GEERAAR-GALBEEDIN

Waa heesaha carruurta lagu maaweeliyo oo noocyo badan ka kooban, sida; kuwo lagu aamusiiyo, kuwo lagu seexiyo, kuwo loogu duceeyo, kuwo lagu maaweeliyo, kuwo maskaxdooda lagu kobciyo, kuwo lagu dhiirrigaliyo, kuwo lagu af baro IWM. Way badan yihiin heesaha dhallaanka, waxaana loo qaadaa ilmuhu markuu dhasho illaa iyo intuu ka socod baranayo heesahaas waa loo wadayaa, iyaga oo loogu kala badbadalayo hadba heerka uu imuhu joogo. Markuu caga-bidhlaynayo wuxuu leeyahay luuq gaar ah, markuu fadhi baradka yahay mid gaar ah, markuu gurguuranayo mid gaar ah, markuu socod baradka yahay mid gaar ah, halkaas ayaa badanaa loogu joojiyaa, ilma kale oo dhashay haddu Alle ugu talagalo dartiisa

 

Ducada

War gaboobe, guyaal giroowa
Guyaal jiroowa, gadhwayni ka soo baxyoowa
Ka soo baxyoowa, hooyo garta garta u gabangaabsadoowa
Gabangaabsadoowa, hooyo guddiga geedkaw tagoowa
Hobey hoobeeyaa, hoyo guntane gaaroodiyoobaa
Gaaroodiyoowaa, hooyo guntane gobeysanoowaa.
,
Hobey hobeeyaa, hoyo hawaayin ha waalaloobin
Ha waalaloobin, hooyo ha waayin walaalo dhawra
Walaalo dhawra, hooyo hawaayin wardheerow aabbe
War dheerow aabbe, hoyo ha waayin wax siiso hooyo.
,
Hobey hobeeyaa, hoyo halkaad ka calaacalayso
Ka calaacalayso, hoyo halkaad cabashada ka sheegan
Cabashada ka sheegan, hoyo mawluhu ha kuu malmaaliyo
Malmaaliyoo, hoyo lagaa mari gacan malayko
Malayko, hoyo lagaa mari sacabka maxamed (scw).
,

Hobey hobeeya, hoyo hobeeya hobey hobeeyaa
Calow caloowaa, hooya cawada loo kaydiyoowa
Loo kaydiyoowaa, hoya hobeeya hobey hobeeyaa

Hobey hobeeyaa, hooya bilow barya kugu badhaadhay
Kugu badhaadhay, hoyo bilow badda ila dhex maaxday.
,
Ardooya ardooyaa,
Ardoy indhahaygiyeeyaa,
Ardooy adhaxdaydiyeeyaa,
Ardooy inantaydiyeeyaa
Ardaa caana leh degtooyaa
Ardooy aroos khayr leh gashooyaa
Ardoy ubad qooqisooyaa
Ugaasyo sambaaratooyaa
Ifkana laga naadiyeeyaa
Albaabka jannada gashooyaa.

 

 

 

 

 

Kuwa ammaanta ah

Hobey hobeeyaa, hobeeya hobeey hobeeyaa
Arbow arboowaa, Arbow inankaygiyoowaa
Arbow ubax nuurayoowaa, arbowa arboowaa
Ab iyo aabbaba samoowaa
Adeer iyo abti fiicanoowaa
Umiyo ayey wanaagsanoowaa
Arbow ehel toosanoowaa.
,
Samoowa samow samoowa
Samow sarar iyo lagoowaa
Sakaar iyo maydhaqoowaa
Sadkuu Alle keenayoowaa
Sadriga ii qaboojiyoowaa
Sareedo ii dhalatayoowaa

 

Qaybta lagu seexiyo

Hobeeyaa, hobey hobeeyaa

 

hoobey hoobeeyaa, hooyo maxaad waydoo la waalan
Waydood la waalan, hooyo maxaad waynaade dooni
Waydaane dooni, hooyo miyaad gaajootay gacalle
Gaajootay gacalle, hooyo ma naaski baa gabnoobay
Gabnoobay, hooyo ma geeli baa arooray
Arooroo, hooyo Alan ku raagay.

Qaybaha kale ee geeraar-galbeedinta, waxaan idam Alle ku soo qaadan doonaa barnaamijyada arbacada ee suugaanta loogu talagalay, waxaanad kala socotaan boggan dhugasho.