Naftaada wax aan jirin intaad ka soo qaadi lahayd, qofka aad naftaada ka jeceshahay wax aan jirin ka soo qaad!
Waxaan aad idiinka raalligalinaynaa in ay inaga kalla go’day sheekadan cillado internet dartood, dhammaan waan idinka raalligalinaynaa asxaabta sharafta mudan, haddana way inoo billaabatay ee akhris wacan.
Waxay inoo maraysay
Axmed nuur wuxuu wacay telki nasteexo, wayna ka qabatay, wuxuuna yidhi;
“See tahay wll qaali, xaaladaada ka warran.
-Waan fiicanahay.
“Soo nasteexo maaha?”
-haa, waa kuma?
“Waa qof aadan aqoon u lahayn, wll qaali dadka Ilaahay isku mid kama wada dhigin, qaar ayaa quruxdaada kaliya kugu jecel, qaarna haybaddaada iyo qalbigaaga nadiiftiisa ayaa soo jiidanaya”.
—Waa kuma adigu, yaadse tahay, taleefankaygana yaa ku siiyay?.
“Wll qaali, anigaaba geesinimadayda boqorad meel taagan ubax u soo fidiyay, arrimo aan wakhti badan galiyayna maaha in aad si fudud ii waydiiso, ma xasuusataa waxaan ahay qofkii masseejyada kuu soo dirayay”.
__Haa, haye, ma qofkii aan soo wacay ee iga qaban waayay!.
“Wll sidaan kuu sheegayba awood uma lahayn in aan kula hadlo, marka waxaan doonayaa in aad i siiso jaanis aan kugula hadlo.
__Haye waan kuu raadinayaa… Halkaas ayay joogtay.
Axmed nuur aad buu u farxay, markii dhawr habeen laga soo wareega ayuu lambarkeedii wacay, wayna ka qaban wayday, ilaa laba jeer ayuu ku celceliyay, niyad-jab aad wayn ayuu dareemay, jacaylkiina wuu ku sii ballaadhay, waxaa dhacday in meeshuu istaagaba ay nasteexo hortaagan tahay, wuxuuna iswayediiyay, “Waagi hore intaanan isbaran sidan uma aanan arki jirin mar walbee maxaa soo kordhay”. Lambarkeedi ayuu haddana habeen kale wacay, lknse lagama qaban.
Gabadh asxaabteeda ah, oo filsan la dhaho ayuu axmed nuur arrinkii nawteexo kala tashaday, lkn dhagba jalaq umayn siin.
Axmed nuur xaaladdi ayaa ku sii xumaatay, wuxuuna qoray farriimo (Massage) ay ka mid yihiin erayadiisu; “Wll qaali go’aan ha ka gaadhin adigoon ogaan qofku wuxuu yahay”, Nasteexo qudheedu wax khalad ah ma laha, maxaayeelay wali ma aysan aqoonsan qofkan farriimaha u soo diraya, soona wacaya.
Axmed nuur ayaa wuxuu mar labaad su’aalo waydiiyay filsan oo nasteexo sxbadeed ahayd, wuuna ku dhaga hadlay, isagoo tusaya farriimihii (massage-ki); wayna akhrisay, waxayna go’aansatay in ay wax la qabato. Axmed nuur ayaa flisan si kaftan ah ugu yidhi; “Filsan caawintaada waad igala soo daahday, nasteexana dareenkeedi jacayl wuuba iga sii go’ayaa”. Wayna soo kala tageen.
Axmed nuur naftiisa ayuu su’aalo waydiiyay, isagoo dhahaya, “Waxaan ogahay in aan jeclahay gabadhaas, lkn go’aan in aan ka gaadho ayaan isku dayi”. Axmed nuur dareenka kalgacal ee uu gabadha u qabo waa mid aan erayo xitaa lagu cabbiri karin, wax walbana waxaa ka keenaya xanaaq, waxbarashadii hadda sidi hore uma tago, asxaabtiisana kuma badna, kubbadii uu ciyaari jirayna wuu daayay.
Cabdi nuur oo arrinkiisa illaa billawgi ogaa, ayaa dhiirrigaliyay, “sxb maxaa dhacay dhawrkan maalin kuma arag, waxbarashadaadina imtaxaanki teeramka ayaa idiin billawdaye, waxaana la ii sheegay in aadan dhawr cisho imaanin, sxb axmed nuur waxaan dareensanahay dhibaatada ku haysata, lkn wax walba waxbaarashadaa ka muhiimsan siday aniga ila tahay, adigoo waxbaranayaana danahaada la wataa”.
Maalin maalmaha ka mid ah, ayay nasteexo filsan soo booqatay, waxayna wada galeen qolka fadhiga, nasteexo wax arrin ah uma aysan socon kaliya sxbadeed umbay soo booqatay. Way wada sheekaysteen mid walbana tii kale ayay taleefankeedii ka qaaday, filsan ayaa taleefankii nasteexo ka baadhay farriimihii Axmed nuur, iyadoo rabta in ay wax iska hubsato, markay aragtay farriimihii wiilka, filsan ayaa nasteexo ku tiri; “Sxbey waa maxay wiilkan firrimahan kuu soo diray maxaad wax jawaab ah ugu huri wayday?”. Nasteexo ayaa tiri; “Sxb qofkaan aqoon uma lihi, dhawr jeerna kama qaban taleefanka, anoo mashquulsan buu i soo wacay”. Filsan ayaa tiri; “Wiilkan Axmed nuur ayaa la dhahaa, waana wiil wanaagsan oon si fiican u aqaano”.Nasteexo ayaa tiri; “sxbey aniga wiilkan maba garanayo, wuxuuna ii sheegay in axmed nuur la dhaho’’. Nasteexo oo ku madadaalanayso sawirraantii taleefanka filsan ku jiray, waxaa u soo baxay axmed nuur iyo sxbkii cabdi nuur, waxayna aad u soo dhawaysatay sawirkii Axmed nuur, waxayna tiri; “Sxb filsan wiilkan waan garanayaa”. Filsan oo yaaban ayaa tiri; “Wiilka aan ka sheekaynayno soo wiilkan maaha, soo wiilkii farriimahan dareenka ah kuu soo diray ma aha!”.
Nasteexo ayuu dhulku la wareegay, wax ay ku hadashana garan wayday, xilligii ayaana hadal ugu dambaysay, waxayna maskaxdeeda ku soo celcelisay, farriimihii uu u soo dirayay, nafteeda ayayna canaananaysay, waxayna aad u soo xasuusanaysay, hadalladii uu ku dhahayay, “Waligaa ruux aadan aqoon u lahayn go’aan ha ka gaadhin”. Filsan ayaa iyada la hadashay, oo tiri, sxbey axmed nuur xaaladda ayaa ku adag hadda, dareen kalgacal oo uu kuu qabo, ayuu dalanbaabi la yahay, wuxuuna go’aansaday in uu faraha kaa qaado, isagoo ku jecel, maxaayeelay,waxaa niyad jabiyay telki aad ka qaban wayday iyo farriimihii aad ka soo jawaabi wayday. isla markiiba way ka soo tagtay sxbteed, waxayna ku soo laabatay xaafa…