Raganimada maanta Q-1

 

Halkan waxaan ku soo bandhigayna riwaayad ka dhacday tuulo la magac baxday Gar-u-Joog. Haddaba tuulada Gar-u-Joog waxaa aasaaskeeda lahaa oday la yidhaahdo Safar-Maal oo eeggana ah duqa tuulada, bakhaar weyna ku haysta. Haddaba maxaa tuulada garta ku saliday? Waxaa ku saliday, Beri uu Safar-Maal meesha degay ayuu ceel aad u biyo macaan ka qotay. Sidaasaana lagula soo degay. Hayeeshee, markay dadkii kale ceelal ka garab qota is yidhaaheen, raran iyo boodh mooyaane, waxba way ka gaadhi waayeen. Illeen meesha il biyo ah baa mari jirteyoo, ishiina Safar-Maal baa qotay. Dabeed markay dadku bateen ayay qasab noqotay in ceelka safar-maal saf loo galo, illeen magaalo degtay ma guuri kartee. Haddaba ninka magaalada kala horaya waa kuma? Dee waa Safar-Maal oo ceelka qoday. Bal haddaba intaynu riwaayadda furka ka goyno, ceelka safka dheer loogu jiro aanu soo daawanno:

macyada jilayaasha

1. Safar-maal
2. Qalbi-bigays
3. Kaba-tuur
4. Kildhi jabiso
5. Xoolo baas wade
6. Kayma jiidh
7. Ina wadhaf lule
8. Saw sawle
9. Dhag-faruur
10. Biidaar-feedh
11. Ina luudiye
12. Af-qabaal
13. Ina atoor
14. Shankaroon
15. Ban-wareershe

 

1.
KT: Dhaw, dhaw. War Qalbi-Bigeys ma jooga? Waar Qalbi-Bigeys maqaaxida ma jooga? Waryaa Qalbi Bigeysow.

QB: Waar waan jooga ee waa kuma?

KT: Waar waa Kaba-Tuur ee soo bax.

QB: Waar maxaa dhacay ee aad la kaba la’dahay?

KT: Waar ceelkii magaalada war miyaad u haysa?

QB: War kale ma hayee. Maqaaxidii Cirrid-ku-Daaq mar aan saaka ku jabbanaynayey, ceelku waa gabaabsi baan maqlayeye. Bal ii warran, adigu?

KT: Waar gabaabsigii wax ka darran baa dhacay.

QB: Oo maxay ah?

KT: Horta booyaddii dadka tuulada wixii jeebka buuraani dhaansan jirey meel dhexay ku jabtay.

QB: Oo darawalkee waday?

KT: Waar Kayma-Jiidh baa waday baa la lahaaye, waxbase ka dan maahee. Magaaladii oo dhammi maanta ceelkii yaraa bay isugu wada tegtay.

QB: Oo miyuu wada gaadhi karaa?

KT: Maya haddaad aragto fajac baad u dhimanaysa. Oo safkii ceelka ka soo billaabmay ayaa intuu tuuladii ka dhex baxay ilaa beertii Ina-Wadhaf-Lule cabbaar kor u dhaafay. Magaaladuna sida ay tahay, labay u kala xidhan tahay.

QB: Oo ma doox baa soo rogmaday?

KT: Waa maxay dooxa iyo waxaad sheegaysa? Mayee weelkii harraadnaa baa dhinaca isku wada hayo oo, qof ka tallaabi karaana ma jiro.

QB. Oo maxaa looga tallaabaynin?

KT: Waar muxuu leeyahay? Dee baaldiga aad iska riix is tidhaahdaba, qofkii lahaa baa budh ku saaraya.

QB: Waar tan oo kale hore inoo may soo marine. Maxaa hadda talo ah?

KT: Dee talo waa waxaan kuugu imid oo gurmad baynu gelayna. Rag kalena waanu kala dirray, waxaana laysugu wada tegaya duqii tuulada ee Safar-Maal gurigiisii ee ina mari.

QB: Waayahaye, ina dhaqaaji. Laakiin odayga gurigiisu safka xidhan ee aad sheegaysid wuu ka shisheeyaaye, xaggee baa laga maraya?

KT: Waar ina mari, kol aynu ka sii boodboodnana, si uun baynu yeeliye.

 

 

 

 

2.
KJ: Waarya Dheg-Faruur, Waarya Dheg-Faruur, maxaad baaldigeyga iga riixaysa? Anaa kaa soo horreeyeye.

DhF: Naa naga daa qayladaada. Caagadaha dadku dhaansanayo laguuma dirine.

KJ: Yaa? Ma sidaas aad la timid? Aabbahay dabadii baan dhashay, haddaad maanta hortay dhaansato.

DhF: Naa, ama aabbahaa hortii dhalo ama dabdii dhalo oo, haddaad caagaddayda far saarto maanta laxooxdii aad ku hadhi maysay ayaad soo rogi, baan ku idhi.

KJ: Oo naagnimadaad igu aragtay sow ma aha?

DhF: Adba naag waad ka baqan lahayde. Inaad rag isku disho ayaad Dheg-Faruur ugu soo ciddiya dheertahay, sow ma aha?

KJ: Sug, sug. Haddaan mid ku garaaca kuu keeni waayo anaan Kildhi-Jebis ahayne.

Dhegeysta. Dhegaysta. May maqlaysaan?

Wadajir: Haah

Ban-Wareershe wuxuu idiin yidhi: Ninka safka qalloociyaa iyo qofka dhexda ka soo gala toona tiix biyo ah maanta loogu dhibcin maayo.

Wadajir: Waayahay.

KJ: War waxaad ku tidhaahdaa, mid aanu nin iyo naag u kala garan weynay oo Dheg-Faruur layidhaahdo baa dumarkii u wada xoog sheegtaye, intuu nagu dhex jiro biyo heli maynee. Dumarkii malkhabadi kuma yeedhe e, kaalaya si uun naga dhaha.