Qaabka nolasha

portrait of a baby (12-18 months) crawling

 

Qabbaan = midiidan
Maqoorad = maamul

Nolasha dhan ee ku soo martaa waa uun labo nooc;

Mar aad nolasha qabbaan u tahay, oo ay iyadu ku maamulayso iyo
Mar aad adigu maqooradayso ama maamule u tahay.

Nolasha mar waa in aad qabbaan u ahaataa, iyada oo ay habboon tahay in ay dhallinyaranimadu qayb ka qaadato xilligan hab-barashada ah ama qabbaanta ah ee ay nolashu kugu hoggaaminayso.

Waxaan ku tusaalaynaynaa Sayid maxamed cabdille xasan, oo ka baqaya in ilma kiisa ah uu ku guuldaraysto qabbaan barashada farasamada nolaleed, hadhawtana uu ilmahaasi noqdo mid ka dhacsan qaab-nolaleedka dhan, waana marka uu gabadhiisa yar ku leeyahay;

“Qabbaan iyo farsama baro
Yaadan qiima beeline”

wuxuu ilmihiisa barayaa in uu farsamada nolasha wax ka barto inta ay goori goor tahay. maxaayeelay, ruuxa aan farsamada nolaleed isagoon ka bogan sidaa ku waynaada wuxuu bulshada ka dhex mutaa naanayso bahdili kara, sida;

Basari: naag aan basar aqoon
hannaad: nin aan basar aqoon
Dhaandhaan: Ruux aan habaysnayn
Humbanni Iyo waxyaabo la mid ah, oo la kala badsado inta ay nolashu ku qabbaansanayso.

Farsamooyinka nolaleed ciddi si wanaagsan uga faa’idaysata inta la soo korayo, waxaa laga dhaxlaa naanayso wanwanaagsan sida:

Ruuxa dumarka ah

Gaari; naag wax qabadkeeda loo bogo
Asiili; Naag qaabkeeda loo bogo
Biid; naag nadaafaddeeda loo bogo IWM.

Ragga

Biid; nin nadaafaddiisa loo bogo
Dhamme; nin wax qabadkiisa loo bogo

 

Si kastaba ha ahaatee, calaamadahan la isku naanaysayo ee badhna wanaagsan badhna xun xun, waa calaamado la xidhiidha qofka;

-Hubqaadkiisa
-Hu’qaadkiisa
-Wax ka qabadka jidhkiisa
-Wax qabadkiisa
-Qaabkiisa guud IWM.

Intaa wixi ka dambeeya, kadib ruuxu wuxuu u gudbayaa ayniga maqooradka nolasha, isagaana markaas nolasha maamulaya, waana ayniga la kala ogaanayo in uu qofku yahay;

Gaari ama humbanni
Dhamme ama hannaad
Biid ama basari IWM. Iyada oo loo eegayo hab-barashadii hore ee uu qofku kala soo gudbay inti ay nolashu qabbaansanaysay.

Q/ Af-guun