Aad ayaan u naxay geerida ku timaaday odaygaygii hore, waxaana dareemay cabsi aad u wayn waxaan xasuustay wanaaguu ii galay iyo nolashaan ku jiro maanta, Alla maxay taasu tahay Kaaf iyo kala dheeri. Waxaan cabaar ooyo oon ilaa tin iyo cidhib’ba ka dhidido, waxaan iskaga soo baxay gurigii intaan ilmadi iska maydhay, oon is dhahay yeysan ku garanin gabadha ku caawinaysa murugta kaa muuqata. Ma seexan kari, waxaan sameeyo ma aqaan. waxaan markasta soo xasuustaa wanaagii iyo kalsoonidii uu i siiyey odaygayga, wlhy waxaan ka fikiray, waxa aan nabsi gurtay, ee bilowgisii aan maanta ku dhax jiro, waan oyaa mar kasta, waxaan cuno waa wax iska yar oon badnayn, gabadhii way ila yabaysaa cuno xumadayda, balse ma ogo umuuraha naftayda ku dagaalamaayo iyo xaladahayga siday yihiin, balse waxaan naftayda ku dhirigaliyaa inay ka baxayso nolashan oo ay adkaysato.
Waxaan maalmo badan iska joogay gurigii gabadha, waxaana noqday qof amusan, oo sii murgayo, waxaan wax ku gato mahaysto xataa lacag aan hal xaboo xanuun baabi’iye ku iibsado mahaysto, waan fikiray waxaan sameeyo ma aqaan waxaan ka codsaday gabadhii inay shaqo ii soo raadiso oo aan ka shaqayo. waxaan dhahay waligaa kuma cuslayn kari, marka waa inaan shaqo raadsada ee igu caawi, adigaa garanayo shaqooyinka aanka shaqayn karee, kuwaan hagaagi karin oo waxa lagu xujaynaya inaad taqaan afka dalka Kenya, balse, shaqooyin kale ayaan ka codsaday, waxayna markii danbe ii soo heshay shaqo Jaariyad (Bo’iso ama Adeegto ah), waxaay i dhahday dabaqan ayaan kaga soo helay inaad guriga ka shaqayso ood cunada u kariso ee ma tahay diyaar, waayahay ayaan dhahay, waxaan bilaabay shaqadii waxaan habeenkii seexdaa qolka ciyaalka, waxaa guriga aanka shaqaynayo dagan 9 ciyaal ah, hoyadodd, abahood iyo 5 wiil oo qarabada labada isqabta ka kala socda. waxaan subixii labada aadaan dhaxdooda u kallahaa canjeero dubow, waxaan dubaa intaas oo qof waxay cuni lahayeen oodhan, markan sida canjeerada u dhameeyo waxaan saraa qadada kadibna ciyaalka ayaan ugu guraa weelal yaryar oo schoolka loogu gaynayo, waxaan u qaybshaa dhamaan xafadda qadada aniga waan is ilawaa inanba katirsanahay cunada wayga go’daa oo waxaan ku seexdaa mararka qaar gaajo.
Waxaa habeenada qaar dhacda inan daal la seexan waayo, oon aniga dhan oohin ku jiro islaanta guriga iska leh ma ahan islaan hada macaan, waa kulushahay inta qof ibni’adan ah kululyahay, waxay igu dhigtaa hadalo aad u xanun kulul way i caydaa anoo shaqadeeda hayo, waxaan shaqadayda ahayn ayey ii dirtaa oo malmaha axada ah waxa xaafadda ka maqan naagta adoomayda ah ee u tirtirta dhaman guryaha, weelashana u dhaqda, balse malinkaas anigaa tiraya dhamaan guryaha, dhaqayana weelasha, hadana waxaa layga rabaa inaan saddexda wakhti wax kariyo. Run ahantii waxaan noqday qof iska socda oon awood wayn lahayn, waan wareeraa mararka qaar markaas ayaan darbiga qabsadaa, waxaan ugu xisho malahan shaqadan lacagta aan ka qaato waa 100$ dolar waxaana ku jiraa dab aanan haysan wax wehel ah oo iga caawiya, habeenku wuxuu ii galaa anigoo oynayo, waaguna wuxuu i baryaa anoo shaqaynayo, Alla nolashu waxay ii tahay mid dhib uun ku jiro!. Waxaan ahay wali qof ka bisil uur ku jirta, oo waxaa i xanuuna ubucda dhabarka iyo dhaman xubnaha daalka badan, murugada iyo shaqadan aan ku jiro awgeed. Alla nolasha qaar markaad haysato waxaa ku qabanayso maxaad uga soo dhax baxday.
Maalin maalmaha ka mid anigoo shaqadayda iska haysta oon cid wax ku darsan ayaa waxaa isoo galay wiil kamid ah wiilasha reerka, aadna iskuma naqano, balse wuxu inbadan ii shekeyaba markii danbe, wuxuu isku dayey inuu naftayda wax ka soo raadsado, oo wuxu iskudayey inuu xoog wax iga qaato, aniga waan ogahay tabartayda, waan iska celiyey xoogaa balse waa qof ay wax wadaan, oo waxa aan ku dhufanaayo ee feerka iyo dharbaaxshada ah wax kama tarayaan ee waxaan markii danbe maciin biday dhawaaq, waxaana soo baxay naagtii adoonta ahayd iyo ciyaalki yaryara waana iga fuqay markii, balse aniga waxaan go’aansaday inaan u sheego gabadha iska leh guriga, waana u shegay, balse waxay iigu jawabtay hadal aanan ka filanaynin, oo waxay idhahday “Naaya waxaad tahay adeegtada guriga wiilka aad ka dacwoona waa waalkay ee dhagahaga fur markuu adiga nafkaa dayaayo ma naag ayuu wayey, xumaantaad wadato hanala soo galin wilkanagana hanaga ceebaysan ee waxaad tahay Jaariyad ku ekow jariyadada hadii kale orad oo naga tag fataaladyahay la soo diray ee isla wareegta ah, wixii ciidina kaa soo wadad qabtaaye.” Waan arkay mowqifka nagtii waana iskaga soo tagay waxaana aaday gurigii gabadhii i soo keentay shaqadan, waxaana uga sheekeyey dhibkii i haystay mudadii bilaha ahayd eenka shaqaynayey guriga wayska oysay maxad igu sheegi waysay wanka soo kaxayn lahaaye, balse, waxaan u sheegay inan jeclayn inan ayada dhibo markii an sidaas ku dhahay ayeyba sii oyday oo i dhahday aniga ima dhibaysid walashay ayaad tahay guriga ku nolow sidaad rabto u maamul qolkagana aniga ku hagaajin xataa ee walashay ayaad tahay xumaan cidkugu samaynaysa ha u shaqayn ee gurgigaga ku naso.
By Zubeer Haybe.