Gabaygii Ismaaciil Mire
Barnaamijki suugaanta ee arbacadi inaga baaqday, raallina ka ahaada cilladaha soo noqnoqday, ka bogasha wacan.
• Isma oga Ismiir iyo ninkii, ayro foofsadaye
• Isma oga arbaha weerka iyo, adhiga goosmaaye
• Isma oga waraabaha amliyo, awr la laayacaye
• Isma oga atoor qadow bartiyo, uubta loo qodaye
• Isma oga nin urugaysan iyo, iilka kii dhigaye
• Isma oga dhillida uunsatiyo, awga taa’ibiye
• Isma oga aqoon xume dhergiyo, Meleg Arsaa’iile
• Isma oga agoon iyo ninkii, aabaheed dilaye
• Isma oga askari qooqan iyo, nimaan afbuux siine
• Isma oga abeer qalableh iyo, inanka doonaaye
• Isma oga ugaadh iyo libaax, adamiyaystaaye
• Waxba gabaygu yuu ila ordine, waxaan ku soo ooday
• La illow nin Aakhiro tegoo, iilka hoos maraye