii sheegtay in ninkeedu ku maqan yahay Maraykan, ninkana yahay mid la siyey oo waalid keed u garteen, balse maanta ay ka mahad sheeganayso sida uu u dhaqanayo. markaas ayaan ilmeeyey oo soo xasuustay, waxaan aniga ka soo dhax baxy iyo halkan taaganahay saaka! inan gabadh qayrkay ah wax la cunayo, oo gurigeeda igu soo dhawaysay “Nin adduunka joogoow maxaa aragti ku laaban” waan dhargay waxayna i seexisay qol ay ii gogshay intanan seexan, ayaan u shegay inan dharkayga ka soo qadanayo gurigaan xalay baryey ee laygu dhacay, waan soo baxay markaan qolka imid ayaan meelkasta wax ka fiirshay wax cadayn ah oon gabdhaha ku raadin karo, balse waan waayey gabadha mar an waydiyeyna waxay ii sheegtay inaysan gabdhaha garanaynin oo dad badan daganyihiin guriga laysmana garan karo dadka badankiina iskumaba wareego.
Anigoo guriga ka soo baxay, ayaa waxaa soo dhacay telafoonkayga, waan qabtay mise codka ila hadlayo waa hoyaday! Alla hooyo wanaagsana markaad murugsantahay waa wahelkaga koowaad, ee kula wadagayo murugta, waxay i dhahday sidan “Hooyo gabadhaydiyey iiwaran xaladahaga waa sideena, maxaa kugu dhacayna Talefonkaga waansoo wacay mana daarnayn maad xanunsatay.” Markaas waxaan u sheegaan garan wayey aniga dhan ayaa ilmo isku celin wayey hooyadayna uma sheegi kari inan ilmihii xalasha ahaa xaadhay, balse waxan u shegay inan yara xanunsaday hadana wanagsanahay, waxaan kaloo waydiyey xalada reer iyo dhamaan qaraabada.” Balse intaysan iiga sheekaynin xaladaha reeka “Ayey halmar i dhahday hooyo Alle ha u maxariisto odaygii ku guursaday ee lagaa furay hooyo shalay galab ayuu dhintay! Alle ha u naxariisto sidaad uga tagtayba waxuu ahaa bukaan socod dhakhtar kastana waa la geeyey, balse ma bogsoon oo tiisi ayaa dhamatay, marka hooyo iska soo cafi hadii aad wax ka tabanayso dhaman reerkisina wan u tagnay geeridana wanka qaybqadanay tolkana waa la murgaya geerida xididkeenii hore.”…
By Zubeer Haybe.