Ruwaayad qoraaleedkeeni Isniin kastaa taxanaha inoo ahaa ka raali ahaada baaqashadii shalay ay inooga baaqatay cillado kale. Maantana qaybtan kaga bogta, mahadsanid Akhriste.
Safar Maal: Wixii laguu geystay anagaa maydhi doonee, nabaadiino.
—Xoolo- Baas-Wadow, gar-darooyinkaaga marna aanad u meel deyeynin, aduun bay gaar kuu ahayde. Waxaad ogaataa inay maanta tuuladii tunkaaga saaran tahay. Mid kalena aan kuu sheegee: Shan-iyo- labaatankaa nin ee beesha u arriminaye wixii ay gorfaynayeen inaad sidii rah biyo ku dhacay ugu gal-galatay waad ogtahaye. Haddad halyey noqonaysa iyo haddaad hacoo noqonaysaba aday ku jirtaaye. Anaga wixii eegga laga bilaabo xil nagama saarree. Adaanu ku sugaynaaye, na hawl geli. Wax kaloon intaa ku daro ma garanaye, waar miyaanay sidaas ahayn?
Wadajir: Haah.
Xoolo Baas Wade: Eeyahe waa odaygan, markaan afka kala qaadaba, sidii waraabe hilib arkay baad igu soo boodaysaaye. Wixii aan sheegaaba haddii uu dacar kuu dhadhamayo, anigu kuu macaanayn kari maayee, odaynimadaan kaaga xishoonayaaye, beryahaaba waad i sidataaye, Iska kay dhig. Waxqabadka tuuladana nina kaala tashan maayee. Markaan idiin dhammaystiro, idinku aayar nimcadiina maydiin iska nuugi. Anigu abaal celin idinka sugi maaye.
Safar Maal: Waar waxaad yeesha, kolley wax dhin is ma lihide, nin waliba siduu u af bartay ayuun buu ku awr dhaansadaaye. Horta xaggeyga ka bogso. Shirkuna wuxuu inoogu dhan yahay. Wadadaanu soconnay baad naga leexisaye, tii aad noogu baaqday nagu ceel gee. Waar yaa intaa wax ku daraya?
Biidaar Feedh: Loo noqon maayee, ina dareersha.
Xoolo Baas Wade: Waar ma waxaad aragtay, dad hadduu Laylatul qaddar u yimaadana odhanaya: Xoolo-Baas-Wadaa soo dirayee, diida.
Dhag Faruur: Waaryaa Qalbi-Bigeys.
Qalbi Bigays: Hee, Dheg-Faruur.
Dhag Faruur: Alleylehe ninkii Xoolo-Baas-Wade maantuu wacdaro dhigayoo, tuuladii oo dhammi dad iskaba daa, hadalkiisa oo riyahoodii iyo macal digaaggoodii waxay ku wada heesayaan maanta: Xoolo- Baas-Wade, Xoolo-Baas-Wade, Xoolo-Baas-Wade.
Qalbi Bigays: Waar niyahow, waa sidaad u sheegtaye. Ma arkaysay markii uu shirkii afarta koone hadal uu kaga jiiday. Sow kuwii odayadii macal Safar-Maalkii u weynaa, intay gadhka wada salaaxdeen: ‘marxaba, waa sidaa’ mooyaane, wax kalaba laga waayey.
Dhag Faruur: Weliba waxaa ka darran ma taqaanaa?
Qalbi Bigays: Hee?
Dhag Faruur: Waa taa hay’addii tuulada garabkeeda shiraacyadii ku rakibataye. Sow ma arkaysid?
Qabi Bigays: Waar haaye, durba miyey timid?
Dhag Faruur: Waar waxaan ku leeyahay: Eeggadaa yar bay ceelka iyo agagaarkiisaba bad macaan ka soo saaraysaa. Hay’adduna, Xoolo-Baas-Wade mooyaane, nin kale oo ay hadal ka qoraysaa ma jiro.
Qalbi Bigays: Waar bal ina mari, u daawasha tagnee. Inbadan bay odayaashu Xoolo-Baas-Wade, waxba ma tihid, odhan jireene. Inuu maanta diiq ka noqdo wakhtigaa ku simaye.