Q: 7aad ee ruwaayadii qosolka iyo murtida badnayd

 

Waa barnaamijkeenii isniinta inoo socday een ku soo qaadanaynay dhaqanka bulshada eed kala socoteen boggan dhugasho, akhris wacan akhyaarey.

 

Xoolo Baas Wade: Waaryaadha ragga shaqaynayow, ninowna hadhow ‘layma sheegin’ ha odhanine, maqla: Qof walowba qalabkaad ku shaqaynayso wixii jaba waa dushaada.

Shaqaale: Heey.. oo sidaasi waa qasaarahaagii u shaqeeye.

Xoolo Baas Wade: Waar hadal badan looma baahanee, ninka aan sida ku geleynow, albaabku wuu kuu furan yahay.

Dhag Faruur: Waryaa Xoolo-Baas-Wade, anakuna habeen iyo dharaar waxaanu nidhaahnaa: Waar ninka saaxiibkeena odayga Safar-Maal ee cadibay aynu waddo ka marinno. Adiguna maalintii keli ahaydee aad dufan yar heshay, ayaa intaad bahdiinii oo dhan saq dhexe u wada guurguuratay shaqadan wada qortay, sow maaha?

Xoolo Baas Wade: Waar u kaadiya, arrintu sidaa maahee.

Dhag Faruur: Waar u kaadin maynee, ma indhahaad na qabanaysa? Miyaanu odaygii adeerkaa ee Ina-Awr-Liqe kaa sibidhka qooshaya ahayn? Miyaanu kan jaajuurka la ordaayana Shaydaan-Xabeebshe oo ina- adeerkaaya ahayn?! Kaa iska seexday ee majarafadda barkadayna, miyaanu eeddadaa Ina-Buur-ka-Yeedh inankeedii ahayn?! Xitaa wax kale daayoo, Ina-Wadhaf-Lulihii beerta dhex joogay ayaad farriin u dirtayood ku tidhi: Kaalay oo tolkeen wuu dhergaye, dhinacaaga ka gal, sow maaha?!
Waxaan ku leeyahay: Haddaad shaqaalaha kala badh oo badh imikada yar eryi weydo ood annaka nagu beddeli weydo, qoys dambe oo reerihiina ah oo tuuladan deggan dib loo arki maayo. Hay’addana imekadaasaanu macal qalabkeeda ku jejebinaynaa.

Xoolo Baas Wade: Waad iska hadlaysaaye, haddaad shaqada iga carsha-carshayso labadeenaad isku keen waddaa.

Dhag Faruur: Waddaayaa… oo yaa kaa feedha yar-yar? Waaryaa Qalbi-Bigeys

Qalbi Bigays: Hee.

Dhag Faruur: Waan dagaalamayaayoo, cadkeenaan inoo ridayaaye. Ninkii far i saara shantaba saar.

Safar Maal: Sug, sug, adeer Dheg-Faruurow, aan ku soo gaadhee.

Dhag Faruur: Ee kaalay, nagala hadal waxan gaajada ahee shaqada yar uu helay tolkii sida qudhaanjada ku soo wada uruuriyey, haddii kale waan ku qasaartoobi doona.

Safar Maal: Adeer, bal horta cirradeyda ka xishoodoo, aniga i maqal.

Dhag Faruur: Haye.

Safar Maal: Waxaan kuu sheegaya Dheg-Faruurow, Soomaalidu waxay ku maahmaahda: Nin baa yidhi, anigoo markii horaba ooyaayey, ayuu sacna igu sii joogsaday. Waxaan uga jeeda ninkani arrimahiisoo dhammi waa iska allow-sahale, bal halkuu ku maydhay ha ku engejistee. Anigaa wax qabanaya, ayuu inagu wareeriyeye. Wuu ciir-ciirayaaye, u daa, waa marmarsiiyo doone.

Dhag Faruur: Waayahay, adeer.

Safar Maal: Lacagtan yar ee dadka qamaaminaysana inay hay’addu ina dhex keento mabaan jeclaynoo, waayo maanta diyaarba u ma nihin aduunya yaroo inta laynagu dhex saydho aynu isku jii-jiidanno. Intay carruurteenu oommantahayna xooggeena oo aynu u hurro mooyaane, wixii kale ka sokeeyaaba waa inagu doqonnimo, ee sida yeel adeer.

Dhag Faruur: Waayahay, waan kaa yeelay.