Q-5 ruwaayad

 

 

Xoolo Baas Wade: Waryahee Sow-Sowle.

SS: Hee.

Xoolo Baas Wade: Sow shirka sidii loo laaqayey lamaad soconin? Kaba-Tuur iyo Bidaar-Feedh inay Safar-Maal u nacam leeyaan mooyaane, tala kale meesha kuma hayaane, sow maad arkayn?

Saw Sawle: Waar nin yahow, maxaan la socdaayoon la socdaa? Shirka xun hadalkiisa xunba aad umaan maqlaynoo, sow kab xumi igamay go’inoo, sow kaboole xun laba qodob oo xun-xun igu qabo maan odhanoo sow…

Xoolo Baas Wade: Iska dhaafoo i dhegayso.

Saw Sawle: Waayahay.

Xoolo Baas Wade: Horta innaga, sidaad u og tahayba cidi hadal innagama dhegaysato. Odayga Safar-Maalna labadayadu jiir iyo bisad baanu isku nahay. Haddaba anigu waxaan go’aansaday inaan tuulada nimankaasi kolba dhinacay u jeediyaan mooyaane, inaan dhinaca kale u jeediyee. Afkaaga hayso adigu, indhahana igala soco.

 

Kaba Tuur: Asalaam Calaykum, Safar-Maalow.

Safar Maal: Calaykum As-salaan, Kaba-Tuur.

Kaba Tuur: Safar-Maalow hay’addii ninkan bay soo wakiilatay. Dee inkastoy ina aqbashay, haddana axdiyo adag bay inagu xidhaysaaye. Adigaa noogu weynoo, xil dheeraad ahna ku saarraaye. Bal waa tane wada hadla.

Safar Maal: Horta harraad looma kala weyna. Biyo la’aanina, hebel baa xil sida ma taqaane. Ninkan magacii?

Suge: Sugaa la yidhaahda, Adeer.

Safar Maal: Barasho wanaagsan. Waxanse u dhaafaya, tuuladani biyo la’aan bay u dhibaataysan tahaye, maxaad ka qaban karaysaan? Amase aynu ka wada qaban karaynaa?

Suge: Waa su’aal wanaagsane. Anigu waxaan idiin sida farriimihii hay’addu ii soo dhiibtay. Waxayna kala yihiin sidan:
Kow: In ceelka awooddiisa ilaa afar iyo shan laab la xoojiyo.
Laba: In wixii kharash ama maal ah ay ugu baxaan sida tan: Horta wax allaale wixii karaanka tuulada noqon kara idinkaa u xil saarran. Wixii intaas dhaafsiisanna hawlgalkeeda hay’addaa isu diyaarin doontaa. Kolba wixii aynu isla garanno iyo wixii aynu isla garan waynaba, waan idinka war geyn doonaa. Hadalkiina idinkaan idiinka baxay.

Safar Maal: Sugow, horta dib waxay ka noqotaba, tuuladan maanta baahi biyood ayaa fadhi u diidan. Kolkaa waxaan idinka codsanaynaa inaad deg deg wax noola billowdaan.

Xoola Baas Wade: Joojiya, joojiya intaad hadhka geedka ka hoos gungunuusayseen baan hawshiiba idiin soo dhammaynaye.

Safar Maal: Waar Ilaahay baa wax dhammeyee, haddaadse xil gudanayso, waa waajib ku saaraane, arrinkaanu haynay waad naga dhabqisaye. Maxaad dhaama ood haysaa?

Xoolo Baas Wade: Daraadiin baan waxaan ogahayoo hawli igu kiin dhacdaye, waxaan idiin sheegaya inaan u tegay hay’addii Geed-Xagaaf. Ceelka dhibta idinka haysatana aan u soo sheegay layguna ballan qaaday in subaxa arroorta ah tuulada biyo lagu qarqin doono oo ceelka todobaatan nin jooggood hoos loo daloolin doono. Baystayna aan laynaga rabin ee ninka taa tu ka fiican hayow, ina ayaad tahay. Hadal baan kala daysan weynaye.

Safar Maal: Waar ha na derderine, “keligii-arrinsade waa ibleys” baa la yidhiye. Intaad naga maqnayd baanu hay’addan ku hor taagan arrin la gorfaynaye. Waxaad qabatay hadduu aaya leeyahay waa la arki doonaaye. Yar fadhiiso oo halkay arrini marayso nala dhegayso.

Xoolo Baas Wade: Bal Waayahee, wada.

Safar Maal: Sugow, bal waxaad iigu noqotaa qayb hawleedka aad carrabka ku dhufatay, wixii annaga nalooga baahan yahay.

 

 

 

Suge: Waxaa weeyaan, Safar-Maalow, dee horta waxaad tihiin dad dhibi hayso oo shaqaysanaya. Hay’adduna idinkoo iska hurda inay wax idiin dhammayso in maskaxda la gashado maaha. Geesna haddaan ka eegno, wuxuu Kaba-Tuur noo sheegay in ceelka markii la samaynayey nin keliya uu qoday. Dee maantana waxaan u malaynayaa rag dhawr boqol ah ayaa tuulada iyo hareeraheeda jooga. Haddaba shuruudaha hay’adduna waxay ku qotomaan wixii wax qabsanayaba inay wax la qabato. Waanan ka baxay hadalkii.

Xoolo Baas Wade: Heey, wadh wadh. Oo tani illeen waabay soo shaqa tagtay, oo hayadaha qaarkood waxayba damacsan yihiin inay dadka masaakiinta ah intay kuuli ka dhigtaan aayar bilaash ugu shaqaystaan. Waaryaa waa ninka hay’adda ka qab-qablaha ah, adeer, hurdaad sheegaysaaye, waxaanu haysannaa hay’ad anagoo khuurinayna wax walba noo dhammaynaysee. Halkaa ka bax oo orod na dhaaf.

Safar Maal: Waar xishood. Waar naga aamus; waar naga joogso. Gacan baa nagaga kaa dhiciye.

Xoolo Baas Wade: Ee aamusi maynee, naga hor dhaqaaji. Kani hay’ad ka socod maahee, waa baayacmushtar doone.

Biidaar Feedh: Waar waxan nacaska ahi waa maxay. Waar wax walba miyaad ku hadlaysa? Waar haddaad waalan tahay anagaa kuu miyir qabnee, naga aamus.

Xoolo Baas Wade Aamusi maynee, haddaad biyo doonaysaan, annagaa hay’ad bilaash ah idiin haynee. Ninkan naga kaxeeya, haddii kale budhkaa madheedhka ah baan sidan ugu wado muqmad kaga dhigi doona.

Safar Maal: Waar naga aamus lagaa baqan maayee, waa lagaa xishoonayaaye. Haddaanad wax isku falaynin anaga dhegtayada dili mayside. Sugow, bal horta wixii laguu geystayba anaga noogu dul qaado.

Suge: Aan kaa boobo hadalkee, Safar-Maalow, horta sabab aynu ku dagaalanna meesha maba taalee. Anigu waan idinka tegayaaye. Markaad baahidiina meel isla dhigtaan, ayaad nagu soo war celin doontaane. Idinku isku noqda oo anigu waan idinka tegayaaye, nabad gelyo.

SM: Wixii laguu geystay anagaa maydhi doonee, nabaadiino.