Xoolo Baas Wade: Bal aan erey yar idinku daree. Horta weligiinba afar oday oo dhulka sumado waaweyn ku jeex-jeexaya waad isugu yeedhi jirteen. Walise maan arag waxay tuuladu intay haakah ku tidhaahdo, idinkana idinku ducayso. Midkalana aan raacsadee: Maxaydun maanta shiriyooydun shiri? Geedkiiba haween gadoodsan oo aad u xanaaqsan oo aan carruurtoodii dheri dab loo saarin baa ciil la hoganayee.
Safar Maal: Waar hadalkaaga yaryareyso, oo wax isku la hadh. Dumarku waa kuwaynu dhallay iyo kuwii inoo dhaxay iyo kuwii ina dhalay iyo kuwii inala dhashayoo, haddaad bahal ina cunaya moodaysid sina laguma kala tegayoo, Ilaah baa isku keen hibeeyeye. Adiguse, anagaa la hadli doonee. Afkaaga ka hayso dumarka, ma carrab suubanide.
— Haweenkii sharafta lahaayow, horta dhibi, i daa kuguma deyso. Waxaan uga socdaa: Culayska idin saaran anaguna, haddaanu raggii nahay, waanu idinla qabnaa. Haddaba waxaan idinka codsanayaa, danteenaa inagu qasbaysee, inaad Geedka noo yara baneysaan. Xaajada ceelka ayaa na gubaysee.
Shan Ka Roon: Safar Maalow, horta afku kuma go’o, laakiin carruurteenii waa kuwa dumarka xaynka wada haysta, waxay la cabaadayaanna waa beer-caddaade. Dee waxaan la rog-rogin rag baan helin, baa la yidhiye. Geedkiina waa anagaa idinka dareerraye, laakiin wax aanu ku mashxarradnaa haydinka soo baxo.
— Naa ina kacsha dee, rag baa ina sugayee, maxaad hadhka isugu nabaysaan?
Safar Maal: Raggga sara joogow, badhidha dhulka dhiga. Taagnaanta laguma hadlee.
Wadajir: Waayahay.
Safar Maal: Aniga oo idinku da’ weyn, duqnimadii tuuladana xilkeedii sida, hadalka waan idiin furayaa, maskax iyo malana waa la wadaagi doonaa. Anigase waxay ila tahay: Ceelkan yar iyo magaaladani way kala qara weyn yihiin, ismana qaadi karayaan. Haddaan xoojin iyo dadaal dheeraad ah ceelka lagu daayac tirin.
Nimankii haayadaha ahaana aynu war gashanno, si ay inoo taakuleeyaan, Allaa taakulo lehe. Hadalkana waxaan kaga baxayaa: Haddii ceelka hareerihiisa horaba biyo looga waayey, isaguun baynu hawsha dul dhigaynaa. Hadalna iga dhan.
Kaba Tuur: Safar-Maalow, warkaa ha samaadee, kumaan saluugin. Midse waan kugu raacay, midna waa gocashadeyda. Ceelka aan hay’adaha la kaashanno way ii dhadhantay. Middaan gocanayaana waxay tahay: Biyo marka hore afka waa ka wada biyo, ha yeeshee, badh baa cudur ah. Waxaan odhan lahaa: Caafimaadka ceelka wax yar iyo wax badan, kolba intii biyo laga helo in loo feejignaado oo nadaafaddooda la dhowro.
Bal haddaan tusaale idiin soo qaado: maalin aan sii fogayn baan ruux dumar ah oo ceelka qarkiisa dhar ku maydhaysa soo dul joogsaday. Markaasaan ku idhi: ‘Walaal, saabuunta ceelka ku noqonaysa maad kala fogaatid?’ Dabadeed waxay igu jawaabtay, waxaan aad uga yax-yaxay, oo waxay iigu jawaabtay; “Anigu inaan uskagga dharkeyga ka maydho ayuun baa ila da’ ah. Haddaadse shaqo u waalatay orod oo intaad ceel qodato, dabeedna si fiican u ilaasho. Kani laguma dirine”.
Inkastooy garaadkeedii hadashay, haddana waxaan is idhi: Bal si kale wax ugu tusaaleeyoo waxaan ku celiyey: ‘Walaal, waxaad dharka uskagga uga maydhayso, sow nadaafad jacayl maaha?’ Markaasay ii celisay: ‘Haahe, maxaa kuu raaca?.
Dabadeedna waxaan ku idhi: ‘Walaal, dharka ileen jidhkaagaad ku xidhaysaaye. Markaad ceelka uskagga ku celiso eed hadhowna cabto, ileen dhibaataa kaaga iman doontee. Hadhow, ma calooshaadaad intaad dibadda u soo saarto dabeedna maydhi doonta.’
Dee qofkii damiir leh baa damqadee. Intay iga mashiiqsatay, oo ay I huruuftay ayey sii jeed ku tidhi: “Waxaasaa dhakhtar iska yeelyeel ah”.
Haddaba hadalka waan idin ku dheereeyeye. Waxa iga murti ah: Aynu caafimaadka biyaha dawrro.
Xoolo Baas Wade: Waar niman yahow, shir meesha kuma haysaane, hadal aan macna lahayn baad la hangoola dhaadheer tihiine, waxba gabadh baa dhar maydhayoo, saabuun kaga xoorisay iyo caafimaad baan ilaalin doonnaa, haku meeraysaninee. Tuuladan harraadka la tubani, waxay dhuunta ku qooyaan u raadiya.
Kaba Tuur: Xoolo-Baas-Wadoow, dhibta noogama war roonide, bal hadalkaaga u meel dayo. Waxuun xeeriyoo, weligaabaad gorayo hees u qaadi jirtaye. Kolba sida wax loo wado ula soco.
Safar Maal: Horta rag meel isugu yimid, afkooda Ilaahay ma simine, waxba, Kaba-Tuurow, saaxiibkeen ha sii raacine. Adigiyo Bidaar-Feedh is raaca oo orda oo hay’addii Berri-Suga inanka baabuurka u wade ee tuulada inala deggan warka inoo gaadhsiiya.
Shirkuna halkaa haynoo joogo.