Waa qiso aad u macaan, oo jacayl dhex maray wiil iyo gabadh ka turjumaysa.
Axmed nuur wuxuu ahaa, arday wax ka barta macadka beeraha ee magaalada Godey, wuxuuna ahaa arday u heellan in uu waxbarto. Isaga iyo sxbkii cabdi nuur oo ahaa mid ka mid ah ardayda wax ka barata kuliyadda camfimaadka ee isla magaaladaasi, ayaa maalin waxaa dhacday, iyagoo socda waddada cable stone-ka ee Al-xaramayn 2, kuna aaddan xaggaa iyo jiiro-hindhiso, intayna u weecan xagga jiirada, ayaa dhankooda bidix axmed nuur indhaha la helay dhabanka gabadh ka adeeganaysa meherad. Dhawr tillaabo markay qaadeen ayuu isagoon eray kale dhihin sxbkii ku yidhi; “Sxb waxaan aaminsanaa ama uu fikirkaygu ahaa, in ay maalin maalmaha ka mid ah hortayda imaan doonto qofka kaliya een qalbigayga u hibeeyay!”.
Cabdi nuur wuu garaystay erayada sxbkii ka soo burqaday in ay yihiin kuwo dareen jacayl xambaarsan, balse danahoodi guud ayay sii wateen. Marki ay soo guteen hawlahoodii, ayaa gadaal ugu soo noqdeen wadadii. Axmed nuur waa nin dareen u dhuuntaye, wuxuu jalleecay halki ay gabadhu taagnayd, masna ma dhicin in uu mar labaad gobtii ku arko maxaa yeelay gabadhu ma aha geed meesha ka baxay.
Cabdi nuur ayaa yidhi; “Sxb waxaan u sii baqoolayaa xaggaa iyo kulliyadi, axmed nuurna wuxuu yidhi; “Dadka waxaa ugu wanaagsan midka wax walba kula qaybsan karo, marka maxaa ii diidayo in aan ceceedda kula qaybsado, oon ku sii dhaweeyo”. wayna is raaceen, kadibna markay wax yar socdeen, ayuu axmed nuur mar kale sheedda ka arkay gabadhii, kadibna wuxuu ku dhaygagay guudka, qotonka iyo qaabkeeda, lkn illaa iyo hadda jaaheeda (wajigeeda) ma uusan arag, waxaana fallaadhaha dareen ku soo jiitay haybadeeda iyo hannaankeeda wacan.
Axmed nuur ayaa yidhi’ “Sxb gabadhii haddana waatan i hortaagan”, Cabdi nuur waa nin uun dareen wadine, wuxuu yidhi; “sxb gabadhaad sheegayso wajigeeda maanan aragbee!”. Axmed nuur wuxuu jalleecayay dhankii gabadha ilaa intuu ka waayay muuqeeda. Wuxuu naftiisa waydiiyay su’aalo dhowr ah “talow malaga yaabaa in aad la kulanto ciwaan keedase muxuu yahay’’ wuxuuna qalbigiisa ku dhiiro galiyay haddii dareenka aad u qaaday gabadha mid dhaba yahay wakhtiga ayaaba ii saamaxaya in aan la kulmo. markii ay ku dhawaadeen kuliyadii ayay asxaabtii ismacsalaamaysay waan isa soo wicidoonaa iyo hadalo kale ayay is dhaafsadeen. soo laab ashadiisii, ayaa waxaa si kadis ah uga hor imaatay, ifraax oo ka mid ahayd asxbaabtiisi iyo asxaab kale, salaan markii la is dhaafsaday, ayuu si gooniya ula baxay ifraax, waxayna is warsadeen xaaladahooda, waxbarashadooda, cafimaadkooda iyo waayahooda adduun.wax yar markay wada hadlayeen, ayay axmed nuur indhihiisu qabteen gabadhii uu qalbigiisa ku hayay oo ku soo adaan wadada aytaagan yihii, in mudo ah ayuu dhowrayay wuxuuna indhaha ka buuxsaday haybada iyo quruxda eebe ku manaystay, dareenkii ayaana ku labo qarxay, wuxuuna la maqsuudsanaa hab u socodka laafyaheeda iyo wajigii uu u baahi qabay in uu arko, intii uu gabadha ku maqnaa, ayay ifraax dhowr jeer la hadashay, waxayna jaleecday halka uu ku maqan yahay, misna waa gabar ay wax Isla bartaan iyada, salaan ayayna isdhaaf sadeen, axmed nuur wali waa nin maqan hasa yeeshee indhaha ayuu ifraax ooga baaqay, wayna fahantay iyadoo ka shidaal qaadanaysa eegi taankiisii dareenka xanbaarsanaa. Ifraax ayaa gabadhii ku tiri; “Ii sug nusteexo waan is raacaynaaye”, magaceedii uu maqlay ayaa haddana kalgacaylkii ku corcooriyay, wuxuuna ku xafiday qalbigiisa, wayna is wada raaceen, ifraax ayaan si kadis ah axmed nuur ugu tiri; “Nasteexo aan iskiin baro”, markaas ayuu axmed nuur hadalkii qaatay, isagoo dhahaya; “Gabadha waanba is naqaanaaye maxaad is kaan bari” Asxaabtii ayaa is dhaafsatay kaftan iyo hadalo macaan, sida; “Wax isasii yaqaanay waadba u indha egtihiin, qalbiyo isku heellan waxaa ka turjuma wakhtiga” Qosol, dhoolla caddayn iyo kaftan macaan iyadoo lagu guda jiro, ayuu ifraax telefan u soo dhacay, kuna yara mashquushay, Axmed nuurna wuxuu wali la ashqaraarsanaa, hadaladii naxariista xanbaarsanaa iyo dhoolo cadayskii nasteexo, iyada qudheedu waxaad mooddaa, in uu dookhii dareenka sahansaday qalbigeedana dagay, markay u bogtay, erayada jamashada leh iyo wajigiisa farxadda ka muuqata, iyagoo indhaha iska dhawraya kalmadna ayn is dhaafsanin ayay ifraax taleefanki bogatay. Socodkii iyo aftankii ayayna sii wateen. Nasteexo oo xidhnayd xijaab aad u madow, isla markaana muujinaya quruxdeeda maadaama ay ahayd gabar dhaban quruxsan, ayaa ifraax ku tidhi; “sxb ma wax ayaa igaga yaalo xijaabka gadaashiisa”. Axmed nuur ayuuna hadalkeedii dareen galiyay, wuxuuna dareemay in ay dhankeedana wax dareentay, waxuuna la sii amakaagsanaa xishoodka indhaheeda ka muuqda. Ifraax intayna ka jawaabin su’aashii nasteexo, axmed nuur ayaaba hadalki ka boobay, wuxuuna yidhi; maansha Allaah, waxba kaama khaldana, waadna shidan tahay, qofkii ku arkaana awood oomalaha in uu kaa jeesado”. nasteexo oo markii horaba hawluhu ku badnaayeen, ayaaa amaantii iyo hadaladii axmed nuur cir iyo dhulba u diiday, waxaana dhulka kaga dhacay talefankeeddi, tellkii ayaana kala duulay, ifraax iyo axmed nuur ayaana u soo qabtay, wuxuuna yidhi; “hno qakhso batariga gali tellka taariikhda ayaa kaa khaldamaysee, soo internetka ma isticmaashid”, waxayna si xushmad iyo qadarin ku dheehan tahay oogu tidhi; “hno waxba maaha”.