Q-2 Jacayl dhab ah

 

Naftaada wax aan jirin intaad ka soo qaadi lahayd, qofka aad naftaada ka jeceshahay wax aan jirin ka soo qaad!!!

Waxaa dhulka kaga dhacay talefankeedi, tellkii ayaana kala duulay, ifraax iyo axmed nuur ayaana u soo qabtay, wuxuuna yidhi; “hno dhakhso batariga gali tellka taariikhda ayaa kaa khaldamaysee, soo internetka ma isticmaashid”, waxayna si xushmad iyo qadarin ku dheehan tahay oogu tidhi; “hno waxba maaha”.

 

In yar marka ay socdeen, waxaaba mar labaad ka daatay cambe ay adeeg u wadatay oo markii horaba aan muuqanin. Axmed nuur iyo ifraax waxay la yaabeen marxalada ay nasteexo ku sugan tahay, iyadna sidoo kale way isla yaabtay!. Mashquulka gabadha haysta wuxuu ka turjumayaa, in uu galay furihii dareenka.

Wax yar markay socdeen ayuu axmed nuur labadii gabdhood macasalaameeyay, dibna uga soo laabtay, isaga oo kalsooni ka helay kulankii lama filaanka ahaa. Maxaayeelay arrin uu hawaysan la’aa ayuu fursad u siiyay wakhtigu, wax walbana waxay ugu dhammaadeen saacad gudeheed, Wuxuuna helay wadiiqo naftiisa dhiirrigalinaysa. Markuu xaafadda yimidna wuxuu is waydiinayay su’aalo dhawr ah wixii uu kala kulmay nusteexo iyo sababihi kala duwanaa, ee telki iyo khudradi cambaha ee dhulka kaga daadanayay iyo waliba xishoodkii ka muuqday dhaayaheeda.

Axmed nuur wuxuu u gogol xaadhay jacaylkii godladay, sidii uu ooga midho dhalin lahaa hawlaha soo food saaray. Galabtii ayuu ifraax tellkeedii wacay, waydiiyayna xaalada nasteexo iyo sida ay isku barteen, wayna u faafaahisay, waxay u sheegtay in ay wax isla bartaan macadkana bananka ka dhigato reer godayna ay tahay.

Axmed nuur wuxuu dhuuxayay hadaladii ifraax, wayna farxad galiyeen xogtii fiicnayd ee uu helay, kadib wax walboo jiray ayuu u sheegay ifraax, waxayna ku tiri; “Hiil iyo hooba waan kula garab taaganahay, dhibka ku haystana waan ku dareemi karaa”.

Axmed nuur, wuxuu baadi goobay nasteexo aragtideeda, in uu mar labaad la kulmo, una sheego dareenkiisa, lknse maysan dhicin, dantuna waxay ku kalliftay in uu telkeeda raadiyo, ifraax ayuuna waydiiyay kana qortay, balse awood uu kula hadlo ayuu waayay in mudda ah, farriin (Massege) ah ayuuna u diray, wuxuuna yidhi sidan; “Waxaan aaminsanaa ama niayadayda ku jirtay, in maalin maalmaha ka mid ah hortayda imaan doonto qofka kaliya een qalbigayga u hibeeyay”, erayadaas oo qalbigiisa ku soo dhacay markii ugu horreysay ee uu arkay.

Fariinti (massege-ki” markay gaadhay, waxay aad ula yaabtay erayadan dareenka ah, wayna ka yara fikirtay, waayo waa arrin kadis ah. Kadibna waxay si dag dag ah u soo Wacday lambarkii axmed nuur, iyadoo doonaysa in ay ogaato qofka SMS-ka u soo diray, balse, axmed nuur awood uma yeelan in inta telka ka qabto la hadlo, wuxuuna mar kale u diray farriin SMS ah (massage); isagoo dhahaya; “Wax bay ii ahaan lahayd, haddii aan awood u leeyahay in aan kula hadlo”.

Dhawr cisho kadib, axmed nuur wuxuu wacay telki nasteexo, wayna ka qabatay, wuxuuna yidhi;

A= See tahay wll qaali, xaaladaada ka warran.

N= Waan fiicanahay.

A= Soo nasteexo maaha?

N= Haa waa kuma?

A= Waa qof aadan aqoon u lahayn, wll qaali dadka Ilaahay isku mid kama wada dhigin, qaar ayaa quruxdaada kaliya kugu jecel, qaarna haybaddaada iyo qalbigaaga nadiiftiisa ayaa soo jiidanaya. —

N= Waa kuma adigu, yaadse tahay, taleefankaygana yaa ku siiyay?.

A= Wll qaali anigaaba geesinimadayda boqorad meel taagan ubax u soo fidiyay, arrimo aan wakhti badan galiyayna maaha in aad si fudud ii waydiiso, ma xasuusataa waxaan ahay qofkii masseejyada kuu soo dirayay,

N= Haa, haye, ma qofkii aan soo wacay ee iga qaban waayay!.

A= Sidaan kuu sheegayba awood uma lahayn in aan kula hadlo, marka waxaan doonayaa in aad i siiso jaanis aan kugula hadlo.

N= Haye waan kuu raadinayaa.